SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

MAALINKA AXDA EE BARITO WAXAA LA DOORANAYAA MADAXWAYNAHA DOOWLADA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH EE SOOMAALIYA

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) | axmeddheere65@hotmail.com | Nairobi | Oct 9

Guud ahaan Jawiga Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa umuuqada mid farxad ah oo ay xidhibaanada Soomaaliyeed muujinayaan iyadoo maalinka Axada ah Ee Fooda Nagu soo haysa waa Bariye Doonaya in ay Doortaan Madaxwaynihii Soomaaliya Hogaamin lahaa Shanta Sano ee Fooda Nagu soo haysa , 

Maalinka barito ah waa maalin ku wayn shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan iyadoo dadka Soomaaliyeed dhagta u taagaya Musharaxa ka soo bixi doona Mushariinta Soomaaliyeed ee iyagu buuxiyay Shuruudihii looga Baahnaa oo ay ka mid aheed Labadii Kun oo Doolar iyo Shuruudihi kale Musharaxiintaas oo kala ahaa  

  • 1-Cabdiraxmaan Jaamac Bare
  • 2-Maxamed Qanyare Afrax
  • 3-Cabdulaahi Axmed Cadow
  • 4-Maxamed Xuseen Cadaawe
  • 5-Cismaan Maxamuud Faarax
  • 6-Cabdi Cusmaan Sabriye
  • 7-Jaylaani Cali Kadiye
  • 8-Faarax Wehliye Cadow Sindiko
  • 9-Cabdirixmaan Cabdi Waraabe
  • 10-Cabdi Qaasin Salaad Xasan
  • 11-Cabdulaahi Yuusuf Axmed
  • 12Maxamed Yaasin Ismaaciil
  • 13-Muuse Suudi Yalaxow
  • 14-Warsame Cabdulaahi
  • 15-Mahdi Abuukar Maxamed
  • 16-C/qadir Muriidi Suufi Golof
  • 17-Jaamac Cali Jaamac
  • 18-Cabdi Guuleed Maxamed
  • 19-Xasan Maxamed Nuur(ShaatiGuduud)
  • 20-Axmed Cabdi Xaashi
  • 21-Xasan Guuled
  • 22-Cusmaan Jaamac Cali (Kalun)
  • 23-Jan Muumin Ibraahin
  • 24-Xuseen Maxamed Caydiid
  • 25-Cali Cabdulaahi Maxamed
  • 26-Maxamed Cumar Xabeeb( Maxameddheere)
  • 27-Jaamac Xasan Khaliif
  • 28-Caasha Axmed Cabdalla

Hadaba Maalinka Barito ah waa Axade waxaa la Filayaa in Baarlamaanku Doorto Madaxwayne iyadoo baarlamaanku Horay u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa 

Soomaaliya waxa ay Xoriyadeeda Qaadatay Sanadkii 1960kii Waxaa madaxwayne ka noqday Mudane Adan Abdulle Osmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke , 

Soomaaliya waxa awood milatari kula wareegay Sanadkii 1969kii Ciidamadii Qaranka waxaana awooda la wareegay Maxamed Siyaad Bare , 

Intii kacaanku Soomaaliya xukumayay Hurumar iyo qasaaro labaduba way Jireen ma Jecleen in aan Faaladan uga Hadlo Qasaarihii iyo Faaiidadi Doowladihii Hore Balse Qoraalkaa Ila Galay, 

Sanadkii 1977 Soomaaliya Waxa ay Dagaal la wadaagtay Itoobiya Xiligaas waxii ka danbeeyay Soomaaliya waxaa ka Biloowmay Qaxa&Dagaalo Hubeeysan oo aan iyagu wax Ujeedo ah laheen , 

Siisocoshada Dagaaladii Sokeeye waxa ay sabab u noqdeen Burburii Doowladii Soomaaliya iyadoo 1991 Afka Ciida loo daray , 

Kadaroo dibi dhal dadka soomaaliyeed waxa ay ukalla yaaceen daafaha Dunida iyadoo ilaa iyo Xiligaas aysan Soomaalidu ku heshiin Doowlad  Dhaxe, 

Waxaa marar badan la damcay in soomaalida loo qabto shirar dib u heshii siina ah  laakiin waxba kama soobixin iyadoo shirkii Jabuuti Ee 1991 Shir Lix Urur Siyaasadeed Ku qabteen lagu Doortay Cali Mahdi Maxamed laakiin waxaa doowladaas ka Goos adeegay Jan Maxamed Faarax Caydiid, 

Shirkii Carta waxaa lagu Doortay 2000 Dr C/qaasin Salaad Xasan laakiin waxaa Maya yiri Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida Dhinaca Doowlada Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan Ayaan iyadu ka helin Taageero Dowladaha Caalamka. 

Hadaba shirkan hada ku soo gaba gaboobi raba wadanka Kenya oo isagu 15 Ogtobar 2002 ka farmay Galbeedka wadankan ee Eldoret, 

Shirkan oo marar badan ay ka baxeen Hogaamiyaasha Soomaalida iyadoo ay jireen edeeymo badan oo hadba dhinac ka i maanayay, 

Hadaba shirkan ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaaliga KMG ee Soomaaliya waxaa kaloo lagu doortay Gudoomiye Ku xigeenada iyadoo Maalinka  Barito ahna la dooranayo Madaxwaynaha Doowlada Federaaliga ah Ee Soomaaliya.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kenya,Nairobi
 

axmeddheere65@hotmail.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD