SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SUXUFI

RIYAALE vs SAXAAFADDA
  • SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI
  • WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO MAALIYADDA OO FULIYEY WEERARKA Suxufi AXMED CARAALE
  • Adna Aadan Ismaaciil oo Gaartay Wadanka Jabuuti. 
  • Xadhigga Tafatiraha Wargayska Jamhuuriya ma aha Gef keligiis iyo Saxaafadda  oo keliya ay kula kacday Xukuumadda Somaliland, waase Gef ay ka gashay Xukuumaddu dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland

SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI

Axmed Caraale waa Suxufi reer Somaliland ah oo inbadan ku sugna Magaalada Nairobi, wuxuuna si xilkasnimo ah isaga oo aan u shaqaynaynin haayadaha Saxaafadda Somaliland isku xilqaamay sidii uu uga soo tabin lahaa wararka shirka uga socda kooxaha Soomaalida magaalada Nairobi, Axmed waxaa uu muddo laba todobaad hadda laga joogo war usoo gudbiyey wergeyska Madaxa banaan ee Jamhuuriya,  warkaasi oo dhaliyey muran badan, ka dibna xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay xabsiga ugu taxaabtay Tafatirahii guud ee wergeyska Jamhuuriya Xasan Siciid, Hadaba sida wararka iga soo gaadhaya magaalada Nairobi ii xaqiijiyeen waxaa laba habeen ka hor dhaawacyo waaweyn loo gaystay Suxufi Axmed Caraale iyada oo aan la garanayn cidda dhaawacyadaasi u gaysatay Suxufi Axmed, balse Axmed oo gacanta ku soo qoray qoraalkani hoos ku yaalla oo uu isoo gaadhsiiyey ayuu ku bilaabay sida tani:

Aniga oo ah Suxufi Axmed Caraale oo jooga xarunta uu uga socdo shirka kooxaha Soomaaliyeed, asal ahaana u dhashay Somaliland dal jacayl awgiina ay i geesay halkaa si aan wax uga ogaado ugana wergeliyo dhibaatooyinka loo soo maleegayo dadkayga iyo dalkayga oo aanu dhiig badan u soo daadinay, naf iyo maalna u hurnay, ayaan waxaan dhawaan soo gudbiyey warbixino iyo waraysi aan ka soo qaaday qabqablayaal ka mida kooxaha meesha ku shirsan iyo Cismaan kalluun oo aan soo waraystay,  waxaan u soo gudbiyey arrimahaas oo dhan dadweynaha Somaliland si ay uga gaashaantaan mawjada siyaasadeed ee ku soo fool leh iyaga oo kala soo baxaya nuxurkeeda maaha aragtidayda iyo caadifadayda balse xogwaranada iyo waraysiyada siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama kuwa u dhashay Somaliland ee jooga shirka Kenya.
 
Waxaan soo gudbiyey warbixin iyo waraysi is xambaarsan oo aan ka soo diray xarunta shirka oo aan ka soo qaaday Xuseen Caydiid, Cabdilaahi Yuusuf iyo Cawad Casharo, waxaa lagu soo daabcay saxaafada Somaliland qaybo badan oo ka mida, waxa qoraalkaa oo aan u arkayey in aan u daneenayey ummadayda dhibi ka soo gaadhay aniga iyo Xasan Siciid oo labadayadaba aan qabo in ay dhibaatada nasoo gaadhay isku cid ka danbaysay.  Xasan Siciid waxaan leeyahay inaadeer shacbiga Somaliland ayaynu u shaqaynaynaa waana abaal gudaan, waxaadna ka arki kartaa sida ay uga cadhoodeen cadaalad darada kugu dhacday ee ay uga hadleen iyo ka gilgilashada cabudhinta saxaafada lagu hayo. Anigase maxaan la kulmay?.
 
