SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
DIYAARADII SIDEY MAYDKA BEELDAJE XAAJI C/LAHI OO SOO CAGA DHIGATAY BOOSAASO:::

Waxaa markay Ahayd 11:45 Duhurnimo ee Saacda Geeska Afrika soo caga Dhigatay Diyaaradii waday maydkii beeldaaje xaaji c/laahi  garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso halkaasoo ay isugu yimaadeen shacab iyo madax tirabadan.

Beeldaha ayaa markii lagu tukaday salaada jinaasada waxaa loola dhaqaaqay halkii lagu aasi lahaa oo ah beerta Ugaas Yaasiin halkaasoo la garab dhigay Qabrigii Ugaas yaasiin, waxaa halkaas maantay isugu yimi shacab aad u tirabadan sida kamuuqata sawiradan oo u ducay nayay beeldaajaha una tacsiyaynaya eheladii uu ka baxay beeldaajuhu waxaana halkaan kasoo jeedinayay culumo tirabadan wacdi diini ah oo taabanayay dadkii halkaas isugu yimi .

Maantay oo ahayd bil ramdaan bartamaheeda ayaa waxaa halkaas nasiib wanaag isugu yimi shacbi weynaha ku nool magaalada boosaaso oo idil maadaama uu ahaa beeldaaje xaaji c/laahi nin  aad looga jecelyahay Gobolka ahaana halgamaa weyn iyo nin nabada jecel.

Waxaa halkaan uga diraya Tacsi Geerida beeldaajaha

Madaxweynaha DGPL Maxmed Cabdi xaashi oo ku sugnaa markaas Garoowe
Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxmed Ali Yusuf (Gaagaab)
Wasiirka Xiriika Caalamiga DGPL C/raxmaan faroole
Wasiirka Dowladaha Hoose Iyo Horumarinta reer miyiga DGPL Ali Abdi Awaare
Wasiirla Kaluumaysiga Bada iyo Dekedaha DGPL Ismaaciil Buraale
Wasiirka Amniga DGPL Warsame Shirwac Seefta Banaanka
Wasiirkuxigeenka Wasaarada warfaafinta Ibraahan Cartan Ismaaciil (xaaji Bikiin)
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf wacays Dhedo iyo kuxigeenadiisa
Duqa Magaala Boosaaso Cabdi Yaasiin Iyo kuxigeenadiisa
Generaal Cade Muuse Xirsi
Gudoomiyaha Shirkada isgaarsiinta Bostel Nasteex Muuse C/raxmaan
Ganacsade Liibaan dheere
Shabakada ururada Haweenka ee WAWA
Ururka Miseynta Ardada Soomaaliyeed
Shabakada Uruka Ardada DGPL
Ururka Ardada Gobolka Bari
Ururka dhalinyarada Gobolka Bari

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
SomaliTalk Boosaaso | OPct 28

WARBIXINTII SAAKAY:::


MARXUUM BEELDAAJI XAAJI C/LAAHI OO LA AASAY

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 28/10/04 saacadu markay ahayd 12:30 duhurnimo Boosaaso soo caga dhigatay diyaarad siday maydkii marxuum beeldaaje xaaji cabdulaahi xaaji ismaaciil diyaaradaa oo ka soo duushay dalka jabuuti magaalo madaxdiisa.

Waxaa buuxiyay daafaha iyo gudaha gagida diyaaradaha ee magaalada bosaso dad iyo gawaari noocyo badan isugu jirta oo aad u fara badan, waxaa la xoojiyay isla saaka subaxnimadii hore nabadgalyada magaalada gaar ahaan garoonka, wadada u dhaxaysa garoonka iyo xabaasha lagu aasayay marxuumka oo ku dhinac taal xabaashii hore loogu aasay saaxiibkii ugaas yaasiin ugaas c/raxmaan.

Waxaa soo dhawaynta maydka marxuumka iyo aaskiisa ka qaybgalay masuuliyiin aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen madaxwayne ku xigeenka DG/puntlan maxmud yusuf gaagaab, gudoomiyaha barlamaanka puntland yuusuf xaaji siciid, Jeneral cade muuse, wasiiro, saraakiil sarsare, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshda sida isimada, culumaaudiinka, dhalinyarada iwm.

Waxaana halkaa lagu tukaday maydka marxuumka salaadii janaazada, iyadoo dhamaan dadwaynahaas ay u duceeyeen kuna cafiyeen maydka marxuum xaaji c/llaahi, waxaana illaahay looga baryay inuu marxuumkaas cisada iyo sharafta ku dhex lahaa bulshadiisa inuu ka waraabiyo janadii fardowsa ehelkiisa iyo bulshawaynta soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

 
Abdikarim Husein Hasan
iicobos@hotmail.com
Bosaso
Oct 28, 2004

WARARKII HORE


DIYAARADA SIDA MEYDKA MARXUUM XAAJI C/LAAHI BEELDAAJE OO KA DUUSHAY PARIS.
  • 11:30 Duhurnimo ee Maanta ayaana marxuumku ku Diyaarad Sidaa ku aadan tahay Boosaaso

Diyarada sida maydka marxuun beeldaje Xaaji cabdilahi ee shirkada air france waxa ay ka kacday magaalada Baaris ee dalka farnce abiriihii 9 fiidnimo waqtiga baris 27 oct 2004, waxana la socda laba wiil oo uu dhalay marxuunku oo ah Dr. Yaasiin Beeldaje & enjineer Liibaan Beeldaaje, waxayna ku adantahay magalada Jabuuti haddii allaha awoodalihi ogolaado 8da subaxnimo waqtiga jabuuti oo ay taariikhdu tahay 28 oct, waxana Jabuuti ka sii raaci doona Jamaal Beeldaje iyo Faarax Dalmar Beeldaaje, waxay diyarada kale ee marxuunka qaadi doonta  Jabuuti ka kici doontaa qiyaastii 9.30 subaxnimo ee waqtiga Afrikada bari, waxayna Boosaaso ku aadan tahay abaaraha 11.30 duhurnimo, waxana lagu asidoona beeldaaje c/laahi isla maanta oo ah Khamiis 28ka Oct haddi alle idmo magaladda Boosaaso.

waxaa diyariyey
Faarx Yaasin Dalmar Beeldaaje
faaraxf@hotmail.com
London, uk


Aaskii Marxuum Beeldaaje Xaaji C/Laahi oo Dib u Dhacay ilaa Khamiis Oct 28, insha Allaah

War SosmaliTalk ka soo gaarey qaraabada Marxuum Beeldaaje Xaaji C/Laahi ayaa sheegay in markale uu dib u dhacay aaskii marxuumku ilaa Khamiista 28ka Octoobar.

"Anigoo ah faarax yaasiin dalmar beeldaaje oo jooga London,UK, Waxaan idiin xaqiijinayaa in haddii ilaahay ogolado la aasidoono beeldaje c/llahi beeldaaje maalinta khamiista oo ay bisha oct 28 dibudhacaas oo ay sababayaan diyaaradaha shirkada air franca, waxaana tacsi udariyaa dhaman shacabka soomaliya gaar ahan shacabka puntland dhamaan"

faarax yaasiin dalmar beeldaaje
Email: faaraxf@hotmail.com

WARKII HORE


Aaskii Marxuum Beeldaaje Xaaji C/Laahi oo Dib u Dhacay ilaa Arbacada Oct 27, insha Allaah

Bismilaahi raxmaani raxiim


Beeldaaje Xaaji C/lahi
Waxaa dib udhac ku yimi aaskii marxuum beeldaaje xaaji c/laahi, kadib markii qorshu ahaa Axadii 24 bishaan in lagu aaso magaalada Boosaaso, dib u dhacaas oo ku yimi dhinaca duulimaadyada diyaaradaha gaar ahaan diyaarada shirkada Air Farnce ee magaalada Paris oo iyadu iska leh qaladka dib u dhacaas, waxaana wararkii ugu dameeyay ee soo baxay ay sheegayaan in maalinta Arbacada ee bishu tahay 27-10-2004 lagu aasi doono magaalada Boosaso hadii eebaha awooda lihi ogolaado, sidaa daraadeed dhamaan dadka kasoo qayb gelaya aaska waxaa la ogeysiinayaa in ay sidaas ula socdaan insha Allaah.

WQ. abwaan yuusuf | London. UK
xsangaale@hotmail.com | Oct 25, 2004

Tacsida loo diray qaraabada marxuumka iyo taariikh nololeedkiisii ka akhri hoos....

                                                                        


BEELDAAJE XAAJI C/LAAHI BEELDAAJE
Sawirka waxa SomaliTalk soo gaarsiiyey Maxamuud Beeldaaje oo ah wiil uu dhalay Beeldaaje C/laahi, waxaana lagala xiriiri karaa:
mahamudhagi@yahoo.com

21-Oct-04

Bismilaahi Rahmani Rahiim 

Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

1910-2004

Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.

Aabihiis Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxa uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan, kaasoo ka dhaxlay Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay todoba (7) qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood uma laheyn iney faragashato. 

Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la dhashay a) Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan Beeldaaje, c) Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu hanaqaad noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku noqday (Waliyal Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday sanadkii 1926 dii, Xaaji C/laahi waxa uu noqday Beeldaajihii todobaad (7) ee Beesha Cali Saleemaan. 

Xaaji C/laahi wuxuu yaraantiisii nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horeysay ee Xaaji Maxamuud “Dharas”, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala caan ka ahaa. Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar iyo Yemen sanadadii 1930-35 kii. 

Markii ay dowladii Fashiistiga ee Benito Musselini qabsatay Majeerteeniya, waxaa dhacay dagaal culus oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la ogyahay Beeldaaje Xaaji C/laahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka ka hor yimaadeen, dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun, oo markaas aheyd magaalada Soomaaliya ugu horumarsan, halkaasna waxa ay ku xiraayeen sanad. 

1937-41 dagaalkii labaad ee dunida Beeldaajaha iyo Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa ay ku howlanaayeen wax ka qabadka (xaaladaha deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay Soomaaliya ee beegida raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka. 

1941-49 waxa uu ka mid ahaa Guddiyadii Ururka Leegada, S.Y.L.

1950, markii UN ku Talyaaniga soo cesheen, waxa uu ka mid ahaa Isimadii diidanaa ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia” Soomaali in la isku daro. Isla sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada kalluunka ee Qandala taas oo uu door weyn ka qaatay furideeda. 

Beeldaaje Xaaji C/laahi wuxuu ahaa oday dhaqanka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ku dheer. Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan adag. 

1959 waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna baarlamaankii ugu horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay degmada Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69, halkaasna wuxuu siyaasada ku jirey toban (10) sano. 

Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka Yemen, Sucuudi Carabia, Kuwait, Bangladesh, Shiinaha, Ruushka. Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey Urdun.

Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay Dallas (USA) maalintii la dilay John Kennedy madaxwaynihii maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi ahaan.

Madax badan oo aduunka ayuu la kulmay,wuxuuna aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka. 

Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu joogay  oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas oo shaqo badan ka qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna guud ahaan iyo gobolka Bari uu si gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo Ugaas Yaasiin odayaashii aaday dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo soo ogalaaday, soona saxiixay sanadkii1994. Waxa uu ka mid ahaa Issimadii ( boqor Maxamuud iyo ugaas Yaasiin ) ee ka dhameeyay sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso kaasoo maamulka Puntland si toos ah u diiday.  

Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo waxa uu damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11 rag ah iyo 7 dumar ah iyo 3 ooryo.

Allah ha u naxariistee Beeldaaje Xaaji C/laahi Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil, waxa uu ku geeriyooday magaalada London, UK 19-10-2004 oo ku aadanayd bisha barakaysan ee Ramadaan 4teedii, 1425H..

F.G. Marxuumka waxaa lagu duugi doonaa magaalada Boosaaso ama degmada Carmo.

Source: Dr. Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje  

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey: mohamed yusuf  darwiishka2@hotmail.com

 


Sawirada waxaa somaliTalk soo gaarsiiyey: Mahamud Mahamed <mahamudhagi@yahoo.com>

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Taariikh Nololeedkii Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan

TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji




HTML CD