SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

Wararka Maanta:::

  • Baarlamaanka kenya oo munaasabad taageero iyo hambalayayn ah u sameeyay Gudoomiyaha xildhibaanka iyo xildhibaanada.
  • Hambalyo & Tacsi

Shariff Hassan Sheikh Adan, Beesha  Digil-Mirifle | Ganacsade.
Sawirka: China News
 
Baarlamaanka kenya oo munaasabad taageero iyo hambalayayn ah u sameeyay Gudoomiyaha xildhibaanka iyo xildhibaanada.
 
Baarlamaanka kenya ayaa maanta galinki dambe u sameeyay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed  iyo xildhibaanadaba munaasabad ku saabsan doorashada Afhayeenka baarlamaanka.
 
Munasabadan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Dowlada kenya, Afhayeenka baarlamaanka, wasiirada wadamada safka hore ee IGAD iyo marti sharaf kale oo badan.
 
Afhayeenka baarlamaanka kenya oo munasabadan ku tilmaamay in ay tahay Hambalayayn iyo taageero ay u diryaan baarlamaanka soomaaliyed sida ay ugu guuleysteen in ay doortaan afhayeenka baarlamaanka iyadoo u dhacday si nidaam ah,waxa kale oo uu intaasi ku daray in baarlamaanka kenya uu taageersan yahay Gudoomiyaha ay doorteen baarlamaanka soomaaliyeed una hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee nasiibka u helay xalay codadka ugu badan ee baarlamaanka.
 
Talaabadan doorashada ee baarlamaankana ku tilmaamay in ay bilow u tahay dhamaystirka dowlad ka dhalata soomaaliya oo shirkan ka hana qaada dowlalad ka dhalata soomaaliyana ay dhamaan gobolka oo dhan waxtar u leedahay.waxa ayna u rajeeyeen baarlamaanka soomaaliyeed in ay xilka ummadda ee loo dhiibay u gutaan sida ugu cadaaladsan.
 
sidoo kale waxa hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan sh Aadan oo sheegay in ay u tahay farxad ay ka soo qayb galaan munasabadan,hambalayada iyo taageeradana ay ka aqbaleen,
 
Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay doorashadii ku xigeenada baarlamaanka oo maanta la filayay in ay dhacdo, balse lagu wado in maalinta sabtida ah ay dhacdo. Baarlamaanka ayaa guda galaya Howlaha horyaala ee ay ugu horeyso nidaaminta doorashada madaxweynaha iyo nidaaminta howlaha baarlamaanka ka harsan.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2004

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16


Hambalyo & Tacsi

Mbagathi: Dr. Cabdi Maxamed Culusow (Black) Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliyeed, wuxuu maanta tahniyad & bogaadin u diryaa Mudane Shariif Xasan Sh. Axmed, oo xilka Gudoomiyahay Baarlamaanka Cusub loogu doortay xalay, xarunta Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed, shanta sanno ee soo socota.

"Baarlamaanku waa xubintii sharci dejinta ee dalka uguna saraysay sadaxda hay'adood ee awooda dalka. Waa xubintii xiriirka caalamka, heshiisyada, qorshaha Qaranka ee Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Bulsho ansaxineysay, marka waxaan rajaynaynaa in xilkaas culus ee laguu doortay aad u gudan doonto si ay ku jirto danta ummadda Soomaaliyeed iyo dalkaba", ayuu yiri Dr. Culusow.

"Baarlamaanku wuxuu matala midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sida Calanka Qaranka iyo Madaxweynaha Soomaaliyeed, waxaana rajaynayaa in aad muujiso hogaan wanaagsan ee isu soo jeeda Ummadda Soomaaliyeed soona celiya midnimadii iyo sharaftii Qarankii Soomaaliyeed. Hadaba waxaan diyaar u ahay in aan hiil iyo hooba idinla garab istaago adiga iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Soomaaliyeed haddii aan ku guleysto jagada Madaxweynimada Soomaaliya waxaana balan qaadayaa in aan ilaaliyo oo aana ku xad gudbin Axdiga Qaranka Soomaaliyeed ee KMG ah", ayuu yiri Dr. Culusow.

"Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay codkooda i siiyaan, maxaa yeelay, waxaan ahay aqoon yahan Soomaaliyeed oo aan wax eeda ah ka gelin dadka iyo dalka, nadiif ka ah dhamaan waxyaalihii ka dhacay Soomaaliya xilligii dagaaladii sokeeye, 21kii sanno ee xukunkii meleteriga iyo sagaalkii sanno ee maamulkii Musuq-maasuqa ee Dowladihii rayadka. Hadaba waxaan rajaynayaa in xubnaha cusub ee Baarlamaanka ay wax ku doortaan Shaqsiyadda, aqoontiisa, kartidiisa, nadiifnimadiisa Musharaxa ee aysan u xilan waxyar oo Dhuunta la mariyo iyo Qabiil oo ah waxa manta na dhigay meesha aan joogno", ayuu yiri Dr. Culusow.

"Ugu dambayntii, waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Faarax Xasan Maxamed (Faarax Sayid), Ilaahay janadiisa Fardowso ha ka waraabiyo, Eheladii, qoyskii, Asaxaabtii, Xubnaha Baarlmaanka iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Rabbi ha ka siiyo", ayuu yiri Dr. Culusow.

Laxiriir: "Dr. Abdi Ulusso" <drabdi2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2004

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG
- Qaar kamid ah xildhibaanada oo doorashada ku tilmaamay musuqmaasuq iyo dagaallo ka dhacay Jubooyinka...
Guji...

Mudane Baarlamaanka KMG ka mid ah oo ku Geeriyooday Nairobi
iyo Gudoomiyahii baarlamaanka oo la doortay
.. Guji sept 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

TAHNIYAD AROOS.

Maamulayaasha iyo howlwadeennada wargeyska Haldoor ee afka Soomaaliga ku soo baxa kana soo baxa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan  oo kala ah dadkan hoos ku xusan, ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaan arooska iyo aroosadda Munniir Sheekh Cabdullaahi Xaaji Cabdi iyo Khadro Sheekh Ibraahim Sheekh Cabdiqaadir oo 13/9/2004, ku aqalgalay xaafadda Hillaac ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan Soomaaliya.

Waxey bahda wargeyska lammaanaha Alle uga baryayaan noolal aayatiin wacan nabad iyo wanaag badan guri lagu nastiyo kheyr oo lagu nagaadaa. Iyo iney noqdaan kuwii kala hela ubad dalkooda, dadkooda, danahooda, dariskooda iyo diintooda anfaca ee loo aayaa laguna aayaa.
Aamiin-Aamiin.
 
1- Abwaan Maxamed Cabdiqaadir [Stanza] Guddoomiye.
2- Mudane Mahad Xaashi  tafatire.
3- marwo  Khadro Cali Yuusuf    lataliyeguud.
4- Marwo  Sacdiyo Cismaan Cali  xogheyn.
5- Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib   xubinguddi.
6- Mudane Cabdirashiid Caalin   xubinguddi.

Hambalyada ku hagaaji:: ayaandhalad5@hotmail.com




HTML CD