SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

Baarlamanka  Baxsadka ah Barre Hiiraale iyo Axmed Warsame Waxaa Lagu qaadi Doonaa Danbiyadii ay ka Galeen Jubooyinka, 

   Shacabka Jubooyinka oo in Mudo ahba Xooga Laguhaystay Deegaanadooda ayaa u midoobay Sidii ay isga Qaadi Lahaayeen Cadawga Xooga ku haysta Deegaanadooda. Kadibna ay gacanta ugu Dhigilahaayeen  Xubnaha Baarlamanka Baxsadka ah ee Hiiraale iyo Axmed Warsame.  

 Waxaan Balan Qaadaynaa in aan Labaad nin Horkeeno Maxakamad Caalami  ah Haddii aan Gacanta ku Dhigno Si Loogu Qaado Xasuuqii ay ka geesteen Jubooyinka. 

Cududa Shacabka Jubada Dhexe iyo Hoose oo  maanta u Midaysan Si hagar la,aan ah ayaa Xaqiijinaysa in Nolol ama geeri Lagu Qaban doono Saraakiisha Xasuuqa Ka geysatay  Degaanada Jubooyinka Shantii sano ee ugu danbeyay.  

Waxaa rag isku magacaabay dooxada juba ay Xasuuq Naxariis daro ah ka gaysteen  Degaanada Xaramka, Dhay tubaako,  Jilib Iyo Kismaayo, Waxay Dil aan loo aabo Yeelin u geesteen Maato iyo Dubab Dhaqameedyo ama Ismo Caan ka  ahaa Degaanada Jubooyinka .

Waxay  Baabi,iyeen Khayraadkii Degaankaas oo dhan Sida Dhirtii Canbayaasha ahaa oo Soo jiray  In kabadan Hal Qarni.

Waxay Gubeen dhirtii Xooluhu daaqijireen oo ay Dhuxul ahaan u dhoofiyeen taas oo ka dhigtay Lamo Dagaan Dhulkii Xooluhu Ku noolayeen,

Gobalada  Jubooyinka oo ahaan Jiray Dhul Hodan Ku ah Xoolaha iyo Beeraha ayaa Maanta Noqday gobolada ugu saboolsan Geeska Afrika taas oo Dadkii Jubooyinkana ka Dhigtay wax Dhintay iyo Wax  Qaxay oo hada Ku Silicsan Xeryaha  Qaxoontiyada Kenya.

Hadaba Waxaan Wadamada IGAD iyo Guud ahaan Caalmaka ka Codsanaynaa in Gacan Nalugu siiyo Sidii cadaalada Loo Horkeeni lahaa Danbiilayasha aan Sare Ku soo Sheeganay.

Agaasimaha Warfaafinta SPM/RRC.
Mohamed-shugri Ahmed.
Niarobi Kenya.

Kala xiriir: Cumar Maxamuud <cumar133@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»WAA GOB, WAA GUN, WAA BOON, WAA BEER LAXAWSI [Eelay]
»
Madaxweynanimadu Soow Markii Reer Waqooyiga Maaha [C/waxid]
»
YAA MADAXWEYNE KA NOQONAYA SOOMAALIYA? [Ingiriis]
»
Musharixiinta Madaxwaynanimadda somalia [C/casis]
»
Hogaamiyaasha “ Waxaa I riday gacantii isoo saartay” [Siyad]
»
Maxay ku kala duwan yihiin shirkii carte iyo kan Kenya? [M.A.]
»
XILIBAAN WAXAA KU SAARAN BADBAADA UMADAADA
idawaqaca

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD