SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dagaal ka dhacay Waafdhuug oo gumaysiga lagu naafeeyay.

  • Ciidamada Wayaanaha oo Diridhabe dad ku laayay.

  • Magaalada Gaalkacyo oo lagu dhacay baabuur Ogadenya laga leeyahay.

  • Boqollaal Itoobiyaan ah oo ku tabaalaysan magaalada Boosaaso.

  • Talyaaniga oo raba in ciidamada Soomaaliya la gaynayo lagu daro kuwo Yurub ah.

  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed. 

Dagaal ka dhacay Waafdhuug oo gumaysiga lagu naafeeyay. 

Dagaal ba’an oo 6/09/2004 ciidamada xoraynta Ogadenya iyo kuwa cdowga Itoobiya ku dhex maray magaalada Waafdhuug oo ka tirsan gobolka Doollo, ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 15 askari, sidaas waxaa qortay shabakada internetka ee Qoraxay Online. 

Ciidamada xoraynta Ogadenya ayaa la sheegayaa inay weerareen ciidan gumaysiga Itoobiya ka tirsan oo halkaas maryay, waxaana la filayaa in dhimashada soo gaadhay ciidamada cadowga ka sokow ay qaar badan oo kalana dagaalkaas kaga dhaawacmeen. 

Dhinaca kale sidii caadada u ahayd ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay nawaaxiga Waafdhuug ku dileen nin rayad ah oo aan wax denbi ah gaysanin, kaasoo la sheegay

inuu gurigiisa ku sugnaa markii la dilay. 

Ciidamada Wayaanaha oo Diridhabe dad ku laayay. 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa toddobaadkii hore 37 qof in kabadan ku dilay, 100 kalana ku dhaawacay magaalada Diridhabe, ka dib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen dad ku xoonsanaa suuq ganacsi oo ku yaalla badhtamaha magaalada Diridhaba.

 Wuxuu dilkani dhacay ka dib markii ay ganacsatadu ka hortegeen isku day ay ciidamada booliska ee gumaysiga toobiya isku dayayeen inay ku boobaan hantida ganacsatada. Markaas ka dib ayay ciidamada boolisku rasaas ku fureen dadkii iska caabiyay, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 37 qof oo rayad, halka in ka badan 100 kalana ay kaga dhaawacmeen. 

Ciidamada booliska ayaa la sheegay inay markaas ka dib si xad-dhaaf ah u boobeen hatidii halkaas taallay.

Raadiye ay Oromadu leeyihiin ayaa sheegay isaguna in  bishii hore dabka la saaray inta badan ganacsigii ay dadka Oromada ahi ku lahaayeen meesha lagu magacaabo Hara Maya. 

Magaalada Gaalkacyo oo lagu dhacay baabuur Ogadenya laga leeyahay.  

Waxaa badhtamihii toddobaadkan lagu dhacay magaalada Gaalkacyo gaadhiga laga leeyahay magaaladda Qabridaharre ee wadanka Ogadenya. 

Gaadhigani wuxuu ka baxay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna rar u siday dhinaca gobolka Qorraxay, hase yeeshee dablay hubaysan ayaa jidka u gashay oo ku joojisay duleedka magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo rakaabkii ku armay inay gaadhiga ka degaan. 

Waxay wararku intaas ku darayaan in gaadhiga uu kirishboogu cilid ku abuuray si aanay u kaxaysa dablaydani, kadibna uu ka cararay dablaydii iyo gaadhigiiba isagoo u soo cararay dhanka Magaaladda Gaalkacyo. 

Ciidanka Booliiska ee magaalada Gaalkacyo ayaa Baabuurkaas raadco ka daba-diray , ka dib markii loo soo sheegay in la dhacay, hase yeeshee waxay u tegeen Baabuurkii oo yaalla meeshii hantiilaha lagaga dhacay, waxaana la filayaa inay dablaydu iskaga tegeen, ka dib markii ay baabuurka cilladi ka gashay. 

Warar kale ayaa sheegaya in dablayda Baabuurkan qabsatay uu hor-kacayay nin Baabuurka horay u lahaan jiray, balse milkayadiisa laga wareejiyay, ka dib markii xaq loo bixiyay, wuxuna ninkaasi sheegay in Baabuurka laga wareejiyay isagoon raalli ka ahayn. 

Gaadhigani wuxuu hadda  ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo, waxaana socda wada-hadal lagu dhexdhexaadinayo milkiilaha gaadhiga iyo raggii ku qabsay. 

Boqollaal Itoobiyaan ah oo ku tabaalaysan magaalada Boosaaso. 

Radiyo SBC ma ku guulaysan doonaa in uu Puntland oo burburiyo.
Qore: jagne dahir

Sida uu qoray boga Internetka Idaacada SBC waxaa magaalada Boosaaso gaadhay dad aad u badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka soo galay dhinaca gobolka Sanaag. 

Mid ka mid ah dadkaas ayaa u sheegay Idaacada SBC in waxii ay haysteen ee hanti ahaa lagaga dhacay magaalo madaxda gobolka Togdheer  ee Burco, haatanna ay fara maran yihiin oo aanay wax ay ku joogaan iyo si ay u noqdaan toonna garanaynin, dhacaas ayuu nikaasi ku

sheegay in ay u gaysteen niman mukhalisiin ah oo u sheegay in ay u tahriibinayaan wadamada carabta. 

Dadweynaha deegaanka Boosaaso ayaa soo gelitaankoodii hore dadkan kaalmo aan sidaas u buurnayn u fidiyey, gaar ahaan ururro waddani ah. 

Dhinaca kale waxaa jira warar soo gaadhay Radio xoriyo oo sheegaya in ay goosteen ciidamo aad u badan oo ku sugnaa gobolada Ogaadenya, kuwaas oo la sheegey in ay u dhaqaaqeen dhinaca xuduudaha wadamada dariska ah, balse aan la hayn halka ay ku danbeeyeen. 

Siyaasada guracan ee Taliska Itoobiya ayaa sababay in ay ooda jabsadaan siyaasiyiintii,  aqoonyahankii, ciidamadii iyo dadkii shacbka ahaa Beeralayda ahaa, kadib markay ku kalsoonaan waayeen xaaladooda amaan iyo nololeed ee dalkooda ka jirta maanta. 

Talyaaniga oo raba in ciidamada Soomaaliya la gaynayo lagu daro kuwo Yurub ah.  

Dawlada Talyaaniga ayaa ku talisay in ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya loo gaynayo lagu daro kuwo laga keeno dalalka Yurub. 

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Talyaaniga Franco Frattini ayaa sheegay in xukuumadda dalkiisu ay kula talisay Midowga Afrika in ciidamada nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya la gaynayo lagu soo daro kuwo ka socda dalalka Yurub.

Frattini wuxuu intaas ku daray in dawlada Talyaanigu ay dhiirri gelinayso in qorshahaas la hirgelinayo, isla markaana ay ciidamada dalkiisu ka qayb qaadan doonaan hawsha nabad sugida iyo hub ka dhigista ah ee Soomaaliya loo tegayo.

 

Talyaanigu wuxuu sheegay inuu aad ugu niyad san yahay natiijada ilaa iyo hadda ka soo baxday shirka dib u-heshiisiinka kooxaha soomaaliyeed ee dalka Kenya ka socda, kaasoo hadda maraya marxaladdii ugu denbaysay ee awood qaybsiga ahayd. 

10.09.2004

C/nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

»Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
»ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
»Xildhibaan: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee” [c/waxid]
»MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
»DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
»xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
»Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
 Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Dr. Saciic



HTML CD