SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARSAXAAFADEED

Warsaxaafadeed ku saabsan diidis dagaal iyo doonis nabadeed oo ku aadan Gobolada Jubooyinka. By Gedo Intellectaul Group.

Gobolada Jubbooyinka  waxaa soo maray afar iyo tobon sano oo dagaal sokeeyo oo ujeedo gaaban ku dhisan, iyo doonis dowladnimo, haseyeeshee rajada dadka degan ay ka qabaan inay taas soo gaba gabowda ayaa si aan caqliga geli karin u hooseysa ka dib markii ay saan-saan colaadeed iyo shaqaaqooyin cusub ka abuurmeen goboladaas.

Mudooyin badan ayaa waxaa beelaha Mareexaan iyo Majeerteen ka dhex jiray dhibaato dhanka siyaasadda ah. Daganaansho la’aanta siyaasadeed oo daba dheraatay ee labadaan beelood waxay sanado badan xanibtay dadaalada loogu jiro  looguna xaqiijinaayo macluumaadka la xariira horumarinta iyo koritaanka Gobolada jubooyinka.  Soo geba gabeynta naceybkaan siyaasadeed ee beelahan waxay ku xiran tahay taariikhdooda murugsan iyada siyaasiinta labadan beelood laga indho saabay inay khilaafkooda siyaasadeed ku xaliyaan wada hadal. Jiritaan la’aanta cid la xisaabtanta siyaasiyiinta iyo awood xil kas ah oo maareysa khilaafka labadaan beelood waxay  fursad  siisay inuu dhamaan waayo siina koro farqiga siyaasadeed ee  u dhexeeya. Daweynta farqiga siyaasadeed ee beelahan waxaa ku baxaya qiimo iyo waqti badan, waxayna u baahan tahay  rabitaan, iyo ficil dhab ah.


Col. Barre iyo Gen. Moorgan Dadka iyo dhulka aad isku herdineysaan waxay wadaagaan dhul iyo dhalasho,
waxaase kala qeybsaday macluul, qalalaaso,  cudur iyo naceyb (starvation, violence, disease and bitterness). Xabadu xal uma aha khilaafka kasta oo jira waxaana ku baxa naf, waqti iyo qiimo sare, sidaaa darteed Gedo Intellectual Group wuxuu idiin soo jeedinayaa inaad fursadda siisaan wada hadal siyaasadeed (political dialogue) si looga hortego dhiig badan oo daata.

Waxaanu aaminsan nahay in Magaalada Kismaayo ay kulmiso isla markaana hoy u tahay beelo Soomaaliyeed oo kala duwan (multi-diversity and multi-ethnic groups) sidaa darteedna ay lama huraan tahay in la abuuro jawi ay kuwada noolaadaan iyadoo aysan kooxna si  gaar ah u sheegan karin. Nooma muuqato cadow weerer ku soo ah Kismaayo oo laga difaacaayo iyo cadow heysta oo laga xoreynaayo. Sidaas oo kale nooma muuqato sabab ay wiilasha laba beelood oo qura ugu dhintaan dhul ay Soomaali oo dhami u siman tahay. Waxaanu si buuxda u cambaareynaynaa dagaalka ahliga ah nooc kastaba iyo qaab kastaba ha ahaatee. Waxaana soo dhaweyneynaa kuwa nabada iyo horumarka jecel. Waxaanu xasuusineynaa kuwa hamuunta u qaba dagaalada ahliga ah inaysan dagaalaaas guul-ku-faan laheyn.

Ali Malaaq Ahmed, Chairman
 Gedo Intellectual Group,
raamoraaxo@hotmail.com

Afeef: Aragtida warsaxaafadeedkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2004

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD