Moorgan:
Kornayl C/hi baa Kismaayo iyo kursigii Beeshaydaba iga kala
Tuuray
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Waxaa la sheegaa in waxyaalihii Moorgan Kismaayo looga qabsaday
ay ku jirtay faro-galin uu ku sameeyey C/hi Yuusuf kaddib markuu
ciidan uusan Moorgan ka raali ahayn u diray halkaas. Waxaa taas
ka darnayd markii Beesha Sade ay xubin baarlamaan u diyaarisay
jananka Axmed Warsame isagoo Kimaayo jooga halka kornayl C/hi uu
ka reebay jananka Moorgan inuu ku daro xildhibaannadii beeshooda.
Markaad fiirisid beelaha kale sida Hawiyaha iyo Digil iyo
Miriflaba; iska daa in dagaal-oogayaashii soo geli waayaan
xubnaha baarlamaankee bal iyagaaba xulayey. Makuu muuqdaaa
sawirka feylo-goynta ah ee C/hi la rabo cid kasta oo ay isku
hayb yihiin?
Dad badan oo kaalinta dagaal-ooginimo ee Moorgan liidi jiray oo
u haystay inuu ka heer hooseeyo kornayl C/hi ayaa waagu ku
beryey markii la arkay Moorgan oo muddo shan sanadood ah
dibad-yaal ahaa oo haddana leh saaxiibo shisheeye iyo
dagaal-oogayaal kalaba. Dad badan baa islahaa wuxuu jilbaha
qabsanaa kornayl C/hi laakiin waxaad hadda mooddaa inuu
barabixinayo kornaylka kaddib markii kornaylku u helay beeshiisa
xubno aad uga yar tii Cali Khaliif ka helay Carta. Kornayl C/hi
oo rabay inuu magac dilo Moorgan ayaa beenoowday markii jananku
hal mar mudh soo yiri oo la arkay isagoo isku duwaday ciidamo
badan. Boggaggay hagaan reer Puntland iyo dadweynaha reer
Puntlandba waxay hadda la dhacsanyihiin Moorgan iyagoo u arka
nin xaq-u-dirir ah halka ay C/hi u arkaan masiibo Ilaah usoo
diray oon iyaga waxaan ahayn u jeedin. Waxaad mooddaa inuu
Moorgan hadda qaadayo heesihii Hadraawi:
·
Maxaan wacdarha adduunka
u soojirey waayaheeda
warkeeda la ii dhammeeyey
maxaa waran layla doonay
habeynnimo layla waayey
nasiib kaga waa bariistey
maxaa dabin lay wareejey
wedkeyga la ii shir-qoolay
maxaa dacar lay walaaqay
waabaayo ku caafimaaday
Maxaa wacad layla qaatay
rumaystay Wallaahi beena
maxaan webiyaal is-jiidhay
dhexdooda ka waab samaystay
wanaag anigoo sameeyey
maxay wadhi ii dambeysey.
Moorgan wuxuu leeyahay: C/hi ma waxaad iigu darmatay IGAD oo
Kenya igu xirtay, baasaboorkeygii iyo dharkeygii la hartay
weliba magac-dil iigu dartay? Ma anoo dooxada Jubba dagaal la
maaggan baad keentay inaad kuraastii la boobayey iga qadisid?
“Ciiloow wayeey talo xumaan cudur ka weyneyne”. Moorgan oo sii
wada heestii Hadraawi:
·
Wadeeco maxaan ilaashey
waraabe ka soo xereeyey
sac weyda maxaan u dhaanshey
Walwaal ugu soo arooray
halkiisa ku soo waraabshey
maxaan weli soo kexeeyey
wadaaddo maxaan u yeedhay
u loogey wankayga fiican.
Waxyeello halkay u taallo
naftayda maxaan ka waanshey
walaalkay nimaan u haystey
muxuu waddo ii fadhiistay.
Qofaan wehelkayga moodey
ka qayb galay weerarkayga
ruuxaan la wadaagey oontu
ku wiirsadey dhiilladayda.
Moorgan oo u haystay C/hi inuu ehel iyo degaan la wadaago wuxuu
ku celceshaa meerisyadan:
Walaalkay
nimaan u haystey
muxuu waddo ii fadhiistay
qofaan wehelkayga moodey
ka qayb galay weerarkayga
ruuxaan la wadaagey oontu
ku wiirsadey dhiilladayda.
Moorgan wuxuu leehay: Lugo-dheere, Xuseen Caydiid, Aadan Madoobe
iyo rag kale ayaa lGAD eedaynaya iyagoo shir-sharaa’id
qabanayana oo leh: Moorgan xaq-darraa lagu heystaa halka aad C/hiyoow
idaacado Xamar ku tiri: Moorgan isaga xubnihii kuma darin maxaa
yeelay IGAD baa cunaqabatayn kusoo rogtay. Marka C/hi ma ninkii
ugu horreeyey ee fuliya cunaqabatayntaydii IGAD baad noqotay?
Moorgan waa nin geed geli jiray oo geed-galka C/hi wax ka
tarimaayo.
Si kastaba ha ahaatee waxaan jananka Moorgan iyo kornayl Barre
Hiiraalaba ugu yeeraynaa inay caqliga ka shaqaysiiyaan oo aysan
ku degdegin dhiig-daadin kale. Waxaan filayaa Kismaayo iyo dhiig
Soomaaliyeed waa is arkeen oo xiiso kale uma qabto. Arrinta xal
nabadeed halagu dayo. Hadda Moorgan waxaa la leeyahay wuxuu
joogaa meel Kismaayo 70 Km u jirta; waxaana la sheegayaa in
Barre Hiiraale weerar ku yahay. Marka waxaan leennahay arrinta
si nabad ah haloo galo. Moorgan halkaagaas hasoo dhaafin, adna
Barre Hiiraaloow ha raadsan.
See Moorgan Kenya ugu soo noqon karaa isagoon
xubin baarlamaan ahayn?
Haddii aniga la ila tashanayo, C/hi baan ka qaadi lahaa
xubinnimada oo waxaan siin lahaa Moorgan maxaa yeelay C/hi wuxuu
u tartamayaa madaxweynanimo marka ma garanayo wuxuu ku falayo
xubin baarlamaan. Hadduu madaxweyne helana waa wuxuu raadinayey
hadduu waayana waxaan filayaa inaysan xubintaasi waxba u tarayn.
Haddii taas la waayo waxaa laga rabaa qabiilka Hartiga inay
Moorgan boos siiyaan si uu u yimaado Kenya oo aan shirka
Soomaalidu u eersan.
Inkastoonan rajo fiican ka qabin
shirka Soomaalida haddana 22/09/04 wax fog maaha haddii Ilaah na
gaarsiiyo. Hadday dowlad dhalato, magaalooyinka ugu horreeya ee
u baahan in hub-ka-dhigis iyo waxqabad waa Xamar iyo Kismaayo.
Haddii dowlad dhalan weydana waxaan ku xaalaynaa sidii dhaqanka
noo ahaan jirtay. Marka caqligu ha shaqeeyo.
cabdulwaxid@hotmail.com