SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 SHIRKA MBAGHATI SIDEE U ARKAAN MAAMULKA RIYAALE IYO KOOXAHA TAAGEERA EE ROOXAAMEYSAN? 

Sida aynu wada ognahay maamulka uu hogaamiyo Mr.Riyaale ee sheegta in uu gooni-ugoosad yahay somaliya inteeda kale, ayaa ayaamahaan waxaa si xoog badan usoo shaac-baxayey khal-khal siyaasadeed oo gudaha maamulka riyaale ka jira, kadib markii shirka Mbaghati lagu dhisay gole barlaman oo Soomaali u dhantahay.....Hadaba sidee buu shirkaasi saameyn ugu yeeshay kooxdaasi gooni-ugoosad doonka ah? Waa su’aal lawada garan karo  maamulka riyaale marnaba ma dooneyn in ay Ummada Soomaaliyeed goob iskugu timaado….wuxuuna maamulkaasi intabadan ka shaqeynayey siyaasado uu ku majaxaabinayo in ay Soomaaliya dib-dambe iskugu timaado…..iyagoo arimahaasi u cuskanaya maamulkii hore ee Siyaad Barre dhibaato uu gaarsiiyey taasoo ummadda Soomaaliyeed wada gaartay . 

Sidaasi darted,maamulka Mr.Riyaale ayaan gacanta waxba ugu jirin marka la eego siyaasada isbedelka ku dheehan ee ay Soomaaliya maantay gaadhay, wuxuuna maamulkaasi intabadan ka faa’iideysanayey xasilooni-darada ka jirta magaalada Muqdisho….iyo meelo ka mid ah koonfurta Soomaaliya…wuxuuna maamulkaasi ku eedeeyey Soomaalida inteeda kale in ay tahay goob aan xasilooni ka jirin oo burbursan….taasoo aan sal iyo raad toona laheyn. 

Sidoo kale, wuxuu shirka Mbaghati ku sameeyey khalkhal siyaasadeed kadib markii ay ka qeyb-galeen shirka dad u dhashay gobolada waqooyi/galbeed oo beel ahaana uga mid noqday golaha barlamanka cusub ee soomaaliya…kuwaasoo si toos ah jilibka ugu aasay in ay Soomaali wax la qeybsadaan…wuxuuna maamulkaasi ku eedeeyey in aysan matalin dadka jooga shirkaasi Mbaghati ee u dhashay goboladaasi iyagoo aan wakaalad ka heysan dadkii ay ka dhasheen iyo maamulkaba,wareysi uu siiyey mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee goboladaasi u dhashay ayaa u sheegay Mr.Riyaale in uu ogaado in qof waliba uu ka yimi  guri iyo beel uuna xaq u leeyahay in uu wakiil ka noqdo beeshiisa. 

Inagoo rabna inaanu ogaano gebi-dhacleynta iyo cidla-taagnaanshada maamulkaasi oo aan siyaasad ku dhisneyn ayaa waxaa si toos ah u muuqanaya in maamulka Riyaale ee gooni-ugoosadka ah….in aysan u bisleyn siyaasada maantay  ka socota caalamka…taasoo halis ku ah maamulka riyaale iyo group-yada rooxaameysan ee taageera maamulkaasi. 

Sikastaba ha ahaatee, hadaba Mr.Riyaale isagu ma qaadan karaa go’aan uu u madax-banaanyahay???arintan ayaa ah mid aad u culus in laga jawaabo marka la eego dhinacyada siyaasada maxaa yeelay Mr.Riyaale waa marka horee waa nin u dhashay gobolada togdheer kana soo jeeda magaalada Borame wuxuuna ku xigeen u ahaa ninkii isaga kaga horeeyey jagadan ee Mr.Cigaal, kadib geeridii Mr.Cigaal wuxuu xilka kala wareegay si sharciga  waafaqsan….kadibna wuxuu kusoo baxay qaab doorasho,sidaasi darted Mr.Riyaale ma’ahan nin qaadan kara go’aan dan u ah dadka isaga haatan uu maamulka u hayo,waxaana intabadan lagu hagaa remote control mana lahan awood siyaasadeed iyo aragti xor ah….waxaana intabadan ku hareereysan rag isaga ka shakisan oo ka baqaya in uu dayax-gacmeedka u duulo,waxaana laga hayaa gaadh adag…waxaana intaasi usii dheer ma nuux-nuuxsan karo waana lagu gadaamanyahay. 

Anigoo soo xoorinaya qormadeyda hadii shirka Mbaghati lagu doorto madaxweyne iyo gudoomiye barlaman iyo ra’iisalwasaare dowlad Soomaaliyeedna lagu dhameystiro waxay doonto ha ahaatee caalamkuna aqoonsanyahay maxaa u yaala kooxaha cidlada taagan ee ka baqaya in shirkaasi dowlad loo dhanyahay kasoo baxdo?maxaase u yaal oo go’aan ah in ay qaataan maamulka Mr.Riyaale?hadaba waxaan oran lahaa Mr.Riyaale in uu iska dhigo nin xor ah oo Soomaaliya midnimadeeda ka shaqeeya maadaama dadkiisu taageersanyihiin midnimada Soomaalida ayna ka dhursugayaan wixii kasoo baxa shirka Nairobi. 

Prepared by:Mr Ismail

Asbaro12@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

»Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
»ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
»Xildhibaan: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee” [c/waxid]
»MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
»DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
»xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
»Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
FAALLO: MADAXWEYNE RIYAALE MA KU NAGAAN DOONA HOGAANKA SOMALILAND



HTML CD