SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MPLS

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA

- Sunday, September 12, 2004 at 05:27

Qaraalkaan oo Maanta ka soo baxay Xaafiiska Golaha SRRC ee w/Amerka wuxuu si kulul u canbaraynayaa Burcada hubaysan oo uu hogaaminayaan Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo niman ganacsato ah oo ka soo duushay Xamar iyo Hogaamiye Kooxeedka Carta C/qaasin Salaad Xasan oo asagu ahaa shaqsigii anbabixiyey Col.Hiiraale kuna sagoontiyey laba gaari iyo lacag dhan $10.000 oo Doolar.

Xaafiiska Golaha SRRC ee W/America wuxuu si toosa dacwad ugu furay shaqsiyaadka kor ku xusan iyo shaqsiyaad Ganacsato ah oo iyaga maalmihii la soo dhaafay soo abaabulay kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo dano gaara wata, waxaana wax lalayaabo ah in ay maanta u guntadeen niman sheeganaya ganacsato in ay ka baayacmushtaraan dad masaakiin ah dhiigood.

Xaafiska Golaha SRRC ee w/America wuxuu si toos ah dacwadaan ugu guudbiyey (Maxkabada Danbiyada Dagaalka oo fadhigeedu yahay Arusha, Tanzaniya, Uruur Goboleedka IGAD, IPF iyo haydaha caalamiga ah u dooda xuquuqul insaanka iyo dadka rayidka ah ee loo geysanayo xasuuqa) warbixiintaas oo taabanaysa dhinacyo faro badan waxyaabaha lagu soo oogay waxaa ka mid ah: dadkii ay ku laayeen jubooyinka oo shantii sanno oo udanbaysay gaaraysa 782 qofood, waxaana warqadaas lagudbiyey lagu lifaaqay dadkii lalaayey magacyadooda, boobka ganacsatada si loo bara kiciyo (ethnic cleansing) dadka deegaanka iyo xaalufiinta dhirta.

Waxaa maanta cidkasta ka dharagsan tahay in kooxdaas isbahaysatay ay ka soo duuleen gobolka Galgaduud, kooxdaas wada xasuuqa waxaa taakule dhaqaale siisa Dawlada Djabuuti iyo wadamo carbeed oo ku gacan siiyey in la xasuuqo dad deegaankoodii loogu yimid lana barakiciyey, siadaas darteed xaafiiska Golaha SRRC ee W/America wuxuu balanqaadayaa in uu san ka harin dacwadaas lagu soo oogayo danbilayaasha ka wada jubooyinka xasuuqa iyo barakicinta, cidkasta oo maanta gashay danbiyada noocaas ah waxaad arki doontaan in la soo taago maxkamad.

Xafiisku wuxuu helay jawaabtii loo diray Maxkada carusha 06-SEPTEMBER-004 taasina waa guulaha uu xafiisku gaaray, Xaafiisku wuxuu kaloo qoraalo u diray urur Goboleedka IGAD, IPF, Safaaradaha ku yaal Nairobi in Talaabo adag laga qaado Danbilayaasha katirsan Barlamaanka oo wali u miciyo lisanaya in ay marlabaad dhiig daadiyaan oo haatan ka wada xasuuqa iyo barkicin deegano ka mid ah Jubooyinka.

Cabdi Barre Axmed
Afhayeenka SRRC ee Waqooyiga Ameerika
Kala Xiriir Emailkiisa: jabriil62@hotmail.com 

Afeef: Aragtida warsaxaafadeedkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2004

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD