SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

C/Qasim Salad Boy: Habar Jeclooy Muse wa kaa!! 

Livan Cadur <cadur11@hotmail.com>

Gurmadka loogu jiro sidii loo sii madiidin lahaa reer Kismaanyo mar iyo laba horaba C/Qasim wuu ka qeyb qaatay. Maantana waxaa la xaqiijinayaa inuu Col. Barre Hiiraale ku soo anbabixiyay 10kun oo Dollar, Laba baabuur oo Land cruisers ah, firinbina u qaatay iney beeshiisa sidii loo sii wadi lahaa madiidinta Reer Waamo! 

Sidoo kale waxaa iyana qeyb lixaad leh ka qaadanaya, ganacsato ku dhiiraday in lagu daro mustaqbalka dadka loo heystoo gumaadka shacabka reer Kismaanyo qeybta ugu weyn ka qaatay! 

Awal baa lala yaabanaa, sida la isku waafajin doono, dacwada ka socota African Human Rights court, ee ku aadan; Col. Barre Aden Shire (Loona yaqaan Col. Barre Hiiraale), Col. Yusuf Mire Seerar, Gen. Ahmed Warsame, iyo Moahamed Jimcale Rooble (Goobaale) iyo xubinamada ey xubin ka noqdeen qaarkood Golaha cusub ee Dawladda federaalka ah! 

Hadana waxaa is maqiiqinaya oo awalba sida ay uga hareen liiska Dacwooyinkii hore uga yaalay maxkamadda UNta ee Baarta Xuquuqda aadanaha, ganacsato uu soo ururiyay C/Qasim Salaad Boy oo kala ah; 

1) Ina Deelaaf, oo u diray Dooxatada Juba sidii ay dadk u sii madiidin laheyd, Afar baabuurta loo yaqaan Tecknikada.

2) Wakiilka Shirkadda Olumpikada, Maxamed Coloow, oo isna diray Laba technika ah.

3) Gurey Xaaraan, oo isna diray Hal Eljiyadii hore oo qanax ah, qorina saaranyahay. 

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah in ay ku biraan danbilayaasha xasuuqa ka wada kismayo ganacsato ka bacaymushtarta xaaranta iyo dhaca iyo boobka kuna soo biiray kuwa loo diyaarinayo maxkabada Africa ee arusha! Kooxdahan oo dhamaantood ka soo duulay Gobolka galguduud! 

Allana waa idin arkaa anana waan idin aragnaa, ee sii buuxsada buugtiinna aad moodid iney buux dhaaftay oo aan marna xisaab lala beegsaneyn! 

Livan Cadur <cadur11@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

»Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
»ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
»Xildhibaan: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee” [c/waxid]
»MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
»DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
»xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
»Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD