Golaha Baarlamaanka
waxaa doorasho ku hela xubinnimadiisa cidii hesha codka dadweynaha.
Mudaneyaasha Igad ay u soo doortay iney wakiil u noqdaan dadka
Soomaaliyeed maxey noqon kartaa awooda ay dalkooda xeer ugu dejin karaan.
Kalsoonida shacabka kuma timaado ku dhaqanka dowlad qabiil, dejinta
dastuur qalaad iyo u adeegida dano shisheeye. Igad waxey dejisey
dastuurkii iyo xeerkii lagu soo xuli lahaa mudanayaasha baarlamaanka,
waxeyna danta Igad ka badan weysey iney aqoonsadaan odeyaasha qabiilka,
hogaamiyeyaasha dagaalka, iyo ururada rayidka ka soo jeeda danaha
shisheeye. Masuuliyada Soomaalinimo ahaan ku jirta mudanayaasha Igad,
waxaa wax badan ka tayo roon, waxtarka aadaminimada ku jirta gumeysi
toosa ee wadan xoog weyn uu maanta dalka ku qabsado. Waxey u muuqataa in
dowladnimo Soomaaliyeed ay gashay god, dadkeeduna uu ka baxay garabkeeda.
Dowladnimo
Nidaam dowladnimo dalka
Soomaalida marna loogama dhaqmin. Inta ay noo jirto iyo meesha ay naga
xigto midna lama doonin helideeda. Dalka waxaa soo maray xukun beleed ku
dhisnaa boqortooyo; xukun ku saleysan iska caabinta cadowga deriska iyo
kii Yurub; xukun diin; mid qabiil; mid ciidan iyo mid jabhadnimo. Intaas
midba midka ka dambeeya wuxuu ku tilmaamayey inuusan lahayn dhaqan
dowladnimo. Hogaamiyeyaasha xukuumadahaas midba dowladnimada meel ayuu
ka doonay: mid wuxuu ka doonay qabiil; midna diin; midna Carab; midna
galbeed; midna bari.
Dowladnimadu waa
nabadgelyo iyo cadaalad inaad ummadda ku dhaqdid. Dhowrista xeerka
degsan iyo amaangelinta hantida gaar, guud ama shisheeye. Socodsiinta
xeerka iyo qawaaniinta dhowra kaladambeynta. Dhaqaale siinta hooyooyinka
nolosha caruurta la halgamaya, cuuryaanka, waayeelka iyo dadka maskaxda
iyo jirka ka jiran. Ixtiraamka xoriyada iyo ilaalinta xaquuqda dadka.
Dadka dalka u dhashay oo la dhageysto rabitaankooda iyo xeerdejinta oo
lagu saleeyo danahooda guud. Dadka tirade yar oo aadaminimadooda la
garwaaqsado iyo madaxbanaanida dalka oo laga difaaco shisheeyaha.
Dowladnimadu ma jirto
dhinaca qabiilka, diinta ama danaha shisheeyaha. Dowladnimada intii bari
iyo galbeed laga dooni lahaa waxaa wanaagsan oo haboon in si dhow looga
raadiyo aqalka Soomaalida. Dowladnimada dadka waxaa saldhig u ah
siyaasada guriga, waana nidaam u daneynaya aragtida guud ee dadka ay
isla gartaan.
Maantana waxaa loo
kacay Afrika oo mudanayaal ay soo xushay golaha baarlamaanka noo soo
gelisey. Weli waxaan ku soconaa wadadii qaloocneyd oo waxaan tilaabada u
qaadnay dhinaca aysan dowladnimadu naga xigin. Mudanayaasha Igad waa
lugooyo cusub, waana mariinhabow ku dhacday dowladnimadii dadka
Soomaaliyeed. Waxey soo kordhin dastuur qalaad oo ay duuduub dalka ku
soo geliyaan iyadoon afti loo qaadin, waxey u ololeyn dejinta xeerarka
quseeya danaha shisheeye oo ay wakiilka ka yihiin iyo dowlad qabiil.
Dowladnimadu waa naga dheer tahay inta lagu saleynayo qabiil, diin iyo
dano shisheeye, iyo inta hogaamiye aan aqoon cilmiyeed lahyn si sahlan
loogu dooranayo qiiro ku dhisan laab-la-kac aan lahyn miisaamida
kartidiisa, biseylkiisa, iyo masuuliyadnimda hogaamintiisa guud.
Haddii ay isqabsadaan
mudanayaasha Igad iyo madaxda ka soo dhexbaxda sow ma aha in loo
noqonayo dib u heshiisiin shisheeye ama in halis loo galo in dalku
degaano kala madaxbanaan u kala jajabo. Dal yar oo saboola oo nidaam
federaala loo dejiyey waa wax loogu talo galay inuu yimaado isqabqabsi
badan, dagaal degaan, iyo lagama maarnimada dhexdhexaadin shisheeye oo
joogtaa.
Ciidamo Shisheeye
Ujeedada dalal ka mida
Igad waa iney dalka soo geliso ciidamo shisheeye, si taas ay ugu
meelmartana waxey soo dhiseen mudanayaasha baarlamaanka iyo nidaamka
federaalka. Mar haddii aan la hureyn dhexdhexaadinimo joogtaa waa in
danaha deriska iyo kuwa ka shisheeya oo ay Igad qorshaheeda u xilsaaran
tahay ay uga faa`ideysato meelmarinta keenista cudud shisheeye oo awood
ciidan wax ku maquunin karta dalka gudahiisa. Waxaan shaki lahayn in
xoolo badan oo magaca Soomaalida lagu keeno si dadban loogu maamulanayo
qarashka ku baxaya joogista ciidamada shisheeye intii la gelin lahaa
mashruucyo u daneynaya dadka ama dalka. Waa waxaan dhaceyn marna in
mudaneyaasha Igad ay ka horyimadaan danaha iyo awaamirta dowladaha Igad
iyo kuwa dabayaala. Waxaa laga yaabaa in mudanayaasha Igad ay
sahalsadaan u rukuucida rabitaanka Igad ay ku dooneyso keenista ciidamo
shisheeye. Ogolaanshaha keenista ciidan shisheeye ma aha wax la
fududeysto, maxaa yeelay howlgalada ay fulinayaan iyo qaadistooduba
midna dhab ahaantii uguma xirna raali ka noqoshada ama rabitaanka dadka
dalka iyo madaxdooda. Ujeedadu waa sida seef leh laba weji oo soofeysan,
kan lagu tusayo waa kan laguu sheegay ujeedada uu qabanayo, kan lagaa
qariyeyna waa mid loogu talagalay in la mariyo cida lagu adeeganayo
markii ay gadaal wax ka garato. Axmad Gurey si uu uga guul helo dagaalka
uu kula jirey cadawga deriska wuxuu dan biday inuu ciidan warsado
Pershia(Iran), Masar iyo wadama Carbeed, si islaanimana dalkiisa loogu
hiiliyo, nasiibdarro Axmed dabadiis iyagaa dalkii qabsaday oo gumeystey.
Cali Yusuf isaga ayaa u saxiixay soo gelidii gumeysiga talyaaniga isaga
oo aaminsanaa in qabiilkiisu dalka xukumayo ama qabsanayo ama ku
xumeynayey halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, laakiin isagaa ku
baxay. Janaraal Caydiid isagaa u sabab ahaa keenista ciidamada shisheeye
oo uu hogaaminayey Mareykanku isaga ayaana ku baxay. Haddii meesha
ciidan shisheeye yimaado way dhamaaneysaa kalsoonida aad ku qabtid
awooda dastuurkaaga, waxaa si toosa cagta loo marinayaa hogaamiyeyaasha
dhaqanka, diinta iyo siyaasada iyadoon waxba loo adeegsan in lagu kiciyo
kooxdiisa, qabiilkiisa, xisbigiisa, kuxigeenadiisa ama kusimayaashiisa.
Wadanka cadawgiisa deriskaa iyo kan ka shisheeya oo ku heshiisa si aqoon
sare leh in dalka lagu daldasho ayaa ciidanka xoogiisa iyo
maalgelintiisuba ay ka imaaneysaa. Ciddii kaa aqoon badan ama kaa
farsamo badan si aadan dareemi karin ayey dhaxalkaaga ula wareegin ama
si kuugu qaadata waqti dheer inaad ku garatid ayeey qorshaheeda kugu
qancin. Waxaa aad u badan xadgudubyada lagula kacayo dadka dalka u
dhashay oo aysan jirin awood wax ka qaban karta tacadiga ciidamada
shisheeye, raaligelin laguu soo jeediyo mooyaane. Dalku wuxuu dhowrsan
yahay inta aysan imaan ciidamo shisheeye oo dalal kale talada iyo
amarka ka qaadanaya. Mudanayaasha Igad waxaa la tusay in qabiil wax lagu
qeybsaday, in rabitaanka iyo awooda shisheeye mudane looga dhigay, in
loo keenayo cudud ciidan oo difaacda dowladooda isagana uu ogolaado.
Xisbiyada
Siyaasadeed
Qabiilku ma leh
cadaalad oo beelna ma jecla in qanuun wax lagu wadaago, waxaana xaqa ka
horeeya tolweyni iyo xeer jajab. Diinta qasadkeedu waa Alle ka cabsi,
dadkuna ma xukumi karo waxa qofka qalbigiisu uu aaminsan yahay.
Wadaadadu ma awoodaan iney aduunka qofna marsiiyaan mudnaanta uu u
leeyahay janada ama naarta midood oo waa xukun u dhaxeeya qofka iyo
Ilaahiis. Waxaa lama huraan noqotay in dadku sameysto aragtiyo guud oo
ay ku mideysan yihiin. Intii ay isku dhowdahay fikradooda siyaasadeed
waxey awoodooda ku kulan siiyeen Xisbi siyaasadeed. Dalka waxaa lagu
xukumaa qorshe ay dadka intiisa badan isku afgartaan oo uu hogaamiyo
siyaasi loo doortay xilkaas. Xisbiyo kooban oo la abuuro waxey dadka ku
soo aruurinayaan afkaar mideysan oo doorasho lagu kala adkaan karo.
Saddex xisbi oo waa weyn oo dalka loo abuuro ayaa dadka u kala jeedin
karta saldhiga siyaasadeed ee awooda dalka lagu hogaaminayo. Cidii rabta
doorasho xalaala oo dadkaas si siman wax ugu qabaneysa waxey loolan la
isku reebayo u geleysaa gudaha xisbigeeda, lana geleysa musharaxiinta
xisbiyada kale si ay kalsoonida dadka ugu buuxiso jagada siyaasadeed oo
ay u tartameyso. Haddii qabiil wax lagu soo doorto ama madaahibta diinta
la cuskado waxaa meesha soo geleysa iskooxeysi ku dhisan sinji iyo
madhab, waxaana loo noqonayaa xeer jajab, sinaan la`aan iyo inaan laga
bixin jabhado iskhilaafsan. Waxa keliya ee dalka soomaalida u keeni kara
nidaam dowladnimo waa xisbi aan qabiil, madhab, iyo dano gaara aan ku
mideysneyn. Ilaahey dadka iyo dalka Soomaaliyeed ha ku garabgalo xisbiyo
siyaasadeed oo dadka intiisa badan fikradoodu ay ku aruurto.
Dr. Saciid Ciise
Maine, USA
Saciidciise258@aol.com