Soomaalida Jarmalka oo soo
dhoweeyay xaalada shirku uu marayo.
Ridwaan Xaaji C/wali
10 /9/2004, London
Soomaalida ku dhaqan dalka
Jarmalka oo in muda ahba ka cabanayay sharciyada dalkaasi oo ah
kuwo ay adagtahay in la siiyo qofka magangalyo doonka ah ee
dalkaasi iska dhiiba ayaa waxaa ay si aad ah usoo dhoweeyeen
marxaladda haatan uu galay shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed, waxaana ii suurta gashay in aan la xiriiro qaar ka
mid ah aqoon yahanada soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. iyadoo
guud ahaana dalalka reer galbeedka soomaalida ku dhaqan ay
muujinayaan sida ay uga xunyihiin dhibaatada dalka gudihiisa ku
haysata shacabka soomaaliyeed ee dawlad la'aantu ay saamaynta
ba'an ku yeelatay.
Waxaana intooda badan ay qabaan
fikrado ah in xiligan dalka soomaaliya uu u baahanyahay bad
baado iyo in baarlamanka soomaaliyeed ay u doortaan gudoomiyaha
baarlamanka qof aqoon u leh isla markaana dalka ka saari kara
dhibka , halka sidoo kalana madaxwaynaha ay ku sifaynayaan in uu
qabto qof aan ka qaybgalin dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay.
Cabdulaahi Axmed Nuur oo loo
Yaqaano Raashiya , kana mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku
nool dalkaasi Jarmalka ayaa waxaan wax ka waydiiyay sida haatan
soomaalida ku nool dalka Jarmalka ay u arkaan marxaladda uu ku
talaabsaday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo
dhibaatooyinka haysta qaxootiga soomaalida waxaana uu u dhacay
waraysigu sidatan:
Ridwaan: Waxaa
Nairobi ka socda shirkii dib u heshiisiinta oo haatan u gudbay
gabo gabo iyadoo dhowaana la filayo in la dhamaystiro qaybaha
harsan ee doorashooyinka baarlamanka iyo madaxwaynaha hadaba
sidee ayaa soomaalida dalkaasi ay u arkaan?
Raashiya: soomaalida
wadankan ku nool waxay aragtida kala midaysan yihiin intooda
badan guud ahaan soomaalida meel kasta oo ay joogto , waxayna u
arkaan marxalaada cusub ee uu shirku galay in ay tahay talaabo
muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabada iyo dib u heshiisiinta
ayna waajib tahay in dadaal loo galo sidii loo dhamaystiri
lahaa qaybaha harsan loona soo celiyo karaamada iyo nidaamkii
dhexe ee dalka iyo dadkaba waxaayna u rajaynayaan in uu ku
dhamaado guul iyo isafgarasho.
Ridwaan:
Sida dad badan ay ka warqabaan waxaa jira dhibaatooyin haysta
qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka , Gaar ahaan
arimaha sharciga iyo dhaqanka maxaad kala socotaa?
Raashiya: runtii
marwalba qaxooti meelkasta ha joogee dhib la'aan ma ahan ayadoo
ay saas tahay ma jiraan dhib gaar ah oo haysta soomaalida
jarmalka ka sakoow dhibka guud ee qof kasta oo soomaali ah oo u
soo haajiray wadamadan galbeedka ha ahaato caruurta oo afka iyo
luqadda ka lumaan iyo mashaakilaadka xaga bulshadda ah, laakiin
wixii dhib ah ee si shakhsi ah u gaaro qofka dabcan si caadi
ayaa wax looga qabtaa oo waxay kala siman yihiin dadyoowga kale
ee dalka ku nool.
Ridwaan:
Soomaalida dalkaasi jarmalka bal ka waran xagga fahamka iyo
wacyiga ay ku noolyihiin dalka gudihiisa mase leeyihiin ururo
arintaas daba gala?
Raashiya: waa
su'aal adag runtii in la qiyaaso ama la ogaado wacyiga dad meel
ku nool waa arin u baahan diraasad in lagu sameeyo waxaa kale
oo hubaal ah qof walba inta aqoontiisa iyo caqligiisa iyo waayo
aragnimadiisa la egtahay ayuu wacyigiisu dhanyahay, waxaa kale
oo taas dheer dadka markii ay leeyhiin ururo ama kalaabyo oo wax
uun arin ama hawli ay ka dhexayso ayaa la qiyaasi karaa heerka
dadkan wacyigoodu uu maraayo meel kastaba ha ku wajahnaadee
hadaba maadama aysan taas jirin way aadagtahay in la ogaado waxa
dhabta ah ee jira.
Ridwaan:
Dhibaatooyinka xagga sharciga ka haysta soomaalida qaxootiga ah
ma iyaga ayuu gaar u yahay mise wadan walba dhibaatooyinka
noocan ah waa ay la soo gudboonaataa?
Raashiya: maya
walaal, gaar uma ahan soomaaalida ee wax ay la wadaagaan dhamaan
dadyowga kale ee ku dhaqan dalka jarmalka.