DAGAAL OOGE XIL MA DHIBAA?
Ismail A. Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Intii ka dambeysay burburkii dawladdii Soomaaliyeed ee bilawgii sagaashanaadkii waxaa ku soo kordhay darajooyinka madaxtinmo ee dalka waxa loogu yeero dagaal ooge (war lord) oo ay warbaahinta reer galbeedku u caleemo saartay kuwo ka mid ah nimankii hor kacayay dagaaladii sokeeye ee wadanka ka bilaabmay xilligaas.
Dagaal ooge waa qof dagaalka ku ceesha, nabadda, deganaanta iyo nidaamkana ku xajiimooda. Waa shakhsiyaad 14kii sanno ee Soomaaliya dawlad la’aanta ku jirtay magacaas ku caano maalay halka bulshada inteedii kale u qaybsameen wax dhintay, wax dibadaha u cararay iyo wax ay dacdarro ku hayso wadanka gudhiisa iyadoo arimahaaas oo dhan ay sababtooda leeyihiin dagaal oogayaashu.
Muddadaas ay dagaal oogayaashu wadanka ka talinayeen waxaa dhintay magacii iyo sharaftii ay Soomaaliya ku dhex lahayd beesha caalamka,waxaanay noqotay meel tusaale loogu soo qaato waxa loo yaqaan qaramada saaqiday(failed states) oo aynu calanka u sidno.
Inkastoo dunidu dadaal u gashay sidii loo badbaadin lahaa Soomaaliya hanti badanna ku bixisay hadana wax ka suurto galay ma jirto oo waxaa caqab aan laga gudbi karin arintaas ku noqday dagaal oogayaasha oo iyaga dantoodu aanay ku jirin in nidaam dawladeed iyo kala danbayn lagu soo dabaaalo wadanka.
Arrintaas aan kor ku soo xusnay ayaa sabab u ahayd in dhawr iyo toban shir oo dib u heshiisiinayd oo horey loo qabtay fashilmaan oo aan wax guul ah laga gaadhin.
Hadaba muddo laba sanno ah markii dalka Kenya la isku hor fadhiyay shir dib u heshiisiineed ay hormood ka yihiin dagaal oogayaashu ayaa hadda waxaa la soo gaadhay waqtigii la arki lahaa natiijada shirkaaskaas.
Shirkaas oo soo maray marxalado kala duwan waqti iyo hanti badanna ku baxday ayaa ahaa mid shacabka Soomaaliyeed aragtiyo kala duwan ka qabeen inkastoo bulshada inteeda badan ay rajaynayeen inuu guulaysto dawlad loo dhanyahayna wadanka loogu soo dhiso.
Ninbaa qoraal uu kaga dhiibanayay aragtidiisa shirkaas wuxuu ku tilmaamay “riwaayaddii dunida ugu dheerayd” waxaase nasiib darro ah in riwaayaddaasi aanay weli bilaaban ee muddaadaas labada sanno ah lagu muransanaa xulidda jilaayashii ka qayb qaadan lahaa oo ilaa hadda lagu hawlanyahay.
Waa riwaayad uu qof walba rabo inuu isagu arbe(actor) ka noqdo iyadoo aanu is weydiin marka hore inuu kaalintaas ku haboonyahay iyo in kale. Waa riwaayad dadka jilli karaa ay aad u koobanyihiin hase yeeshee uu qof waliba rabo inuu ka qayb qaato.
Waa riwaayad u baahnayd in hal abuurkeeda iyo isku dubaridkeedaba Soomaali keliya loo daayo hase yeeshee ay hadda shisheeye ku lug leeyihiin. Waa riwaaayad ay dad badani ka cabsi qabaan in iyadii oon bilaabmin ay dhammato.
Hadaba waxaa soo if baxaya in jilayaasha ugu waaweyn riwaayaddani ay noqon doonaan dagaal oogayaasha oo iyagu kaalin mug leh ka qaadandoona riwaayaddan.
Nin kale oo isna dhawaan wax ka qoray shirka ayaa wuxuu ku tilmaamay madasha shirku inay tahay Isbitaal isagoo ergadana u arka bukaan jiif maskaxda looga jiro. Qoraagaasi ma caddayn in dadkaas uu jirada ku sheegay uu wax caafimaad ahi u kordhay muddadii labad sanno ahyd ee ay isbitaalkaas jiifeen, waxaana jira kuwo ka soo baxsaday isbitaalka iyadoo aanay dhakhaatiirtu soo fasixin imika dhibaatooyin iyo abaabul dagaal ka dhex wada dalka sida Miorgen iyo Barre Hiiraale.
Hadaba haddii ay dagaal oogayashaasi yihiin dad maskaxda ka jirran miyaanay wax la yaab leh ahayn in dadkaas lagu soo dhex dayn doono shacabka iyagoo walibana markan inta darajadii dagaal ooganimo meel dhigteen xilal qaran guudka laga saaray.
Maadaama hadda laga faraxashay xulistii xubnihii baarlamanka ayaa durtadiiba waxaan maqalnaa iyadoo dagaal oogayaashii loogu yeerayo xildhibaan hebel, hase yeeshee su’aasha u baahan in la isweydiiyo ayaa waxaay tahay Dagaal ooge xil ma dhibaa xeerse ma qabtaa?
Waayo aragnimadii dhawr iyo tobonkii sanno ee aynu soo dhaafnay ayaa ina baraysa in dagaal oogayashu yihiin shaqsiyaad aan u qalmin hogaaminta masiirka shacabka balse mudanyihiin maxkamad iyo xabis.
Waxaan u soo joognay heshiisyo badan oo ay qalinka ku duugeen hase yeeshee aanay waxba ka fulin. Waxaan aragnay iyagoo u fadhiya shir nabadeed , saxeexayna heshiis xabbad joojin hadana dagaalamaya iyadoo kuwo badana ay mudaddaas ku jireen hub urursi dhanka kalena ay ka hadlayaan hub ka dhigista maleeshiyooyinkooda.
Waa niman aad u nasiib badan oo lagu baryayo shacabkii ay baabiiyeen inay u taliyaan iyadoo shacabkuna uu sidaas raali ku yahay.
Waxaad arkaysaa dad is barbar dhigaya laba dagaal ooge oo leh hebel baa fiican iyo hebelbaa ka fiican waana arin kuu muujinaysa aragti gaabnida Soomaalida ee aan dhaafsiisnayn in qabyaalad wax lagu taageero ama lagu diido.
Haddii muwaadin kasta xaqiisa helayo ama aan mid kale sed bursi la siinayn maxay tahay faa’idada iigu jirta in dagaal oogahayagu madaxweyne noqdo, saw waxa loo dig iyo dem leeyahay ma aha in dad kale xaqooda la duudsiyo
Xil qaran waa ka duwan yahay mooryaan la hubeeyo laguna dagaal geliyo magaalo hebla soo bililiqaysta ama dawlad shisheeye oo abbaan loo noqdo, mukhaadaraad la beero, dekado iyo gegooyin la xaaq xaaqdo iyo khayraadka wadanka oo si sharci darro ah loo dhoofiyo..
Hadaba dagaal oogayaasha aan xildhibaanada ku magacawnay shaqooyinkaas iyo kuwo kale oo ka sii xun ayuun bay waayo aragnimo u leeyihiin mana filayo in astaamahaasi yihiin kuwii saxda ahaa ee mas’uuliyiin qaran lagu xulan lahaa.
Waa arin shacabka Soomaaliyeed u taala in ay qabyaad iyo dagaal ooge ku daa’imaan iyo inay danhooda gartaan dunidana ka mid noqdaan.
Ismail A. Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com