SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  RAMADAAN

RAMADAAN WAA GOORMA??

Qore: Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com

Mahad Allah baa leh, Nabigiisana Nabadgelyo iyo Ammaani korkiisa ha ahaato. 

Marti aad u sharaf badan baa inagu soo socda!

Alla nasiib badanaa qofkii uu Ramadaan usoo galo oo Allaah waafajiyo inuu ka faa’idaysto. Ayaan daranaase kan uu Ramadaan usoo galo oo uu dhaafo isagoo aan loo danbi dhaafin, oo aan ka faa’idaysan.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu na waafajiyo inaan usoo dhaweyno sida uu martigaasi mudanyahay.  

Haddaba shay walba oo qaddar iyo maamuus leh, markii uu soosocdo waa loo diyaar-garoobaa. Waxaana ugu horreeya oo la’isweydiiyaa: Goormuu imaanayaa? Bishee? Maalintee? Iyo Saacaddee?. 

Haddaba aan is weydiinee, goorma ayuu Ramadaan inagusoo aaddanyahay? Goormuuse ina saagootinayaa?  

Waxaan halkan idiinkusoo gudbinayaa, waqtiyada ay bilanayaan bilaha: SHACBAAN, RAMADAAN & SHAWAAL. ( waa marka laga fiiriyo xagga Cilmiga Falagga oo ay adagtahay inuu arrimahan oo kale been ka sheego): 

SHACBAAN  
Bisha Maalinka Tariikhda
SHACBAAN

(soon-dheere)

Arbaco

 

15/09/04

  

Fiiro gaar ah:
-Waxaa Bisha la arkayaa galabnimada Talaadada 14/09/04,  Maalinta Arbacada ayaana ku aaddan 1-da Shacbaan.
-Waxaa kaloo dhici karta in bisha Shacbaan ay bilato, Arbacada 15/09/04. Oo ay Khamiista 16/09/04 noqoto kowda Shacbaan, umase badna.  

RAMADAAN   
Bisha Maalinka Tariikhda
RAMADAAN

(soon)

Jumce 15/10/04

Fiiro gaar ah:
-Waxaa bisha Ramadaan la arki karaa galabnimada khamiista 14/10/04.
-markaa Jumcada ayaa ku aaddan 1-da bisha. Macquulna ma aha in la arko maalinta ka horraysa, ee Arbacada, oo bishiiba weli ma dhalan. 

SHAWAAL  
Bisha Maalinka Tariikhda
SHAWAAL

(soon-fur)

Sabti

 

13/11/2004

 

Fiiro gaar ah:
-Sidaas ayey u badantahay in 13/11/04 ay tahay 1-da Shawaal 99%.
-Waxaase  laga yaabaa (1%) inay Maalinta ka horraysa ee 12/11/04, noqoto 1-da Shawaal ama CIIDA.

Dhammaan waa haddii Allaah idmo. 

BARAARUJIN:-

1.   Taariikhda iyo maalinta aynu bisha ku hor qornayi, waa maalinta ay bishu tahay 1 (koow). Taas macnaheedu waxaa weeye in galabta ka horraysa bishii la arkay.

2.   Bisha Ramadaan waxaynu soo sheegnay in bisha la fiirinayo (la arki karo) galabnimada khamiista 14/10/04. Haddaba waxaad xusuusnaataa farqiga u dhexeeya dhicitaanka Qorraxda iyo bisha, oo ah (18) daqiiqo. Yacnii waxay bishu dhacaysaa 18 daqiiqo kabacdi dhicitaanka Qorraxda. (waa waqtiga Makkah Al-mukarramah). 

3.   MA LAGU CAMAL-FALI KARAA XISAABTA? 

Su’aashaas waa masalo ay in badan culimadu isku waydiiyaan, kutubta fiqiga iyo xadiiska, hadalkeeduna ma aha mid halkaan lagusoo koobi karo. 

Waxaanse kusoo uruurinayaa:

·       Waxa la cuskanayo waa Aragtida, soon iyo afurba.

·       Xisaabta falagga waxaa si buuxda loogu ogaan karaa maalinta, saacadda iyo daqiiqadda ay bishu dhalanayso, iyo marka la arki karo. Tusaale ahaan waxaa la ogyahay in bisha Ramadaan ee sannadkan 1425H, ay dhalanayso subaxnimada Jumcaha 14/10/04 saacaddu markay tahay 5:49 daqiiqo (dhalanayso: waxaa loola jeedaa marka ay is weydaaranayaan qorraxda iyo bishu, ee ma aha marka la arkayo bisha).

·       Dhalashada bisha laguma sugi karo xisaab ahaan oo kaliya. Waxaan uga jeedaa, ma bannaana in la yiraahdo: Xisaab ahaan bishii way dhalatay ee aynu soonno ama afurno, ee waxaa sax ah in la yiraahdo: xisaab ahaan bishii way dhalatay, ee yaa bishii arkay?. Haddii la helo cid aragtay waa la raacayaa, maxaa yeelay waxaa la helay markhaati, xisaab ahaanna waa macquul in la arkaa. Haddiise la waayo cid tiraahda annagaa aragnay laguma camal-falayo xisaabta oo kaliya. 

·       Haddii xisaab ahaan aanay macquul ahayn in bishii la arko, culimada falagguna ay sheegaan inaysan bishii xisaab ahaan weli dhalan; markaas qofna laga yeeli maayo inuu bishii arkay, maxaa yeelay macquulba ma ahan in bishii oo aan weli dhalan la arko. Markhaati goodana waxaa lagu bushinayaa waaqica oo beeninaya.  

Wuxuuna qofkaasi la midyahay sidii qof 15-ka shacbaan sheegtay inuu arkay bishii ramadaan. 

Markaa waxaynu kusoo koobaynaa sharci ahaan xisaabta falagga bisha dhalashadeeda laguma sugo, laakiin waxaa lagu buriyaa cidii sheegata inay bishii aragtay, iyadoo aan la gaarin dhalashadeedii.

Ilaahay ha ina waafajiyo sida sawaabta ah. 

Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com
19/07/1425h     04/09/04

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2004

Taxanaha Ramadaanka
Kabilow Halkan..... GUJI

Kabilow Halkan..... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
Casharada Ramadaanka...

Kahortagga Khilaafka




HTML CD