Bootan Barre Samatar.
S. Qaabka uu shirka u socdo maxaad ka qabtaa?
J.Waxaan u arkayay shirkan inuu yahay mid looga baxayo
dhibaatada Dowlad la'aaneed ee ka jirta dalka, mudo markii uu socdayna
waxaan arkay in shirkan la majara habaabiyay, in talada dadka
soomaaliyeed laga weeciyay, gacantana ay u gashay IGAD iyo Beesha
caalamka(IPF), faragalina ku sameeyay Xulida baarlamaanka taasna ay iska
cadahaya, waxaa kale oo ay talada ka qaateen una arkeen dad kaligood wax
goyn kara hogaamiyayaasha dagaalka. Shirkan in laga leexiyay nidaamkii saxda
ahaa waxaa tusaale kaaga filan waxaa ugu horeeya oo aan ka xusi karaa
haweenka oo ahayd in 12/% laga siiyo hadda ay haystaan qaar wax ka yar
5, halka kuwo kalena aysan haysaninba.
S. Shirkan waxay dad badan qabaan in uu yahay midka ugu
rajada dhaw, dhinaca ka soo qayb galka hogaamiyayaasha siyasada iyo
waliba beesha caalamka, miyaan loo dhamayn adiga aragti ahaan?
J. Shirkan looma dhama, siyaasiyiina ma joogaan ee
waxaa ka soo qayb galay oo kaliya Qabqablayaasha dagaal oogayaasha ah,
umana arko in ay xal keeni karaan hadda ayaanba waxaan garan karnaa
wararka maalamahan soo baxaya ayaaba muujinaya inuusan socon karin
shirkan, waayo dagaal oogayaashi awooda la siiyay kaligood ayaa wax
qasaya.
S. Waxaa jirta in hadda uu shirka gabagabo yahay lana
dhisay baarlamaan ay soo xuleen siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka
beelaha soomaaliyeed sida ay IGAD cadaysay,sideed u aragtaa qaabka loo
xulay?
J. Marka hore sidii sharciga ahaa waxay ahayd in
baarlamaanka ay ka taliyaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beelaha,
isla markaana ay u wada dhamaadaan dhamaanba beelaha soomaaliyeed, waxaa
muuqata in ay maqan yihiin beelo badan oo aan laba xusiba dalkana dagan,
deegaana ku leh, xuquuqdii ay lahayeena laga tagay, dhinaca kale waxaa
jira xildhibaano baarlamaanka ku jira oo aysan xulin siyaasiyiinta iyo
madaxdhaqameedkaba oo ay IGAD soo magacaabatay wadamada safka hore gaar
ahaan, ayna ka warqabaan dadka oo dhan, wadamada dhaqaalaha shirka
bixiyana ay ka warqabaan, wadamada midawga yurub, QM, iyo jaamacada
carabtaba. sidoo kale baarlamaanka waxay ahayd in lagu saleeyo xulasho,
sida shahaado, waxaaana jira hadda in aysan jirin wax lagu soo xulay
dadkan oo aqoon ah waayo wax walba waxay u baahan yihiin hogaamin toosan,
dadkii la hogaamin lahaa hadii ay iyaga wax hogaaminayaan uma arko in
shirkan mira badan ka soo baxayaan.
S.Sida ku xusan Axdiga KMG ah xulida baarlamaanka way u
wada siman yihiin siyasiyiinta iyo odayasha dhaqanka, haddii ay
kaalintoodi gabeen madaxda dhaqanka ma waxaad ku eedaynaysaan IGAD?
J. Sida warbaahinta ay maalin walba ka sheegaan
odayasha waa duudsiiyay xaqoodi, wax awood ah oo ay ku leedahayna ma
jirto, haday talo dhaqan ahaan lahayd wax badan ayaa hagaagi lahaa
soomaliduna waxay ku shiri jireen geed hoostiis wax walbana u dhamaysan
jireen, IGAD haddii aysan fara galin ku samayseen shirkana waxaan hubaa
in uusan qaateen laba sano iyo wax u dhaw waayo soomalida waa dad is
afyaqaana oo wax walba meel isla dhigi kara heshiis buuxana gaari lahaa
mar hore, eedna maahan ee waa wax loo wada jeedo oo iska cad in IGAD ay
wadato shirka.
S. Maadaama aad dhaliiil u soo jeedinaydisay shirkan
kenya, ma waxaad qabtaa in uu ka wanaagsanaa kii carta ee lagu soo
dhisay Dowlada KMG ah?
J. Maya, waxaanba qabaa in uu shirkaasi ahaa midka
keenay (4.5) afarta iyo barka, lana mid ah in soomaaliya qaar badan
tahay qaarna yahay. kuwo badan yihiin kuwona ay yar yihiin, midna
dheer yahay midna gaaban yahay. waana wax ku xun taariikhda dambe ee
soomaaliyeed, shirkaas carte ayaana ahaa midka dhibkaas horseeday
ilaa maantana uu socdo, waxay ahayd in baarlamaanka lagu saleeyo
gobol, waayo cid cirka ma timid ma jirto, shirkana waxa uu socdaa
nidaamki carta, waxa kaliya ay kula duwan yihiina waa in kan ku
badan yihiin qabqablaayasha dagaalka, kaasna waxaa ku badnaa
aqoonyahano iyo salaadiin.
S.Baryahaan waxaa socda olole dagaal oo laga cabsi qabo
inuu ka dhaco kismaayo dagaalkaas sidee u aragtaa?
S. Maxaad u soo jeedin lahayd dadka soomaaliyeed ee
rajada wayn ka qaba shirka ka socda kenya?
J.Waxaan u rajaynayaa nabad, waxaan qabaa dhibaato
walba ha jirto in ay lagama maarmaan tahay in soomaaliya ay dhexdeeda ka
heshiiso, la wada hadlo waxyaabaha dhex yaalana ay uga wada hadlaan si
soomaalinimo ah, kuna dadaalaan in nabad waarta laga dhex dhaliyo dadka
soomaaliyeed ee dhibaatada dagaalada sokeeye ay soo martay taladoodana
aysan ka sugin shisheeye ee ay iyagu isku tashadaan wax walbana ay nabad
ku wada noolaanshaha ka hormariyaan.
waxaa wareysigan qaaday Canab Mumtaz.
somalitalk.com.
Nairobi.
Faafin: Somalitalk.com | Sept
11, 2004