SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAYSI

Cabdullahi Axmad Caddow:"wareysi"

Looma baahna ciidamo shisheeye waayo dagaal waa laga daalay

Canab Abdule  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Sept 17, 2004

Cabdullaahi Axmad Addow oo ka mid ah musharaxinta ugu cad cad tartamayasha ayaan Wareysi kula yeelanay dhawaan magalada Nairobi ugu horeyn waxaan wax ka waydiiyay sababta madaxweynaha somaliya uu ugu istaagayo markale waxa uuna yiri.

Addow. Sababta waa mid iska cad waayo qof walba waxa uu leeyahay aragti uu isleeyahay wax baad kaga badali kartaa xaalada soomaaliya ay ku jirto ee ah dowlad la;aanta dhibaatada dagaalada,amni xumada,marka waxay nagu tahay dambi inaan ka seexano ummadan dhibkeeda,taas ayaana igu dhalisay inaan u istaago jagada madaxweyne ee soomaaliya waxaanan hubaa in aan wax ka qaban doono hadii aan ku guuleysto madaxweynaha soomaaliya.

Somalitalk.Taageerada aad ka haysato baarlamaanka iyo caalamkaba si aad ugu guulaysato intee ayay gaarsiisan tahay?

Addow.Alle ayaa og Horta cida ku guulaysan doonta madaxweynaha soomaaliya,laakiin waxaan haysanaa taageero buuxda ah oo ah dadka soomaaliyeed ee ku nool gudaha somaaliya iyo dibadaba,kalsooni wayna waxaan ku qabnaa inaan ku soo baxno jagadan,waayo kama qaybgalin dagaaladii sokeeye iyo dhibaatadii dalka ka dhacdayba.dadkuna si wayn ayay ii yaqanaan marka taas ayaa keentay inaan ka haysto kalsooni aad  wanaagsan oo aan ku heli karo codkooda ugu badan,caalamkana mid taa la mid ah ayaan ka filaynaa.

Somalitalk.waxaad ka mid tahay mushariinta la saadaalinayo in ay ku guulaystaan doorashada madaxweyne hadii ay dhacdo taasi waxa ugu mihiimsan ee aad u qaban doonto shacabka maxay yihiin?

Addow.Waxbadan ayaan qaban doonaa somaliya dhib badan baa ka jira,waxaana ugu horeeya waxa aan qaban doono Amniga oo ah kan saldhiga u ah waxwalba hadii la helo,marka nabad ku wada noolaansho ayaa ay talaabada ugu horeysa ee aan qaadno,kadib ayay imaan kartaa in wax walba ay furmaan,sida dhaqaalaha caafimaadka dibna dhiska dalk,marka la helo amaan buuxa ayay wax walba ku socon karaan wadadii loogu tala galay ee saxda ahayd,taas helitaankeda ayaana muhiimadeena kowaad ah.

Somalitalk.Sida aad la socoto Dalka waxaa ku sugan maliishiyaad hubaysan oo qaarkood oo aanay jirin cid ay ka amarqaataan sideed ula macaamili doontaa hadii lagu doorto?

Addow.waxaan wadanaa barnaamij dhalinyarada hubaysan ee la marin habaabiyay mustaqbalkoodi laga lumiyay wax looga qaban lahaa,maantana waxaan aaminsanahay in ay u baahan yihiin nolol ka wanaagsan tan ay ku jiraan oo ah in ay helaan xirfado ay ku shaqaystaan loona sameeyo nolol ka sareysa mida ay ku dhamaanayaan maalin walba ee aan danta ugu jirin,barnaamijkeenana waa mid dhalinyaradas hubka looga dhigayo oo looguna samayn doono xeryo tababar iyo dhaqan iskugu jira iyadoo laga fulin doono gobolwalba oo soomaaliya ah iygana ay ku noolaadaan umadadoodana ay wax ugu qabtaan,dhalinyaradaas ayaana wax walba qaban kara hadii si wanaagsan loo tababaro. dowladeenuna qaabkaas ayay ku salaysnaan doontaa.

Somalitalk.dowladii carta waxaa burburiyay maliishiyaadka hubaysan oo waliba qaarkod ay diidan yihiin hadda in ciidamo la geeyo somalia,marka sow tii carte oo kale ma noqon karto?

Addow.Waqtigii carta lama casuumin hogaamiyayaasha siyaasada,balse hadda waa la casuumay waxay noqdeen xildhibaanada baarlamaanka,waxayna ka mid noqdeen saldhigii dalka,ALLE hortiisa ayay ku dhaarteen in ay qarankooda dhistaan magacoodana dib u soo celiyaan.ilamana ahan in ay dib u noqon doonaan kana hor imaan doonaan waxii maslaxad u ah ummadda soomaaliyeed,Go'aan ka soo baxay QM.waxa uu sheegayaa in talaabo adag laga qaadi doono cidii ka hor timaada shirka.xiligii cartana tala kuma lahayn hadana waxa soo saarayaan go'aamada marka kama laaban doonaan,ciidamo shisheeyana looma baahan doono in la geeyo dalka waxaa nagu filan dhalinyarada hubaysan oo la dhaqan celiyo tababarna loo furo,hadi ay dhacdana in la geeyo waxaa hogaamin doona saraakiil soomaaliyeed mana noqon doonaan kuwo meeshii ay rabaan iska galo amar la'aan waayo dagaal waa laga daalay shacabkana waxay u baahan yihiin Dowlad iyo amaan ku dhisan cadaalad taas ayaana wadnaa dadaalkeeda hadii Alla idmo.

Somalitalk.Dunida maanta waxaa ku soo kordhay nidaamka la dagaalanka Argagaxida waxa loo yaqaano,marka ma aaminsan tahay maxaadse ka qaban doontaa?

Addow.Argagaxiso waa hadal aad u adag ka hadalkiisa,waana qof ama koox ka soo horjeeda amniga aduunka,marka waa in lagula kaco sharciga waxayna  u taalaa ciidamada amaanka ee dalka in ay sugaan waxii wax u dhimi kara amaankooda iyo xasiloonidooda waa in la horgeeyo sharciga haduu ahaan lahaa mid wax dhacaya,mid muqaadaraad wada,argagaxisaduna waa dhowr nuuc waana waxii amaanka dhib ku ah,waxaan mas'uul ka ah in ay ka hadlaan maxaakiimta ku shaqada leh,anagana mar walba waxaa xil naga saarnaan doonaa inaan lagu xadgudbin ummadda soomaaliyeed amaankeedana aan sugno.

Somalitalk.Sida ay ku waramayaan Guddiga xalinta khilaafaadka waxay sheegen in IGAD faragalin ku samaysay shirka sideed u aragtaa?

Addow.Ma ahi IGAD,guddigana kama mid ahi,laakiin waxaa nala haboon anaga in waxyaabaha la tabanayo la iska liqo, lagana hormariyo danta guud ee soomaaliyeed markaas ayaa la heli karaa wax lagu qanacsan yahay,laakiin ka hor waa inaan adkaysano waa jiraan in wax badan la tirsanayo laakiin ahmiyadeena ugu wayn waa inaan dowlad noqono oo aan wax dhisano kadib ayaan heli karnaa waxaan rabno ka hornna waa in la dulqaato.

Somalitalk.Sida aad ogtahay shirka waa gagabo waxaana ka maqan laba siyaasi oo iskaga soo horjeeda magaalada kismaayo maxay u dhibi kartaa sii socoshada shirka?

Addow.waxba uma dhibi karto waayo shirkan mudo badan ayuu halkan ka socdaa waxaana filayaa in IGAD ay ka hadli doonto arrintaas,waxaan u jeedinaynaa in ay joojiyaan waxwalba oo keeni kara dagaal sokeeye waayo dagaal dhibkiis waxa laga dhaxlayaa waa bur bur iyo dhimasho dana uguma jirto labada dhinacba,dowlada dhalan doonta ayayna u taalaa maamulka,gacan ku hayn iyo xasilooni ku soo dabaalidisaba,marka maahan xiligan in dagaal la iskula noqdo ee waa in maslaxada halka ay ku jirto oo ah in la helo dowlad soomaaliyeed la raadiyo.

Somalitalk.Hadii aad ku guulaysan wayso xilkan wax wada shaqan ah mala yeelan doontaa madaxweynaha la doorto?

Addow.waan la shaqan doonaa maxaa yeelay dalka malahan qof gooni ah waan mas"uuliyad na saaran inaan la shaqayno madaxweynihii la doorto ee ku soo baxa xilka madaxweyne.

Somalitalk.ugu dambayn maxaad jeclaan lahayd in aad u soo jeediso dadka soomaliyeed?

Addow.waxaan u jeedinayaa shacabka soomaaliyeed in ay taageeraan dowladii ay wada sugyeen maalmo yarina ka harsan yihiin,lana dhisay baarlamaankii gudoomiyihiina la doortay,meelwalbana ay dadka soomaaliyeed isku diyaariyaan sidii ay u soo dhawayn lahayeen dowlada ka dhalan doonta shirka ee u dhalatay iyaga,waa tii loo baahnaa ee la wada sugayay hadii aysan dowladan la shaqaynin shacabkeedana aysan shaqayn karin kaligeed,dadkuna ogaado in iyaga rabitaankooda wax ku socon doonaan.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2004

"IGAD oo La Wareegtey Awoodii Beelaha Soomaaliyeed"
»Warsaxafadeed kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka
»Isbahaysi Cusub oo laga sameeyey Nairobi, Kenya...
»Kulankii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo ...
Dhammaan ka akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD