SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

        Yaa  xaq u leh hogaaminta dowlada Mbagati??

Siciid Ciid ( Himilo)
shariifka@yahoo.co.uk

Shirkii Soomalida ee Nairobi ayaa waxuu galay wajigii ugu danbeeyay iyadoo iminka lagu jiro qaybtiisii ugu danbeysay islamarkaana ugu xiisada iyo xamaasada badnayn, taasoo ah dhismihii dowladnimo iyo qaybsiga xilalka sare ee dowlada lagu wado inay halkaas ka dhalato.

Waxaa hadaba waayadaan danbe aad ugu soo badanayay bogaga afsoomaaliga ee internetka qormooyo lagu faaleeyanayo shirkaas,iyo saadaalo laga bixinayo muuqaalka uu yeelan doono maamulka kasoo bixi doona shirkaas,arintaas oo raga afkaarahooda ka dhiibtey aay kala duwanaayeen,waxaase hadaan si guud u eegno aay ka sinaayeen hal xubin ah taasoo ah in badankood aay salka ku hayeen aragti nin-jeclaysi,qabiil,dano siyaasadeed,kooxeysi iwm.

Dadku waxay u kala jaban yihiin markaynu meel iska dhigno kuwa afkaartoodu qabiilka ku dhisan tahay, labo fikradood oo qaybi aay aad uga horjeedo nimanka qabqablayaasha dagaalka ah ee badiyaa lagu eedeeyo inay gacan saar la leeyihiin Itobiya,iyo qolo kale oo aad u taageersan in qabqablayaashu aay xaq u leeyihiin xiligaan inay iyagu dalka hogaamiyaan.

Qolada hore ayaa badiyaa waxay ku doodaan in qabqable dagaalku aay yihiin nimankii wadanka burburiyay meesha yaalana dhigay,islamarkaana aan laga sugayn horumar iyo dowlad  lagu naaloodo,iyagoo rajo xun ka muujinaya iyo diidmo adag xukun uu qabqable gar wadeen ka yahay, waxay sidoo kale iftiiminayaan in qaranimada iyo madax banaanida wadanku aay khatar galayso hadii nimankaas xukun loo dhiibto.

Qolada kale ayaa iyaguna dhinacooda qaba in markaan la gaaray xiligii nimankaas hubeysan xukunka loo dhiibi lahaa si loo helo deganaan iyo waxuun amaan ah,oo shacabku uga bixi lahaa dhibka haysta,iyagoo sheegaya in tijaabadii carta lagu tusaale qaato cawaaqib xumadii ka dhalatay xaqiraada awooda qabqablayaasha.

Markaaynu meel iska dhigno doodahaas waxaa taariikhiyan sugan in labadaas afkaarood aaysan ahayn kuwo Embagati ku curtey ee aay yihiin labo wado oo loo maray  qaabkii loo maareeyay dagaalo sokeeye oo ku habsaday wadamo badan oo dunida ka mid ah, sida Cambodia,Liberia, Rwenda, Tajikistan,Sierlione, Lebnon iyo meelo kale.

 waxaan  doodaas si  cad  u qaadaa dhigtay   daraaso ku saabsan mowduucan oo uu  cinwaankeedu yahay  “Introduction from War to  Politics” oo uu qorey  Qoraa ka faalooda dagaalada sokeeye iyo arimaha  horumarka oo la yiraahdo  Catherine Barnes ,waxuu si weyn ugu qaadaa dhigayaa labada wado ee loo mari karo xalinta dagaal sokeeye, kuwaasoo  mid ka mid ahi yahay in muhiimada la siiyo kooxaha hubaysan si ugu horeyn nabad galyo loo soo dabaalo,iyadoo taasi dhali karto in la iska  indhatiro kooxo siyaadeed oo jira ,waxaa kale oo dhici karta in aan hoos loogu daadegin khilaafaadka turxaan bixintiisa si aaysan taasi  u keenin dib u dhac keena dagaalo danbe oo dhaca, waxaa kale oo ka mid ah  inaan wadahadalada laga buuxin daladaha bulshada ee kala duwan,si aan doodahu u adkaan.

Waxuu leeyahay qoraagu:

“ One way of resolving the conflicts or civil wars is a narrow  mandate that focused on ending the war. The process it sponsored was oriented towards drawing the armed factions into a negotiation process that would conclude with an agreement capable of restoring stability. As a result, some political interests were not represented in the negotiations. Nor was the process designed to provide opportunities for effective public participation or fo,r popular ratification of agreements reached. The agreements represented the minimum point of consensus between the negotiators at the time they were drafted and did not attempt to provide a normative blueprint for the future.”

These omissions point to a central dilemma for many peace processes. This is the tension between the 'security first' approach – aiming for a negotiated settlement between the armed parties to end the fighting – versus a process based on broad participation that aims to develop substantive agreements capable of transforming the underlying conditions that generated the conflict. Many  people  would argue that life without armed conflict in the present is preferable to the risk of prolonging the war so as to make a more inclusive peace process or to reach a more 'perfect' agreement – even if the exclusion or agreements reached might contain the seeds of future conflict. Their history of war and violence has led many to prefer a government capable of sustaining a 'negative peace' based on life without war at the price of not enjoying their full range of personal rights and liberties. “ 

Waxuu leeyahay “ khaladaadkaasu  waxay muujinayaan xubin saldhig u ah  xujo hortimaada wadahadalo nabadeed oo badan taasoo ah  is-jiidjiidka u dhexeeya labada fikradood ee  kala  ah  “Marka Hore nabad” taasoo laga keeno in kooxaha hubaysan heshiis la dhex dhigo  iyo mid kale oo ah in wadahadalku uu noqdo  mid ku dhisan kaqaybgal sal- balaaran oo ujeedadu tahay in la gaaro heshiisyo nuxur leh,oo horseedi  kara in la badalo duruufihii colaadaha abuurey,dad badan ayaa qaba in nabad in lagu noolaadaa aay tahay  mid ka wanaagsan  in dagaalku sii socda iyadoo la sugayo heshiis nabadeed oo loo wada dhan yahay oo ceeb ka saliim ah,  taariikhaha dagaalada sokeeye  waxay dad badan ka  bareen in aay doorbidaan dowlad sugta nabad-galyo  naftu amaan helayso ,iyagoo aan xiligaas danaynayn dadkaasu xuquuqda shakhsiyeed iyo xoriyadaha caamka ah!!”

Qoraagu waxuu sii wadayaa hadalkiisa isagoo tilmaamaya in wadahadalo la dhoodhoobay oo aan loo dhamayni aaysan cago-ku taagnayn,iyadoo mustaqbalka aay khatar galin karaan kuwii aan ka qayb qaadan wadahadaladaas nabadeed,iyo awood qaybsigaba, waxaase dad badani oo dagaalo sokeeye daashadeeni aay ku qanacsan yihiin in dagaalada sokeeye ee lagu hoobtaa aay yihiin masiibooyin banii,aadnimo oo  aan la xamili karin,islmarkaana aay tahay in dadka hubka haysta tixgalin la siiyo,waxayse quud-daraynayaan in  markii  naftu badbaado oo dagaalka sokeeye laga gudbo, waxii kale loo gali karo halgan siyaasadeed, mid dastuur,iyo culeys shacab si xuquuqda maqan loo dhamaystirto.”

Waxaa moodaa qorahu inuu tilmaamayo xaaladaha iyo afkaarahaa aay dad badani oo soomaali ahi ka faaloonayaan,oo ah qabqablayaasha dagaalka in dalka hogaankiisa aay qabtaan iyo in dad ka baxsan aay qabtaan,taasoo mid walba aay leedahay iimaheeda iyo faa,iidooyinkeeda,iyadoo markaas loo baahan yahay in si degan loo miisaamo waxtarka iyo dhibka mid walba,waxaa kale meesha ku jirta in labada qaab la mideeyo oo la dhiso dowlad awood wadaagu isku dhafan yahay sida Combodia oo kale, waxaase muhiim ah in shacabka ka soo doogey dagaalka sokeeye aay ahaadaan kuwo u taagan difaacida  xuquuqda caamka ah iyo toosinta maamulka.

Waxaa marka la gudboon hadii soomali rabto inay ka baxdo colaadaha iyo dacdarada gaamurtey in dadku iska dhaafaan caadifadaha iyo danoha gaarka ah,islamarkaana waxaan ku talin lahaa in dhamaan dadweynaha iyo dadka wax faaleeyaba  lagu qanco natiijada kasoo baxda 22-ka bishaan madasha parlamanka, qolo walbana oo howshu u dhacdo si aaysan jeclaysanina aay u tanaasusho danta caamka,islamarkaana aay gaarista afkaarahooda siyaasadeed u maraan wadooyin nabadeed oo hufan,islamarkaana awooda la iskugu geeyaa  xiligaan in dhiig-joojin lagu sameeyo shacabka dacdaraysan.

Daraasadu ” waxay diirada saaraysaa siyaalaha kala duwan ee xurgufaha colaadeed loo xaliyo,waxaana uu qoruhu ku bilaabaya hor dhac aad u qurux badan isagoo yiri “   dagaaladu waa  fashil ku yimid qaabka siyaasada, waxaana lagu dhamayn karaa iyadoo la isticmaalo “politics of Compromise”.

Qormooyinka lagu daabaco internetka  qaarkood ayaad moodaa inay doorbidayaan in wadanku xaalka uu ku sugan yahay iskaga jiro intii X ama Y wadanka madax-ka noqon lahaa,waxaan isleeyahay asxaabtaas xikmadu waay dhinac martay, waayo  waxaa  la yiri caaqilku maahan qofka dhibka iyo dheefta kala garta ee waa qofka kala doorta labo dhib midka yar. Waayo waxaa la rabaa inay si cilmiyeysan oo degan oo ka maran xaglin iyo danaysi aay u qiimeeyaan labada mushkilo ee meesha taala ,waxayna ila tahay si walba hadii loo rogrogo in aan la aqbali karin in umada soomaaliyeed aay kusoo jirto xaalada aay ku sugan tahay, .

Gabagabdii waxaan leenahay 22-ka  bishan,waxaan eebe weyne ka rajaynaynaa inay noqoto maalin umada soomaaliyeed aay usoo curato dowlad ka dhiidhisa dhibka ragaadsaday umada islamarkaana  aay hogaamiyaan dad gudan kara waajibaadkaas wadanimo.

Siciid Ciid ( Himilo)

shariifka@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD