SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ISKU DIRKA REER PUNTLNAD MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA.

Waxaa jiraan Rag Qoraa isku sheegaan oo aad moodid in ay isku Dirka reer
Puntland Qiil Diineed u haysan waxaana la yaab leh in ay Ragaasi iska
dhigaan in ay Diinta wax ka yaqaaniin oo waxaad arkaysaa iyaga oo Aayado
Quraan ah isku Dirka reer Puntland u soo daliishanayan.

War Diintii Islaamku sow tii isku Dirka, Xanta iyo ka Been abuurasha
xaaraamaysay ma ahan?. mise reer Puntland isku dirkoodu Qiil gaar ah  baa
loo haystaa?.

Sidoo kale waxay Ragaasi iska dhigaan in ay dhibaato Puntland ka taagen ka
gilgisheen oo ay Dulmi Puntland ka jira ka digayaan waxaana la yaab leh in
Ragaasi ay taageeraan Isbahaysiga Dooxataga Jubo iyo xoogaga Shabeelada
Hoose xooga ku haystaan. war Haddii ay xaqdaro laga hadlayo

· Waxaa jira Dad Magaalooyin aanay lahayn xaqdaro ku haystaan
· Waxaa jiraan Dad la adoonso oo Beeraha lagu fasho.
· Waxaa jiraan Hogaamiyaal Afduubka Dadka Ubadkooda ku masruuftaan.
· Waxaa jira Dad la soo baro kiciyey oo  Xeryaha Qaxootiga ku abaadeen,
Guryahoodiina
                 Dadkale dagan yihiin.
· Waxa jiraan Magaalooyin Dadkii lahaa laga baro kiciyey oo Dadkale lagu
beeray sida
                Kismanyo iyo Marka.

Haddaba Dadka waxaas oo Dulmiya ay ka dadan yihiin ee rabaan in ay Reero
nagi isku rogaan oo ay Puntland Dab qabadsiiyaan, walibana isku Dirka reer
Puntland aayado Quraan ah u soo daliishayaan.
· Miyaanay daalimiin ilaahay ka furteen ahayn.
· Miyaan meeshaa laga dhadhansan karin in ay ka ciil qabaan Nabada iyo
Wanaaga ay reer
                Puntland haystaan oo ay ka jeclaan lahaayeen in ay reer
Puntand isku rogmadaan.
· Miyaana meesha laga dhuuxikarin in ay reer Puntland cadaawad gaar ah u
qabaan oo ay
               Cuqdad googaysay.

Haddaba waxay Ragaasi iska dhigaan in ay reer Puntland yihiin iyo in ay
Danta reer Puntland ka hadlayaan waxaanad Qoraalkooda ka dhadhansanaysaa in
ay Dhagdheertii u calaacashay Dhalaankii ka caray u dhigmaan ee tiri ,, alla
Dhalaankii aan midba mar qalan lahaayeey" .

Waxaana taas ka daran Ragaasi Magaca reer Puntland Maqaar saarka u soo
qaataan ama Caqli xumo in ay Qooskooda isku diraan ay gaarsiisay waxay iska
dhigaan in ay Wadaado reer Puntland ah yihiin haddaba waxaa la yaab leh
haddii ay run tahay oo ay reer Puntland yihiin oo ay Wadaado yihiin may ka
hadlaan.

1. Dulmiga Dadkooda Kismaanyo joogaan lagu hayo.
2. Daandaansi Somaliland ay reer Puntland ku hayso
3. Afduubyada iyo Dulmiga Dadka Rayidka lagu hayo.
4. Daroogada la beeray iyo Dhirta la jarayo.
5. Kumanyaalka Qurbaha iyo Xiryaha qaxooti ku jiraan ee ay Daarahoodii Rag
kale dingiigaan,
                Beerahoodiina Rag kale fashaan.
6. Dhaawicii iyo Dhibkii Dadkooda soo gaaray.

Haddaba Dadka Waxaas oo Dulmiya Indhaha ka lalinayaan ee aan hal Maalin ka
hadlayn, rabaan in ay reeraha Puntland isku rogaan waxaa xaqiiq ah in ay
daalimiin yihiin waxaa kale oo hubaal ah  in aanay reer puntland iyo
Islaanimada midna meel ka soo galin. haddii ay reer Puntland yihiina, yihiin
Qawsaar Qolo kale u raran.

Waxana hubaal ah in aanay Wadaado ahayn, Diinta Islaamkana wax ka aqoon
ilayn Diinta Islaamka waa ka xaaraan in Fidno hurida la toosiyo oo Dad naga
la isku diro.

Haddaba Nacayb ama Nacasnimo Ragaas meeshuu doono ha gaarsiiyo laakin waxaa
hubaal in aanay Nabada Puntland ka jirta wax u dhimikarin ilayn reer
Puntland waxay ogyihiin in ay jiraan.

1. Rag reer Puntland u dhasheen oo Sandareero(laalush) darteed Xamar iyo
Hargaysan ugu
                heermeen, diyaarna u ah  in ay Puntland dumiyaan si ay
Sandareeradooda u xalaashadaan.
2. Qaar qurbaha ku wareereen oo waxay qorayaan aan ogayn Qolooyinkalena ay
ku
                shaqaystaan.
1. Qaar Magac reer Puntland Maqaar saar ahaan u soo qaataan  si ay kalsooni
reer Puntland
                 u helaan oo ay halaag uga abuuraan.

Kuma koobna kuwa isku Dirka reer Puntland caadaysteen wax magarato reer
Puntland ah ee waxaa iyaguna reer Puntland sirig isku dhahaan oo isku
Dirkooda ka shaqeeyaan Warbaahinta Xamar oo iyaga aad ka dhadhansanaysaysid
in aanay wali Dhiga reer Puntland ka dhargin.

Mahadsanidnin
jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

Faafin: Somalitalk.com | Sept 10, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD