Taariikh
Nololeedkii Marxuum Afyare Garaad
1919- 2004
Maxamed Xuseen
Guure oo loo yaqaano (Afyare Garaad Guure) waxa
uu ku dhashay magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee
Baladweyne 1919 da'diisu waxay ahayd 85-jir,
waxbarashadiisa wuxuu ka bilaabay magaalada
Baladweyne, dugsiga hoose dhexe wuxuu ku
dhamaystay isla magalaadaasi, shaqadii ugu
horeysay waxa uu ka bilaabay ciidamadii
Ingiriiska oo dhibowga uga soo baxay iimeey,
asagoo yar ayuu shaqo u yimid magaalada Muqdisho
kaddibna waxa uu galay dugsiga Xalane, kaddibna
wuxuu halkaas ka qaatay shahaado.
1948-dii wuxuu
ku biiray ciidamadii la oran jiray Ilaalada,
wuxuuna halkaas ka noqday xisaabiye gaar ahaan
gaalshirihii ku yiilay magaalada Baladweyne.
ALLAHA u
naxariistee Afyare Garaad waxa uu koorso u galay
xanaanada xoolaha 1957-dii ayuu soo dhamaystay
waxbarashadaasi, waxaana laga dhigay maamulaha
xanaanada xoolaha ee degmada Afgooye, 1960-kii
waxaa loo badalay degmada Baardheere isagoo ku
sugnaa ilaa iyo 1962-kii kaddibna waxaa loo soo
badalay magaalada Baladweyhe oo uu ku sugnaa
65-67-dii, kaddibna waxaa marxuumka loo badalay
degmada Jowhar.
kacaankii
markuu dhashay ayaa dib loogu soo celiyay
magaalada Baladweyne isagoo ku sugnaa 71-74-tii.
kaddibna waxaa loo badalay magaalada
Baydhabo.kaddibna waxa uu gaaray magaalada
Dhuuso-Mareeb. isagoo halkaasi ku sugan ayaa
waxa uu ku biiray golaha shacabka ee dowladii
milatariga ahayd.
1978-dii ayaa
waxaa laga dhigay gudoomiyihii gobolka Galgaduud
isagoo ku sugnaa 78-80-kii, isagoo xildhibaan ah
ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Baladweyne
isagoo looga dhigay wakiilka nabadgalyada ee
golaha shacabka ee gobolka Hiiraan. dagaaladii
sokeeye waxa uu ka mid ahaa dadkii gacanta ka
geystay dib u heshiisiinta wuxuuna badbaadiyay
dadweyne aad u fara badan, wuxuuna u kireeyay
gawaari farabadan si ay u gaaraan dalka Itoobiya.
ALLAHA u
naxariistee marxuum Afyare Garaad wuxu ifka kaga
tagay dhowr qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo
wixii ay sii dhaleen.
waxaana
qoraalkaan diyaariyay Dr.Axmed Cusmaan Waasuge,
waxaana halkaan marxuumka tacsi uga diraya:-
Saciid Khaliif
Jimcaale, Cabdi Xaashi Maxamed, Axmed Cusmaan
Waasuge, Nuur Dhaabi, Saaro Sandhool, Cilmi
Xaashi, Jamiilo Maxamed Macalin, Bashiir Xuseen
Dhoorre, Cilmi Takar Barre, C/llaahi Sabriye
Xalane, Faarax Ducaale Absuge, waxayna si gaar
ah ugu tacsiyeynayaan reerr Afyare Garaad iyo
walaalahood Ceebla Jimcaale Cali, Hidaayo
Jimcaale Cali iyo Hidaaya Jimcaale Cali, wuxuuna
marxuumku geeriyooday 24-10-2004
amiinkhasaaro
yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com