SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@homail.com 

Iyadoo uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo kooxaha ciraaqiyiinta ah ee diiddan duullaanka uu Mareykanku ku soo qaaday dalka Ciraaq ayaa haddaad dib u fiiriso dagaaladii dhex maray Mareykanka iyo kooxaha muqaawamada ma jirto ilaa haatan hal magaalo ama hal koox oo uu mar qura weerar la galay.

Dadka dhan way ka wada dharagsan yihiin in duullaankii uu Mareykanku ku qaaday magaalada Faluuja in dagaalkaas I uu ahaa mid faraha looga gubtay, taasina waxay keentay in Mareykanku uu baqo cad heshiis xabbad joojin ah la galo kooxihii muqaawamada ee difaacayay magaaladaasi, taasina waa midda u suurogelisay dadka Falluuja in ay dib u soo ceshadaan saraakiishii hore ee ciidammad dalka Ciraaq, gaar ahaan kuwii xaarasul Jamhuuriga.

Mareykanku markuu dagaalkaas ka soo baxay ayuu dagaal ku soo qaaday magaalada Najaf waxaana dagaal socday muddo saddex todobaad ah uu ka dhacay magaaladaasi, waxaana ku dhintay dad aad u fara badan oo isugu jiray Ciraaqiyiin iyo Mareykan, wuxuuna ugu dambeyntii Mareykanku heshiis xabad joojin ah la galay Muqtada Al-Sadar iyo kooxdiisa waxaana ka soo shaqeeyay hoggaamiyaha shiicada ah Aayatullaahi Sistaani.

Dagaalkaas markuu Mareykanku ka soo baxay ayuu mar kale duullaan ku soo qaaday magaalada Faluuja, wuxuuna dagaalkaani sababay in dad fara badan ay ku dhintaan hase ahaateen Mareykanku wuxuu damcay inuu kala qaybiyo dadweynaha deegaanka balse iyagoo isku duuban ayay mar kale hubka u qaateen inay iska difaacaan Mareykanka iyo xulufadiisa, waxaana haatan magaalada ka socda dagaal aad u qaraar iyadoo har iyo habeen dadweynaha reer Falluuja ay wehel u noqdeen madaafiicada ay soo ridayaan diyaaradaha dagaalka iyo taangiyada, balse taasi kuma aysan argagaxin dadka Reer Falluuja ee waxay ku jiraan difaac adag, waxayna diidan yihiin in Mareykanku uu soo galo magaaladaasi.

Dadweynaha ku nool magaalada Najaf ayaa iyagu dhegaha u taagan yihiin, waayo waxay ka cabsi qabaan markuu soo dhamaado dagaalka ka socda Faluuja inuu Mareykanku soo rogaal celin doono oo uu Weerar kale ku soo qaadi doono Magaalad Najaf, iyadoo Mareykanku uu haatan ku dhaqmayo Ra’yi ah Qaybi oo Xukun, hase ahaatee duqa magaalada Najaf ayaa waxa uu sheegay mar la wareystay inay haatan habboon tahay inay garab istaagaan walaalahooda reer Falluuja waayo waxaa Mareykanku ku qasabanaan doonaa inuu joojiyo giuud ahaan dagaallada uu ku hayo magaalooyinka Falluuja iyo Najaf.

Duqa magaalada Faluuja ayaa mar la wareystay waxa uu sheegay inaysan mar dambe heshiis xabad joojin ah la geli doonin Mareykanka iyo xulufadiisa, wuxuuna u soo jeediyay dadweynaha reer Ciraaq inay meel walba ka billaabaan dagaal si looga hortago duullaanka gardarrada ah.

Mareykanku wuxuu u muuqdaa mid haatan dalka ciraaq u sii kala qaybinaya laba qaybood oo kala ah shiico iyo sunni, waxaa jiri jiray murti Soomaaliyeed oo oranaysa 4-sac oo walaalo ah oo waqti la noolaa libaax, wuxuuna libaaxu ku dhici waayay in uu afarta sac uu si toos ah u soo weeraro ama uu aad hase ahaatee aakhirkii ayuu midba si gaar ah ula faqay, taasina waxay keentay inuu kala gado saddexdii dibi, waxaana u sahlanaantay inuu habeenba mid cuno, hase ahaatee midkii ugu dambeeyay markuu cun maagay ayuu waxa uu yiri: "Waxay talo ii ahayd markii uu noolaa sac madoobe, balse maanta talo iyo tabar midna ma hayo" waxayna murtidaani u muuqataa mid uu Mareykanku maanta ku maamulayo dalka Ciraaq.

Mareykanka tan iyo sidii uu u billowday dagaalka Ciraaq waxaa looga dilay 1000-askri sida uu sheegtay, hase ahaateen tirada askarta ku dhimatay dagaalka Ciraaq intaan waa laga badinayaa, waxaase Mareykanku uu haatan la sii galayaa lugaha dagaallo qaraar oo aan la ogeyn halka ay ku dhamaan doonaan, waxaana maalin walba soo gaaraya jab iyo khasaarooyin fara badan, iyadoo kooxaha muqaawamada ay marba marka ka dambeysa tabo iyo farsamooyin cusub oo ay kula dagaallamayaan ciidammada Mareykanka.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@homail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Moorgan: Kornayl C/hi baa Kismaayo iga kala Tuuray [c/waxid]
»C/Qasim Salad Boy: Habar Jeclooy Muse wa kaa!! [Livan]
»Dhambaal::: Mudaneyaasha IGAD [Dr.Saciid] 
»DAGAAL OOGE XIL MA DHIBAA? [Khaliil]
»Baarlamanka  Baxsadka ah Barre Hiiraale & Warsame [m.shugri]
»MORGAN IYO DOOXADA JUBBA MIYAA MASE CIVIL WAR  II? [M.H]
»ITOOBIYA CAQABADA SOOMAALIYEED EE MAANTA IYO SHALAY
»SHIRKA MBAGHATI SIDEE U ARKAAN MAAMULKA RIYAALE [ismail]


WAA KUMA MADAXWEYNE GEORGE W. BUSH Qaybtii 2aad: Diridhaba

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD