SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Cabdiwaaxid Khaliif iyo Cabdillaahi Yusuf

Cawl Mareero
Cawl_mareero@hotmail.com 

Mushkilad ayaa jirta taas oo ah.

Cabdiwaaxid adiguna caqli yeelan weydey oo odayga adeerkaa ah
aflagaadada iyo been abuurka ka daa garanweydey.
Kuwa London kula joogaana niman rag ah noqon waaye oo waar odayga ka aamus ku oran waaye. haddaba inta aan labadaa mid middood la helin Cabdiwaaxid aamusi maysid..
 
Bal qiyaas maxaa Cabdiwaaxid kugu salliday ninkaa odayga ah. anigu meel aan u saaro garan waayey.
 
Oday Cabdillaahi Yusuf wuxuu isu sharraxay in uu noqdo madaxwene somaliyeed. wuxuuna qiyaasay in uu maanta somali meesha ka soo qaadi karo, isagoo kaashanaya wax allaale iyo wixii wanaag ula muuqda. maxaa ku jaban.
 
Cabdiwaaxid waxaad  had iyo jeer caaydaa/cambaareysaa/ku been abuurataa ninkaas odayga ah. intaasna kuma joogtide kuwa kale ayaad ammaantaa.
Ma jiro axad kale oo Soomali ah oo haba yaraatee si badheedhe ah u caaya  hoggaamiye kooxeedkooda. waa cabdiwaaxid kaligaa.
Waxaan arkaa kuwo had iyo goor saaran Ninkaa odayga ah.oo kuwoodii xunxumaa ilaahay tusi waayey.
Ma jiro qabiil Somaliyeed oo uu cabdillaahi eed ka galay haba yaraatee. Markaa Cabdwaaxid xaggee ka qaadan tahay.
 
Waxaad  talo ku soo gooysey in Hawiye iyo qolyaha kale oo dhammi  iskaashadaan si ay uga hortagaan in ruux  Daarood ahi madaxweynenimo ku guulaysto.
 
Cabdiwaaxid maxaad helaysaa Haddii Cabdillaahi wax waayo oo Muuse yalaxow ama Cabdillaahi A. Caddow Guulaysto. bal geed kasta ismariyoo waxa aad ka helayso noo sheeg.
Hooge maxaa haybtaada kugi salliday?
Waxaa la yidhi.
Xigto Baaniyaaladuba                    waysugu xarraamaane
Xayawaanku waa kala yaqaan          xaynta uu yahaye
Xaaraamiyohow Duqa* maxaad         uga xishoonweydey.(bari*)
 
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


»Dul-Ka-Xaadis: Maansadii 18 ee Doodwanaag [Anwar]
»
DULMI-DIID: Maansadii 19aad ee Doodwanaag [Xiirane]
»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]
»Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati? [Saciid Himilo]
»
2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»GARGAAR iyo DHAWR - Gabay::: [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 
» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD