ILAAHA ina ahaysiiyey ayaa mahad
iska leh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa naxariis iyo nabad
gelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa.
waxaa wax laga faano u ahaan jiray
soomaalidii hore hoostaga iyo la saaxiibka iyo qiimaynta maanta
ay soomaalidu u xoortay xabashida taas waxaa cadaynaya raadka ay
ka tageen Soomaalidii hore sida maansada, hal ku dhegga iyo
murutidaba.
Murti Soomali ayaa odhanaysa
maahmaah Soomaaliyeed
ayaa iyana waxay ay ahayd
Dhamaan murtidaas waxa ay ka
turjumayaa hab dhaqan iyo dabeecada Axmaaro.
Dadkaas waagaaas reebay murtidan
dhibka ay Axmaaro ku haysay ayaa waxa u ku egaa oo kali
haysashda gobol soomaaliyeed iyo wixii kale ee ay arintaasi
dhalisay, halka maanta Soomaali oo dhan ay gacan ta ku haystaan
Xabashiyi si dadban iyo si toos ahba(rumayso ama ha rumaysan wa
dhab)
Kadib markii ay Itoobiya ku
guulaysatay hanashada guud ahaanba dhulka soomalaiyeed ee geeska
Afrika dawladii soomaaliyeedna afka dhulka loo daray waxa ay
Soomaaliya u bedeshay qol xidhan oo la isku dhex laynayo.
Soomaalidii hore waxa ay isku
caayi jireen Axmaar injir leh ayaad tahay, maanta axmaarkii
injirtalahaa ayaa soomaalida u ah wali ay ka danbeeyaan loona
soo kala dhuunto,xabashiduna iyaga oo ilaa shanaya danaha
muhiimka ah ee ay kaleeyihiin burburka soomaalida ay u
adeegsadaan duminta somaaliya iyo guud ahaanba soomaali oo dhan
.
Itoobiya ruux kasta o soomaali ah
kuna jiro dhiig soomaalinimo waa ogyahay in Itoobiya aysan
waligeed kashaqaynayn danta qaran ama qoys soomaaliyeed.
Taas waxaa daliil cad ka ah sida
ay Itoobiya ugu kala dhuuumato hogaamiye kooxeedyada aragtida
gaaban u marin habaabiyey dad waynaha soomaaliyeed arinta oo ah
mida geedka colaadeed ku gunuday wadanka soomaaliya ahna
caqabada ugu wayn ee hortaagan nabad lagaga noolaado hoyga
soomaaliyeed ee Xamar! bal ufiirso akhriste dhagarta ay Itoobiya
ka gashay shacabka Soomaaliyeed maalintii Cali mahdi laga dhigay
madax dawlad ku meel gaadh ah oo bedesha xukunkii afka dhulka
daray ee Siyaad Barre 92dii Itoobiya oo markaas xooga ay
lahaydba yaraa ayaa waxay taageero iyo dhiiri gelin siisay General
caydiid si uu uga horyimaado xasilooni dib ugu soo laabata
Xamar, markii Caydiid shaqsiyan usamaystay xukuumadna 1994tii
waxa ay u wareegeen dhinaca Cali mahdi yaab!! markii lasoo
gaadhay 1997 lana galay wada hadalladii khayro (cairo)
Itoobiya waxay lasafatay colonel Cabdilaahi yuusuf iyo shaati
guduud.
Xiliigii ay soomaalidu aadka ugu
hamiyeysay in la helayo dawlad ee sanadkii 2000kii laguna qabtay
shirka Carte waxay Itoobiya
markii la heshiiyey kadib waxay
qaban qaabisay samaysatayna kooxo qaadaca heeshiis kii lagu
gaaadhay Carte halkaasna ay ku abuuratay koox la baxday SRRC
Xiligan xaadirka ah waan wada
aragnaa sida ay u socoto dib u heshiisiinta soomaalida ee Kenya
iyo sida daaqada loogala baxay Moorgan kadib markii ay soo
bexeen ifafaalooin sheegaya in raga ay Axmaaradu wadataa
helaynin jagada madax wayne nimada.
Dhamaan jalaafooyinkaas waxa ay
Itoobiya u samayanysaa dheeraynta wakhtiga dawlad la'aanta iyo
in ay soomaliya intii ay Itoobiya karto u burbursanaato.
Hadiiba aad ogaato xanuunka ku
haya noociisa markaas ayaa laraadin karaa dawada cudurka aad
qabto ee dad waynaaha soomaaliyeed maxay isu waydiin waayeen
hadiiba aan ognahay jalaafada ay Itoobiya ku hayso dadka
soomaaliyeed in aan ka hortagno, xooga wax fuliyaa waa shacab
ka, shacab la'aantiina dawladi awood iyo jiritaan malaha, waxaad
moodaa in soomaalidu ay maanta u nugulyihiin wixii xun oo dhan
waxaad arkaysaa dad ku sheekaynaya Itoobiya ma aha wax layska
celin karo waa Israilta Afrika iyo wax la mid ah.
Itoobiya inta jeer ee ay
burburtay geeska Afrika ma burburin inta la ogyahay waxaa afka
dhulka daray 4 nin oo geeska Afrika iyo caalamkaba laga
yaqaanay oo soo maray Itoobiya, mid kastana xoog ayaa lagu
muquuniyey, marka ay dawlad ka dhalato Adisababa waxaa ka hoos
bilowda mucaarad iyo xabad yaa riday Milinik, Milinik2 , Xayle
salaase, iyo Mengistu? marka saw waxlooma qabteen hadiiba ay
israaiil walaal la tahay maxaase ka dhigay wadanka aan
burbursanayn ee Afrika ugu faqiirsan kuna xigsiiyey dhaqaale
ahaan Central Afrika iyo Congo oo waxa ka dhacaya soomali wada
ogtahay? maxaase looga caawin waayey macaluuusha joogtada ah ee
aysan jirin wadan lamid ah dhanka gaajada?.
Isla bishan waxaa magalooyinka
waawayn ee Yuhuuda lagu xidhxidhay dad ay tiradooda war baahintu
ku sheegtay 70 laguna eedeeyey sharcidaro in ay kaga
shaqaystaan Israaiil saw marka lama daayeen hadiiba ay Itoobiya
Israail walaal la tahay?si aan u xaqiijiso ka
fiiri halkan
Itoobiya waa caqabada kali ah ee
hortaagan jiritaanka soomaali dhibka ugu wayn ee ay ku haysaana
waa taageerada hogaamiye kooxeedyada ay ugu adeegato sidii ay
rabto ee hadiiba ay Itoobiya ka jiraan dad ka soo horjeda hawgu
horeeyaan soomaalida ay dhulka ka haysataaye maxay tahay
caqabada hortaagan in aan iyaga tageero siino dhiiiri gelina
ALLE ha kayeelee runta ayaanka hadlayaaye iska daa Itoobiyanka
dhibkaas kugu haya inaad walaalahaaga soomaaliyeed ka taageerto
sidii ay isaga dulqaadi lahaayen isticmaarsiga eh hadiiba ay
usoo qaxeen dhanka soomaaliya ayaa loo gaystaa wax yeelo ka
wayn dhibka ay Itoobiya inagu wada hayso
Waan ogahay in kartidii soomali
dhimatay niyadiina burburtay balse hadalka san waa in la sheego,
iskabadaa Itoobiyaan kale oo aan dhiiri geliso siduu u ridi
lahaa xabashida aan kaga nolaan la'nahay geeska Afrika maxaa
keenay in aan fogayno walaalaheena soomaliyeed ee ay xabashi ku
dhaansato raratona isla markaana ka dhiidhiyey dhibka ay inagu
wada hayso xabadana kula jira?, maxaa keenay in walaalahaaga
soomalaiyeed e ay Itoobiya haysato jecelna jiritaankeena aad ugu
dhiibi Itoobiya?
waanan wada ogsoonahay in uu 12kii
sano ee ugu danbeeyey Ogaden ka socdo halgan loogu jiro sidii
lagaga madax banaanaan lahaa isla markaana ay meesha uga bixi
lahayd dhibka ay Itoobiya ku hayso dadka Soomaaliyeed oo dhan ee
maxay tahay sababta dhabta ah ee inag reebay hadaan nahay
shacabka somaaliyeed?, mase isla ognaay halka aan ka leenahay 8
hogaamiye kooxeed in Itoobyankuna leeyihiin 8 jabhadood oo la
dagaalama xukuumada hada ka jirta Adis ababa.
Waa yaab hadiiba dhibka ay
Itoobiya kugu hayso mid ka sii daran ku hayso kana dhiidhiyeen
is ka caabin in la waayo xoogii shacabka Soomaaliyeed !.
Axmaaro iyaga oo inaga sinji ah
inaga diin ah ayay in tay inakala dhex gashay kala dhex
fadhiisatay beerka iyo wadnaha ee Soomaali inaga awooda inaga
maqan maxay tahay hadiiba an heli karno soomalideenii oo ku hoos
jirta oo aan is kaashano sidii aan ula soo laaban lahayn
jiritaanka soomaali geeska Afrika.
Faysal
cali waraabe oo ah nin wayn oo soomaali ah sheeganaya siyaasi
ayaa waxaa laga sheegay in uu yidhi "wiilka Xamar ku dhashay
waxaan ka jeclahay kan ku dhashay Addis ababa" , wuuna ila
ogyahay ninkii Addis ababa soo maray dhibka soomaali ku qabaan
Axmaarada oo xataa baalashlaha adan la hadli karin!.
murti uu nin dareeriyey
ayaa igu soo dhacdaye.
Shacabka soomaaliyeed
ee uu ku hadhay damiirkii Somaali nimo waxaan ku guubaabin in laga
hortago jalaafoyinka iyo miinada ay xabashidu soomali ugu aastay
geeska Afrika, bal u fiirso markii la weeraray daarihii dhaadheeraa
ee Maraykanka waxa ay Itoobiya ku dhawaaqday in koox ka tirsan
dadkii hawlahaas gaystay ay joogaan gudaha Soomaaliya, sidoo kale
markii qaraxa lala beegsaday hoteelkii Mombasa duleedkeeda ku
yaalay waxa ay Itoobiya ku dhawaaqday in dadkaasi ay ka yimaadeen
soomaliya, arintani ma aha mid muujinysa heerka cadaawada Soomaali
ee ay Axmaaradu qabaan.
Soomaalida fayooow eey
aan lasoo laabano iskaashigii iyo walaaltinimadii, gacmo wada jir
bay wax ku gooyaane, hadalada aan kor ku xusay qaar waxaa aad
rumaysan doontaa marka ay soo baxdo kaalinta ay Itoobiya ku
leedahay arimaha Gen, Moorgan maanta wado
Hereri Haji
<hereri01@hotmail.com>