SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 Shariif, Sheikh mise Qaadwale?

Maxamed S M Xirsi 
HerMoham@aol.com

Haddii aynnu nahay Soomaalida, waxaynu leenahay qisooyin cajiib ah hase yeeshee aan qornayn.  Badi qisooyinkaas ama sheekooyinkaasi way ka duwan yihiin sida markaas loo sheegayo waxayna sarbeeb u yihiin xaalado ka qoto dheer oo looga cabbir qaato ta markaas lagu hal-qabsanayo. 

Kuwaas waxaa ka mid ah: 

1 - CIMRIGAA DHEERAADAY, GEEL DHALAYUU KU TUSAA:


Shariff Hassan Sheikh Adan

Sheekadaan waxaa lagu xantaa dadka reer Xamarka ah oo iyagu Soomaalida kale uga duwan in aysan aqoon fiican u lahayn xoolaha ay badi Soomaalidu ku dhaqato miyiga.  Waxaa markaas sheekada loo ekaysiinayaa nin reer Xamar ah oo gaboobay ayaa maalintii dambe la kulmay, si ay noqotaba, hal geel ah oo dhalaysa, markaasuu inta uu Alle ku mahadiyey cimri dheerida uu siiyey ayuu lahjada reer Banaadiriga ku yiri: "Cimrigaa minaas dheeraado, Geel-dhalaas ku tusaa".  Sheekadu haddaba intaas way ka duwan tahay oo waxay u dhigantaa "NIN ADDUUNYO JOOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN".

Aniga ayuu haddaba maanta cimrigaygu i gaarsiiyey duni ku socota madaxa. Waa duni uu wixii nin xil moodo uu nin kale xarrago moodo.  Waa duni wixii nin la tuur lihi ay nin la toosan yihiin.  Yaanan hadalka idinku dalin. 

Caawa oo aan furtay qaar ka mid ah Shabakadaha Internetka ee Soomaalida, ayaa waxay ishaydu qabtay maqaal cinwaankiisu yahay: nin lagu magacaabo Shariif Xasan Sheikh oo noqday "guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalida".  Ilaa intaas sheekada kama muuqdaan wax mucjiso ah, waayo haddiiba ay jagadaasi tahay wax jira qof uun baa noqon lahaa. Anigu aqoon uma lihi Shariifka ama Sheikha mid uu noqdaba. 

2 - Arrinta madax ku socoshada igu noqotay waxay ahayd, markii laga sheekeeyey taariikh nololeedkii SHARIIFKA oo lagu sheegay inuu ahaa QAADWALE.  Haddii haddaba ay arrintu sidaas tahay, miyaysan ahayn "Reer Hebelow, Hebel Waa Kaas?" oo la mid ah Soomaaliyeey Shirkii Keenya waa kaas? 

Shariif ama Sheikha waxaa kaloo ka mid ahaa wanaaggii lagu tilmaamay, inuusan ka qaybqaadan dagaalladii "Shisheeye" ee Soomaaliye - Iga raalli noqda waayo anigu ma qabo wax la yiraahdo "dagaal sokeeye".  Ka warran ninkii Soomaaliya geyn jirey diyaarado qaad ah sannadihii burburka?  Ma qofkaasaan oran karnaa kama qayb qaadan dagaalladii?  Anigu  waxaanba qabaa inuu ninkaasi hal darajo sii dheeraaday qabqablaha dagaal maadaama uu dhaqaalihii ka curyaamiyey ummadda, uu sumaynayey isla markaana ay dadbadani ku naf waayeen bocsharadiisa sida waadaxa ah.  Waxaa taas ka daran, haddii uu qofkaasi wali ku jiro ganacsigiisii, si toos ah ama si dadban, waxaa la hubaa inuu mar kasta mudnaanta ka siinayo danaha guud.  Waxaa ayaduna caadi ah, inuu dad oo dhan ka hormarin doono kuwa ay ku saaxiibeen danihiisa.  Murti Soomaaliyeed ayaa ahayd:  SAAXIIBKAA II SHEEG AAN QOFKAAD TAHAY SHEEGEE; ama SHIMBIRBA SHIMBIRKIISUU L A DUULAA.   

3 - GEELA DUQDIISII DURDURISEY, MAXAAD MOODDAA QAALMIHIISA?:

Xukuumadda uu Guddoomiyeheeda Baarlamaanku yahay Shariif Qaadwale ah;  Maxaad mooddaa Madaxweynaheeda Dagaal-Ooge ah? 

Xaaladaha nasiib-darrada ah oo ka mid noqday dhaqanka Soomaaliya waxaa ka mid noqday waayahaan:

1) inuu dhammaan ama badi Soomaalida wali ku nool Dalkenna ay nololmaalmeedkooda ka sugaan qaxootiga dibedda jira;

2) in dhisme dawlad Soomaaliyeed laga suga in ay ka timaaddo dibedda: Addis Ababa, Qahira, Jibuti ama Nairobi.  Cidda ka qaybgasha shirar beenaadkaasi waa dagaal-ooge, inta uu wato, iyo kuwo iska gurdan raac ah oo goobahaas u taga ANNA WAY KAN ama KU QABSO KU QADI MAYSIDE.   

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA... iyo Halisteeda

4 - Aniga aragtidayda, dagaal-oogaha iyo inta la shirkada ahi waxay ka dhigan yihiin Dhurwaagii ama Waraabihii la yiri ka warran hooyadaa, ka dibna ku wawaabey: HOOYADAY INTA AY NOOSHAHAY WAA NUUGAA, HADDII AY DHIMATANA WAA CUNAA.  Sidaas darteed, dagaal oogaha marna wuxuu xalaashaday dhiigga dadkeenna marna wuxuu xalaashaday xooleheenna. 

5 - Ugu dambayntii waxaan ku soo xirayaa, hal eray oo aan talo ahaan u soo jeedinayo ragga ama dumarka Soomaaliyeed oo iyagu haysta qiil ah in aysan dunuub culus hore uga gelin dadka iyo Dalka Soomaaliyed; in ay maanta sida ugu dhaqsaha badan isaga haraan tartanka ihaanada ah oo aysan u dirsan Ummadda Soomaaliyeed oo ay la tratamayaan dagaal-oogayaasha.  Waxaan kaloo dadkaas u sheegi lahaa, haddii ay taas ku adkaystaan, ha ogaadeen in ay khasaareen shan goor: 1) haddii ay guulaystaan uma soconayso oo waxaan idii daynayn ama idinkuba dilaya dagaal oogayaasha; 2) haddii aad waydaan annaga ayaa idinku ogaannay dhuuni raacnimo oo an dib idiin aamminayn; 3) waxaad gasheen liiska dagaal oogayaasha mar haddii aad iyaga noola shirkowdeen; 4) waxaad ku fashisheen siyaasadda Soomaaliya oo aan dib dambe fursadi idiinka furnayn; 5) waxaad kaydsateen dunuub ad ka jawaabi doontaan qiyaamaha.  

Wa Billaahi Towfiiq 

Maxamed S M Xirsi 
HerMoham@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


»Dul-Ka-Xaadis: Maansadii 18 ee Doodwanaag [Anwar]
»
DULMI-DIID: Maansadii 19aad ee Doodwanaag [Xiirane]
»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]
»Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati? [Saciid Himilo]
»
2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»GARGAAR iyo DHAWR - Gabay::: [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 
» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD