Waxaan
filayaa
in uusan
inagu
harin
hadal,
hawraar
ama
kikmad
lagu
naqdiyi
lahaa
shir-ceebeedka
loogu
magac
daray
nabadaynta
Soomaaliya
ee ka
socda
Nairobi,
Kenya.
Dadkii
iga
cilmi
iyo
xikmadba
badnaa
ayaan
hore
waxba u
dhaafin
iyagoo
ku
cabbiray,
maqaallo
ujeeddo
badan
ah,
suugaan
isugu
jirta
gabayo,
geeraarro,
heeso,
buraamburro,
maah-maahyo,
qisooyin,
muxaadarooyin
diini ah
iwm.
Dhammaan
tacbiirahaas waxaa
lagu
qeexayey
ceebaha
mahadhada
ah,
cayrta
iyo bahdilka
ugu
sugan
Soomaalida
shirkaas.
Hadda
waxaa
inagu
hartay
oo
kaliya,
af nooli
hadal ma
daayo
waxaynnuna
wax ku
shubaynaa
dhego
wanaaggu
ka
xirmay
xumuhuse
u furan
yihiin.
Ciddii
igu
raaci
lahayd
iyo
ciddii
igu
diidi
lahaydba,
xaqiiqada
runta ah
ee
Shir-ceebeedka
Soomaalida
ee ka
socda
Kenya
wuxuu
SII
ADKEEYEY
ama SII
XOOJIYEY
goosashadii
Gobollada
Waqooyi
Galbeed
ee
Soomaaliya
oo 10
sano ka
hor isku
magacaabay
Jamhuuriyadda
Somaliland.
Anigu
wax weyn
kuma
siyaadinayo
tilmaamihii
iyo
saadaaladii
hore
hase
yeeshee
waxaan
sii
adkaynayaa
murtidii
badnayd
qaarkeed:
1
-
"Allow
iga
aammusi":
Haweeney
ayaa
waxaa u
hadli
waayey
wiilkeedii
muddo
badan.
Wanankeedii
waxay ku
dhammaysay
Alle-bari
si uu
wiilku
mar uun
ugu
hadlo.
Maalintii
dambe
ayuu
wiilkii
hadal
bilaabay.
Eraygii
ugu
horreeyey
wuxuu
noqday "hooyo
an kaa
sinaysto".
Hooyadii
ayaa
markaas
haddana
Alle ka
bariday
inuu
waligiis
ka
aammusiyo.
Tan
micneheedu
wuxuuyahay,
haddii
ay Soomaalidu
maanta
oggolaato
in
xukunka
loogu
dhiibo
dagaal-oogayaasha,
ogaada
in aynu
mar aan
fogayn
ku Alle
baryi
doonno
"Allow
dawlad
dambe
kaama
doonin";
2
-
"Labada
nin oo
haragga
isku
haysata,
hooyadood
waa sida
gacantaas":
waxaa
jirey
qoys ka
kooban 2
nin iyo
hooyadood
oo aad u
wada
arradan
(dhar
la').
Maalintii
dambe
ayay
labadii
nin
waxay
wada
heleen
harag
aan
qaybsami
karin
hase
yeeshee
uu mid
qurihi
ku
qarsan
karo
cawrada.
Labadii
nin ayaa
isku
qabsaday
haraggii
si uu
mid
waliba
isagu u
qaato
ayagoo
gabi
ahaanba
illaaway
in ay
hooyadood
ka daran
tahay
labadooda.
Nin kale
oo la
socda
reerka
xaalkooda
lana
yaabay
xilkasnimo
xumida 2da
nin oo
hooyadood
garan
waayey ayaa
markaas
inta is
hayn
waayey
kor ugu
dhawaaqay:
2da nin
oo
haragga
isku
haysata,
hooyadood
waa sida
gacantaas,
micnaha
hooyadood
way
qaawan
tahay.
Qisadani
waxay sawiraysaa
ama ka
dhigan
tahay
anaaninnimada
(selfishness)
dagaal-oogayaasha
oo an
rabitaankooda
sirgaxan
iyo si
xun wax
u
doonkooda
an uga
aaba
yeelayn
ugana
haybaysanayn cid
kale ama
aanba
kala
jeclayn silica
haysata
dadka
iyo
dadka
Soomaaliyeed
gudo iyo
dibedba.
3
-
"Anaaba
kab
geystey":
Nin ka
mid ahaa
koox rag
ah oo u
duullaan
tegey
qolo
kale
ayaa
maalintii
dambe ku
soo
noqday
reerkoodii
isagoo
cago
jiid ah
hal kab
ahna
qaba.
Markii
la
aqooday
oo lagu
qamaamay
ayaa
waxaa
laga
waraystay
xaaladdii
dagaalkii
uu aadey.
ninkii
wuxuu ku
jawaabay:
"anaaba
kab
gaystey".
Micnaha,
bal
guuli ha
joogtee,
waxaan
ka soo
cararay
kabahaygii
middood.
Tani
waxay ka
dhigan
tahay:
Bal
dawladi
ha
joogtee,
wuxuu
shirkaan
baas sii
kala
jar-jaray
dalkii
Soomaaliya
isagoo
sii
fogeeyey
Gobolladii
awalba
sii
cirbo-gaaglaynayey
sida
Waqooyi
Galbeed
iyo
Waqooyi
Bari.
4
-
"Haddii
kabo
la'ii
tolo waa
alxamdulillaah,
haddii
aan
la'ii
tolinna
waa
rabbil-caalamiin":
Taasoo
ka
dhigan:
dagaal-oogayaashu
waxay
qabaan,
haddii
hoggaanka
naloo
dhiibo
oo naloo
sharciyeeyana
waa
alxamdu
lillaah,
haddii
naloo
diidana
waa
rabil-caalamiin
waayo
awal
ayaannuba
hore u
haysanney
walina
waannu
sii
haysanaynaa.
5
-
"Nin
ay meeli
u
caddahay,
meeli ka
madow":
Tan
oo
micneheedu
yahay:
Dagaal-oogayaasha
waxaa u
cad
wixii ay
hore ugu
fashiliyeen
14 shir
oo hore
taasoo
ah waa
in aannu
annagu
wax
xukunnaa
taasoo
ay inoo
sii
caddaynayso
60ka
musharrax-madaxweyne,
taasoo
aan
ahayn
mid
laysugu
keenayo
Soomaaliya
ee ay
tahay
mid lagu
sii kala
fogaynayo.
6 - "An
wax
qalanno
mindiyahana
qarsanno":
Tan
oo ka
dhigan:
Dhibka
ugu wayn
oo
maanta
haysta
Soomaalidu
waa kala
maqnaanshaha Gobollada,
gaar
ahaan
Waqooyi
Galbeed.
Sidaas
darteed,
maba
ahayn in
la qabto
shir
Soomaaliyeed
oo ay ka
maqan
yihiin
Gobolladaasi
ee waxay
ahayd in
la
raadiyo
sidii uu
u
qabsoomi
lahaa mid
ay ka
soo
qaybgalaan muddadu
intay
doonto
ha
noqotee,
hase
yeeshee
kan
maanta wuxuu
u
egyahay
in lagu
sii
fogaynayo
laguna geesinnimo
galinayo
fikradda
goosashada.
7 -
"
Marti
koytaa
ama ma
koynaa
lammaday
galaanshaa
fadee":
Tan
oo ka
dhigan,
in ay
dagaal-oogayaashu
qabaan: uma
damqanayo
waqtina
uma hayo
burburka
ama kala
googo'idda
Soomaaliya
ee waxaa
i
khuseeya
in aniga
mar uun
la'iigu
yeero "madaxweyne".
8 -
"markii
ceelalyo
heshiiso
ayay
xoolo
biyo
cabbaan":
Tan
oo
micneheeda
an ula
jeedo,
dib u
soo
noolaanshaha
Qarankii
Soomaaliya
waxay ku
xiran
tahay 2
arrimood:
b)
iyada oo
ay ka
soo wada
qaybgalaan
dhammaan
Gobolladii
ay ka
koobnayd
Jamhuuriyadii
Soomalaiya
t)
ayagoo
ay
kulmaan
inta an
qoriga u
saaxiibka
ahayn
ama an
dambi ka
galin
Ummadda
Soomaaliyeed
una
saaxiiba
caqli,
aqoon &
caddaalad.
9 –
“Wuxuu
na baday
waxaa ka
sii
daran
wuxuu na
baray”:
Tan
oo
micneheedu
yahay:
kaliya
maaha
inuu
shirkaasi
Soomaali
u soo
hooyey
cayr iyo
ceeb
labadaba,
dhidibbo
u sii
aasid
qayb iyo
qabyaalad
iwm;
hase
yeeshee
wuxuu na
baray:
in
shirarka
Soomaaliyeed
ee
mustaqbalka
ay mar
kasta
ina hor
boodaan
kuwa
mujrimiinta
ah;
10 –
“gacantii
aadan
goyn
karin
waa la
dhunkadaa/shummiyaa”:
Micnaha
xikmadaani
waa
xaalad
ah samir,
caatibo
waa iyo
is
dhiibid.
Waa
xaalad
qof ama
qowm uu
haysto
cadow
aysan
jirin
cid uga
miciinta
markaana
ka
samray
xorriyad
danina
ay ku
khasabtay
gunnimo
ama
addoonnimo.
Miyaysan
xaaladdani
ahayn
midda ay
maanta
ku
sugantahay
Soomaalidu?
Waa
haddii
aysan ka
dhiidhiyin
kana
muddaharaadin
habar-dugaagta
u
heshiisaye.
Miyaysan
ahayn
gacantii
la goyn
waayo
waa la
shummiyaa?
oo
micnuhu
yahay
mar
haddii
aannu
iska
kiin
qaban
wayney,
cid naga
kiin
qabatana
aannu
wayney,
dagaal
oogoy
iska
kaaya
haysta
waligiin.
Malaha
waxaad i
waydiin
doontaan
aniga
taladayda.
Wixii
aan ka
qabey
dagaal
oogayaasha
iyo
dhibaatooyinka
Soomaaliyaba
hore
ayaan
ugu
qoray
badi
Shabakadaha
(Web
site/yada
Soomaalida)
hase
yeeshee
waxaan
ugu
dambayn
oran
lahaa
inuusan
inoo
harin
dariiq
aan
ahayn
inaynu
ku
JIHAADNO
dagaal-oogayaasha,
haddii
jihaadkaas
xaqa ah
aynnu
uga
guulaysanno
cadowgaas,
insha
Allaah, markaana
ay ku shihiidaan
dadkeenna
barkiis,
waxaan
taas u
arkaa
guul
waayo
inteenna
soo
hartay
ayaa ka
xoroobaynna
dadqalatada.
Wa
Billaahi
Towfiiq
Maxamed
Xirsi
HerMoham@aol.com