Hooyo Timiro Cukaash:
Halgamayaashii umadda
Soomaaliyeed ee SYL -
Gololka Jubbada Hoose,
Kismaayo.
e-mail :
leego_1952@hotmail.com
"Waxaa
iga dardaaran ah dadkii
guryadoodii iyo
deegaankoodii laga
barakiciyayna in aad dib ugu
soo celisaan deegaankoodii
sida kuwa ku jira xeryaha
qoxootiga ee u baaba’aaya
macaluusha, gaajada, hoy
la’aanta iyo daawo la’aanta.
Waana arrinta ugu muhiisan
maanta ee la idin ka
doonaayo in aad ku
dhaqaaqdaan marka hore.
Haddii kale waa jug jug
meeshaada joog."
|
Walaalayaal, marka hore, mahad
Eebbe ayaa iska leh, Naxariis iyo
Nabadgeliyo waxay u sugnaatay
Nabigeennii Muxammad ( NNKH ).
Marka
labaad, waxaad iga gudoontaan
salaanta Eebbe ee Naxariista iyo
Nabadgeliyada leh kuligiin idinkoo
ka kooban Gudoomiyaha iyo ku
xigeynadiisa iyo dhammaan xubnaha
Xildhibaannada Baarlamaanka ku meel
gaarka ah ee Dowladda Federaaliga
Soomaaliyeed intiinna nool. Intii
geeriyootaynna waxaan Eebbe uga
baryaynnaa in uu ka waraabiyo
Jannada, Ummadda Soomaaliyeedna
samir iyo iimaan ka siiyo.
Marka
sedexaad, waxaad iga gudoontaan
Hambalyo aan idiin soo diraayo
dhammaantiin oo ka soo go’day
qalbigayga qaaliga ah oo ay ku
dheehan tahay jecel Soomaalinimo iyo
wadaninimo anigoo ah hooyo Timiro
Cukaash oo ka mid ah
muwaadhiniintii Soomaaliyeed ee
maalkooda iyo naftoodaba u soo huray
halgankii loogu jiray gumeysi ka
xorayntii cariga Soomaaliyeed gaar
ahaanna Gobolka Jubbada Hoose iyo ha
noolaatadii ka dhacday magaalada
Kismaayo. Anigoo ka mid ahaa
haweenkii horseedka SYL ee lagu
xiray xabsigii Kismaayo anigoo
xaamilo ah intii aan xirnaan ku
dhexfooshay xabsiga gudahiisa
maalinkastana inta aannu xabsiga ku
jirnay waxaa naloo gaysan jiray
jir-dil, hanjabaad, gaajo, oon,
silic iyo rafaad, naxariis la’ aan
iyo ayadoo ay noo dheerayd in nala
cabsiiyo biyaha badda si aannu u
sheegnno horseedka kale meesha ay
jiraan ama cidii abaabushay ha
noolatada Kismaayo iyo la dagaalanka
gumeysiga.
Walaalayaal, aad iyo aad
baan ugu faraxsanahay idiinkuna
hambalyaynaayaa sidii la idiin soo
xulay oo maantay la idiinku soo
doortay in aad xilkaasi qaadaan.
Runtii waxaa ku farxaaya qofkasta oo
Soomaali ah, wadani ah oo jecel
dalkiisa iyo dadkiisa in ay ka
baxaan hooggaan iyo halaaggan ay ku
jiraan maanta ummadda Soomaaliyeed.
Xilkan aad qaadayn waa mas’uuliyad
adag waxaana ka bixi kara oo keliya
qof wadani, daacad ah, xilkas ah,
jecel midnimada iyo wada jirka
Ummadda Soomaaliyeed waxaa kaloo ka
bixi kara qof ka maran caadhifadda
nin jeclaysiga iyo nin necbaysiga,
danaysi gaar ahaaneed iyo xukun
jecelka. Waxaan filaayaa xilkaan aad
maanta u dhaarateen in uusan noqon
midkii ay rag badan oo Soomaaliyeed
horay intay ugu dhaarteen haddana
dhinac maray dhaartoodii.
Walaalayaal iga raali ahaada waxaan
idiin sheegaayaa nin diin leh inuu
damiir leeyahay, dadnimo leeyahay,
wax qabad leeyahay iyo ballanba.
Waxaan idiin rajeynaayaa in aad
noqotaan kuwii dhaartooda oofiya
kuna guulaysta.
Walaalayaal, Ummadda Soomaaliyeed
waxay soo martay welina maanta ay ku
jirtaa; hoog iyo ba’, bur bur iyo
baaba, dhac iyo dil, xasuuq iyo
barakidin, kufsi iyo gumaad, faqri
iyo gaajo, tafaraaruq iyo kala
firdhad, maamul xumo iyo hoggaamin
la’aan.
Haddaba, maanta waxaa idin horyaala
howl aad iyo aad u culus oo u baahan
adkeysi iyo dulqaad, midnimo iyo
wada tashi, cadaalad iyo maamul loo
siman yahay. Waxay ku haboon tahay
ninkii aan qaadi karin in uu haddaba
isaga haro. Anigu waxaan u arkaa
maanta mas’uuliyadan inay ka duwan
tahay kuwii hore noo soo maray ee ka
mid noqoshada Baarlamaanadii hore ee
dalka Soomaaliyeed.Sababtoo ah
dalkayagu wuxuu ku jiraa burbur iyo
baaba muddo 14 sannadood, hoggaamin
iyo maamul la’aan.
Walaalayaal,
idinkoo iga raali ah anigoo
kaashanaaya waayo aragnimadayda
waxaa iga dardaaran ah:- Wax kastoo
aad qabanaysaan waa in aad Bisinka u
qabataan.In aad la timaadaan qowl
iyo ficil mid ah. Wada tashi iyo
wada jir. Dulqaad iyo adkeysi. Waxaa
iga dardaaran ah dadkii guryadoodii
iyo deegaankoodii laga barakiciyayna
in aad dib ugu soo celisaan
deegaankoodii sida kuwa ku jira
xeryaha qoxootiga ee u baaba’aaya
macaluusha, gaajada, hoy la’aanta
iyo daawo la’aanta. Waana arrinta
ugu muhiisan maanta ee la idin ka
doonaayo in aad ku dhaqaaqdaan marka
hore. Haddii kale waa jug jug
meeshaada joog. Waa in aad iska
ilaalisaan awood sheegasho xadgudub
ah iyo in aad samaysataan isbahaysi
ku dhisan boob iyo dhac iyo dil.
Markasta iyo meelkasta oo aad
joogtaanna waa in aad badisaan Alle
ka cabsiga. Waxaa iga dardaaran ah
in aad la tashataan aqoonyahannada,
wax garadka iyo culumada
Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan si aad guul u gaartaan.
Walaalayaal, maanta waa maalin
taariikh leh la ogaan doonee maanta
maalinteeda waxa aad muteesataan
guul iyo khasaaraba. Waxaan Eebbe ka
wada baryaynaa in aad ku fashilmin
xilkaasi oo aad ku guulaysataan,
taariikhda Ummadda Soomaaliyeedna
aad baal dahab ah ka gashaan.
Hal
heeskiinuna ha noqdon, “
Soomaaliyeey Toosoo, Toosooy isku
tiirsada, maanta waa maalintii hal
la’ ahaa.”
Wabilaahi
towfiiq.
e-mail :
leego_1952@hotmail.com
Phone: 0044 207 7019066
=( Hooyo Timiro Cukaash )=
HALGAMAYAASHII UMMADDA SOOMAALIYEED
EE SYL GOBOLKA JUBBADA HOOSE (
KISMAAYO ).
QORAALKII HORE:
QORAALKII TIMIRO EE 2001-kii