Waxaan joogay Nairobi oo aan kula kulmay masuuliyiinta aan wararka ka soo qaaday, halkaas oo ay ii qorshaysnayd in aan dhamaystiro hawl aan rabay in aan xog ururinteeda soo gebagebeeyo oo ah, doorka ay Jabouti ku leedahay shirka iyo sida ay u aragto midnimo Soomaaliyeed oo dhex marta Somaliland iyo Somaliya.  Waayo waxaa jirta khudbado duuban oo ay ii soo gacan geliyeen qaar ka mida kooxa meesha ku shiraya oo ina tusaysa colaada ay Jabuuti u oogayso Somaliland lana duubay marar ay shiara la yeesheen Wakiilka Jabuuti u jooga shirka, kuwaas sababaha ay iigu soo gacan geliyeen waxaan kaga hadli doonaa wakhti kale.  Waxaa ka mida sida ay Jabuuti rabto in ay colaad u dhexdhigto Ogaadeenka dega kililka shanaad iyo Somaliland ee ay iminka u hubayso ONLF,  iyada oo Jabuuti uga dan leh in uu xidhbo xidhiidhka ganacsi ee ay labada ummadood leeyihiin oo ay awdanto gacansiga u dhaxeeya Kililka shanaad iyo Somaliland, waxay kaloo wadaa colaad laga dhex abuuro Somaliland iyo Somaliya marka shirku gebageboobo.
 
Hawlahaa anoo uruurinaya xoggaheeda ayaa mudo laga joogo labo habeen anoo ku soo socda hudheelkii aan deganaa oo aanu kala baydhnay nin ila socday oo la yiraahdo Daahir Xasan Waqas ayaa afar nin oo madaxa duubtay i heleen, kuwaas oo ii gaystay dhaawacyo fara badan oo aan u galay cusbitaal sida: aniga oo ka dhaawacmay madaxa oo sadex meelood layga dakhray mid walbana la tolay inta u dhaxaysa 8 stitchs illaa 13 stitchs.  Waxaan kaloo wax ka noqday feedhaha iyo caloosha oo ay aad iiga garaaceen dhaawacyo waaweyna iga soo gaadheen.  Waxaan qabaa in aanay Jabuuti ogayn hawsha aan waday inkastoo aan tuhun qabo, laakiin ay jirto xogo sheegaya in laga danbeeyey oo ay ka danbayeen qaar ka mida maamulka Somaliland oo soo kiraystay calooshood u shaqaystayaal dadka laaya. Illahay baa iga og laakiin dadka isoo booqanayey aad bay iiga shakisiiyeen.  Waxaan qabaa in maqaalkaa layga raacay lagu daabacay Jamhuuriya ee loo xidhay Xasan Saciid , waxaa! n qabaa in aan gudanayey hawl qaran oo waajib ku ah dhamaan reer Somaliland anigana waajib igu ah maadaama aan joogo halkaa maanta fursadna u helay in aan soo tebin karo xaalada shirka iyo shirqoolada looga wado Somaliland.
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
Doodii Dadweynaha ee 2001
Waxaan hadaba jeclaan lahaa in aan waydiiyo dadka reer Somaliland, anigu Axmed Caraale ahaan maangelin danbi aan ahayn in aan difaaco dalkayga ee maxaa laygu dilay?. Ma filaysaan in arrintaasi ay ka danbayeen dadkii iyo ummadii aan difacayey ee halkaa u tegey ee naftayda u bimeeyey ee isu kharashgareeyey anoo aan waxba ka rabin,  in aanu wada difaacano dalkayaga mooyaane.  Waxaan kaloo aad u shakiyey markii CID-da dalka Somaliland Xasan Siciid ugu hanjabtay in ay gawracayaan haddaanu faraha kala bixin Xukuumda Somaliland dhaliisheeda taas oo aan qabo in aanan marnaba aragtidayda ku darsan warkii aan soo diray ee aan ka soo qaaday dhamaan dadkii aan ka soo qaaday anoo difaacaya dalkayga,  anigana waanigaa maanta u liita dhaawacyada aan qabo in ay geesteen qaar la mida kuwaa Xasan u hanjabay ee aan garanayn xaqqa muwaadinta iyo halyeyga difaacay Somaliland ee ilaashanaya oo qudha dantooda shakhsiyadeed.  Waxaan qabaa oo aan ! ogahay in aan ku wareeray arrintan igu dhacday xal u helideeda oo qofba wax leeyahay. Saaxiibayaal waxaan qabaa in aad dareemi kartaan wareerka aan ku jiro, oo ay sababtay aniga oo aan qabin cid masuuliyad iyo wadaniyadi ku jirto aanay waxan oo akle samayn.  Laakiin aad u dareemay iminka halista jirta cid kastana ka iman karto.  walaalayaal reer Somalilandnow ii soo duceeya, ogaadana halista uu dalkii galay oo aanu dhacay nin danbe oo si ciyaara u geli doona mawjadaha difaaca dalka inta xaaladani sidan tahay.
 
Aad baan idiin ixtiraamayaa reer Somalilandow,  waxaan qabaa tiirar adag in shacabku yahay,  laakiin ayaad u malaynaysaan in uu ka danbeeyey dilkayga, mase jirtaa cid wax xog ah igu kordhin kartaa oo wax ka maqlay shirqoolkaa igu dhacay, waan idiin difaacay ee bal ii soo tabiya xogaha aad haysaan reer Somalilandow.  Mana qabo in aad i soo gudbin kari la,aanaysaan wax tibaaxa oo aad haysaan haday jirto.
 
Axmed Caraale
Kenya.  
 
Waxaan ka codsanaya dhammaan saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland inay u xadhka xidhato weerarka aan qarsoodiga lahayn ee lagu soo qaaday saxaafadda Madaxa banaan ee Jamhuuriyadda somaliland, Waxaan si naxariisleh uga codsanaya saxaafadda Somaliland ee ku sugan dalka gudahiisa inay qabtaan garyaqaan u dooda Axmed Caraale, isaga oo sida kor ka muuqata uu Axmed Caraale shaki weyn ka muujiyey Dawladda Madaxweyne Daahir Riyaale inay shirqool u maleegtay.
 
Waxaan ilaahay uga beryaya Axmed Caraale inuu caafimaad buuxa siiyo, insha allahna xaq darrada ku dhacday waa iska soo bixi doonta, dalkana waa loo wada jihaadaya.
 
Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca ururka Somaliland Pak media group waxaan dhaleecayn weyn usoo jeedinaya weerarka waxshinimada ah ee lala beegsaday Suxufi Axmed Caraale.
 
Isha Wararka: Suxufi Caraale.
Diyaariyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO MAALIYADDA OO FULIYEY WEERARKA Suxufi AXMED CARAALE

Waxaa hubaal ah oo aan qarsoodi lahayn in Weerarka lagu qaaday Axmed Caraale ay fuliyeen laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Daahir Riyaale kaahin, labadaas wasiir oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaciil Cismaan Aadan iyo Wasiirka Maaliyadda Cawil, sida warar xogogaal ah oo iga soo gaadhaya wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland tibaaxayaan, waxaa in muddo ahba ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland qorshayaal la doonaayey in lagu soo afduubo Suxufi Axmed Caraale, balse waa suuro geli wayday, rag ku dhaw dhaw wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ii xaqiijiyey in si qarsoodi ah ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ismaciil Cismaan Aadan iyo Wasiirka Maaliyadda Cawil ay laaluush siiyeen rag maafiyo ah oo ku nool magaalada Nairobi, iyaga oo loo sheegay inay khaarajiyaan Axmed Caraale, wararkani oo aan si toos ah uga soo shaac bixin saxaafadda Somaliland ayaan hadda ku jira weli baadhitaankeeda aniga oo isku dayaaya inaan xidhiidh sokeeye la yeesho xubno ku dhaw dhaw labada wasiir.

Wixii warar ah ee ku soo kordha weerarka lala beegsaday Axmed Caraale iyo weliba xaaladiisu siday ku sugantahay la soco.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com


Adna Aadan Ismaaciil oo Gaartay Wadanka Jabuuti. 
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Wasiirada Arimaha dibadda Adan Aadan Ismaaciil ay socdaal  deg deg ah ugu ambabaxday Magaalada Caadimada  u ah Wadanka Jabuuti,waxaana lagu wadaa inay madaxwaynaha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele u gudbin doonta fariin ay uga wado Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda la baxday Somali Land Daahir Riyaale. 

socdaalkan oo ah mid ku soo boodo ah ayaa waxaa uu xiriir la leeyahay ka hadalka shirka Soomaalida uga socda Wadanka Kenya oo ay Dowlad la baxday Somali Land  uu ku ahaa eedin ku taagan,iyadoo ay xitaa dhacday iska hor-imaadyo dhinaca afka ah oo ku wajahan go'aanka laga qadanayo Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Nairobi uga socda inta badan Hogaamiyayaahsa iyo wax garadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogayn iyo ka hadalka wafdigii dhawaan socdaalka ku yimd Magaalada Hargaysa e ka socday Wadanka Ingiriiska. 

Maamulada ka jira Jabuuti iyo Hargaysa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu u dhexeeyo muran wayn gaar ahaan waxaa uu muran kaasi sii xoogaystay tan iyo markii uu ku guulaystay xilka Madaxwayninimada Somali Land Daahir Riyale Kaahin,waxaana ay sidoo kale Wasiirada arimaha dibadda ee Somali Land Adna Aadan Ismaaciil ay kala soo hadli doontaa Madaxwaynaha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele  khilaafaadka u dhexeya iyaga iyo xisbiyada Mucaaradka Somali Land ee kala ah Kulmiye iyo Ucud. 

Madaxwayne Dahir Riyaale ayaa waxaa uu yahay mid walaac ka muujinaya wax ka socda Shirka Soomaalida uga socda Wadanka Kenya ee Baarlamankiisii xitaa dhawan halkaasi lagu dhaariyay 15-ka bishana lagu balansan yahay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kadibna loo gudbi doono Doorashada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee hogaamindoona Soomaaliya shanta sano ee soo socota, Daahir Riyaale ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu gaashanka ku dhuftay kulamo ay soo qaban qabiyeen Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira Somali Land ee looga haldi lahaa waxa laga yeelayo natiijada ka soo dhalata Shirka Soomaalida uga socoda Kenya, laakiin iminka ayuu ku soo baraarugay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda isku magacowday Somali Land. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com 


Jamhuuriya Waxay Damaqday Boogo Ku Yaal Dawladda

qore: Ismail Odawa Laari, Switzerland

"Jamhuuriya Waxay Damaqday Boogo Ku Yaal Dawladda"

AWDAL::::
Urur  Laga aas-aasay Gobolka Awdal
ururkaas oo lagu magcaabo "Free Awdal Forum" Guji Sept 11

Xadhigga Tafatiraha Wargayska Jamhuuriya ma aha Gef keligiis iyo Saxaafadda oo keliya ay kula kacday Xukuumadda Somaliland, waase Gef ay ka gashay Xukuumaddu dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland oo dhan. Waa Gef loo gaystay Distoorka dalka ee aasaaska looga dhigay wada-tashiga iyo Sinnaan.

Eedaha lagu soo oogay Suxufi Xasan Siciid ma aha wax ka baxsan shaqadiisa Suxufinimo ee ah inay Bulshada u soo gudbiyaan hadba waxa Wararka Caalamka soo kordhay gudo iyo debedba. Run ahaantiina Maqaalka keenay xadhiggiisu ma ahayn mid ka dhan ah Jiritaanka Somaliland iyo Xisiloonida dalka toona, waxase uu ahaa runtii mid aad ugu muhiim ahaa Shacab-waynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba. Waxase nasiibdaro ah in Xukuumaddii ay Shacabku ku aamineen Hoggaaminta dalka in ay ka dharasto ama ka xumaato sii daynta xogtaas aadka ugu muhiimka ahayd qofkasta oo u daacad ah jiritaanka Somaliland.

Halka ay Xukuumadda arrintaas iska taagtay runtii waa mid shaki wayn ku riday Mawqifkeeda ay ka taagantahay Go`aankii ay reer Somaliland ku gaadheen Burco 1991-kii, ee ahaa dib ula soo noqoshada Xukuumaddii Lixdankii ay ku darsadeen Koonfurta Soomaaliya iyo u coddayntii dadku ay ku ansixiyeen Go’áankaas aqlabiyad ahayd 97%.

Xaqiiqda marka aynu eegno arrintu waxay u egtahay in Xukuumadda Boogo ku yaala oo ay qarsanaysay uu Wargayska Jamhuuriya ka damqay!!

Boogaha uu Wargayska Jamhuuriya Xukuumadda ka damqay waxa ay inna tusaysaa in ay Dawladda Somaliland laba-wejiilenimo ku dhaqmayso. Weji waxay kula dhaqmaysaa shacabkeeda, weji kalena waxay kula dhaqmaysaa reer Imbigaati iyo Cadawga reer Somaliland. Taasna waxa inoo caddayn kara taariikho wada qoyan oo inna soo maray muddooyinkii ama bilihii innoogu dambeeyay.

Mawqifka Shacabku hore ugu ogaayeen Xukuumaddoodu inay ka taagantahay Shirka Kooxaha Soomaaliya loogu qabtay Kiiniya, waxa uu ahaa mawqif ay kala midaysnayd shacabkeeda, Mucaarid iyo Muxaafidba. Mawqifkaas oo ahaa in aan laga wada hadli karin ama gorgortan laga geli karin jiritaanka Somaliland, Shirka Kiiniyana aanu khusaynin Reer Somaliland shacab iyo dawlad-toona. Taasi waxay ku dhalisay Dawladdaha IGAD inay ka fogaadaan wax kasta oo khal-khal gelin kara xasiloonida iyo nidaamka ka jira Somaliland, fogayna kara in wada hadalo loo furo Mustaqbalka Somaliland iyo Soomaliya, marka shirka Kooxa Koonfurta dawlad loogu soo dhiso. Kaasi waa mawqifkii muddo dheer ay reer IGAD ku cel-celin jireen.

Waxaadse moodaa in mawqifkii Xukuumadda Somaliland ay shacabku ku ogaayeen inuu isbeddelay tan iyo intii Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti isku soo dhowaadeen.

Waxaynu in dhowaydba arkaynay IGAD oo ay horkacayso Jabuuti inay farogelin toos ah ku hayaan Somaliland, una soo tafoxayteen kala daadinta Maamulka ka dhisan dalka. Jabuuti waxay Caalamka ku faafisay in shirka Kiiniya uu yahay mid ay u dhanyihiin Soomaali oo dhami oo ay ku jiraan kuwa la magac baxay Somaliland, dawladda halkaas lagu soo dhisaana ay tahay mid Soomaaliya oo dhan Koonfur iyo Waqooyiba Maamuli doonta. Jabuuti waxay si wayn ugu guulaysatay inay Xukuumadda Somaliland Geed laba dibble ugu xidhato, taas oo keentay in aan Xukuumadda Somaliland ka jawaabi karin faragelinkasta oo Siyaasadeeda kaga timaada xagga Urur-Goboleedka IGAD iyo xagga Xukuumadda Jabuuti-toona.

Waxaynu aragnay Jabuuti oo ashkhaas sharaf-laawayaal ah oo dayro ka ah Somaliland ururisay kana qayb gelisay shirka Imbigaati,si ay u xaqiijiso hamigeeda ah burburinta Somaliland.Waxaynu aragnay Jabuuti oo Shir ugu qabatay dalkeeda wax ay ku sheegtay Ganacsato Soomaaliyeed, una diyaarisay Suuqii Xoolaha si looga dhaxal wareejiyo Dekedda Berbera dhoofintii Xoolaha ee ay taariikhda u lahayd, taas oo keeni kartaa in la curyaamiyo dhaqaalaha iyo jiritaanka Somaliland-ba.Waxaynu aragnay Guddoomiyaha shirka kooxaha Soomaaliya “Kiblikaat” oo si toos ah dhowaan ugu soo diray Diyaarad Laas-caanood si ay u qaado rag uu rabay inuu ka qaybgesho shirka ka socda Kiiniya. Ammuurahaas oo dhan oo khatar wayn ku ah Danaha iyo jiritaanka Somaliland wax jawaab ah oo Xukuumadda Soomaliland ay ka bixisay ma jiraan. Jawaab la’aánta Xukuumadda Somaliland waxay inna tusaysaa inuu si wayn isu beddelay Mawqifkii ay ku ogaayeen shacab-waynaha reer Somaliland Xukuumaddooda, lagana yaabo inuu jiro heshiisyo qarsoon oo Xukuumaddu la gashay Jabuuti iyo IGAD, waana Boogaha aan u filayo inuu ka damqay Xukuumadda Wargayska Jamhuuriya. Mawqifka Xukuumadda in isbedel ku dhacay shaki malaha oo waxa inoo caddaynaya Baaqyada isdaba jooga ah ee ay ka soo saarayso wada hadalka ay la geli doonto Dawladda lagu soo dhiso Imbigaati, taas oo Mawqifkeedii ugu dambeeyay ay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay wada hadal la yeelato dawladda lagu soo dhiso imbigaati!!!

Haddii aanay sidaas arrintu ahayn oo Dawladdu taagantahay Mawqifkii shacabka ay axdiga ugu qaaday inay u ilaalinayso ma yimaadeen xadhiga Muwaadinka Suxufuga ah ee waxay noqon lahayd in Xukuumaddu u jawaabto cidda sheegtay isbeddelka ku dhacay Mawqifkeedii hore ee ay kala midaysnayd shacabkeeda Muxaafid iyo Mucaaridba, oo ah Xuseen Caydiid iyo Cabdillaahi Yuusuf iyo Urur-Goboleedka IGAD!!!!!!

Haddiise uu yahay arrinka dawladdu ka cadhootay in lagu sheego Mawqifka Axmed-siilaanyo mid aad u fog, mawqifikeedana lagu sheegay mid aad ugu debacsan caddaawaha jiritaanka Somaliland, waa mid ay ka arkeen cadawgu xaggu dawladda waana mid waafaqsan faro-gelinta in dhowaydba ay ku hayeen IGAD iyo Jabuuti, Somaliland iyo jawaab la´aanta Xukuumadda Somaliland.

Ciddase ku sheegtay Mawqifka Axmed-siilaanyo inuu yahay mid aad u fog waa cid riyo iyo dhalanteed ku nool. Waa cid iska indho-tiraysa dhabta iyo xaqiiqada kama dambaysta ah, waa cid aad moodo inay ababeen Lixdankii ka dib, waa cid aan rabin inay taariikhda dib u raacaan, waa cidda aan lahayn Caqli ay ku tashadaan.

Mawqifka Axmed –Siilaanyo waa mawqifka shacabkiisu taaganyahay, waana mawqif caddaalad iyo caqli ku dhisan. Ciddase mawqifkoodu fogyahay waa cidda iska indha tiraysa Taariikhda gaarka ah ee ay leedahay Somaliland. Waa cidda iska indha tiraysa inay Somaliland iyo Soomaliya kala ahaayeen laba dal oo midoobay lixdankii.

Ismail Odawa Laari, Switzerland

kala xiriir: Amen waarrya1955@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2004

»Moorgan: Kornayl C/hi baa Kismaayo iga kala Tuuray [c/waxid]
»C/Qasim Salad Boy: Habar Jeclooy Muse wa kaa!! [Livan]
»Dhambaal::: Mudaneyaasha IGAD [Dr.Saciid] 
»DAGAAL OOGE XIL MA DHIBAA? [Khaliil]
»Baarlamanka  Baxsadka ah Barre Hiiraale & Warsame [m.shugri]
»MORGAN IYO DOOXADA JUBBA MIYAA MASE CIVIL WAR  II? [M.H]
»ITOOBIYA CAQABADA SOOMAALIYEED EE MAANTA IYO SHALAY
»SHIRKA MBAGHATI SIDEE U ARKAAN MAAMULKA RIYAALE [ismail]

»Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
»ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
»Xildhibaan: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee” [c/waxid]
»MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
»DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
»xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
»Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD