AAN IS MAQALNO MUDANE XILDHIBAAN
SICIID CABDISALAAN
<ahmedliban15@yahoo.com>
Mudane xildhibaan sharaf weyn
baad xambaarsan tahay,sharaf aan
cidina inkiri karin waase hadii
aadan noqon sidii "xayawaankii
malabka ku rarnaa, ka bahnaa
cowskana ka doortay mudo dheer
markuu ku soo rarnaa malabkaas'.
Umaleyn maayo inaad sidaas
nowoneysid waayo aadanaad tahay
Ilaahey suubane sareeye caqli
siiyey karaameeyeyna, una
maleynmaayo inaad ku sirmi
doontid markale hadalada
macmacaan, qurxoon dhagartuna ka
dambeyso ee ardadii kuliyadihii
"jaamacadihii kelitashidka " ee
xukunkii milleteriga ahaa ee 21
ka sano xildhibaan caag ah
baarlamaan ku sheeg kusoo
uruuriyey calooshana u galiyey
cajalad ay ku duubneyd " sax
weeye, sax, sax weeyey" qalad
kasta madaxweyanaha taliskaasu
ugeysto, wasiirkiis jago
mawaayaha ah iyo nolol birbir
qeysa u maleymaayo in wasiiradii
ma dhacayaadha, lama
casilayaasha, lama
xisaabtamayaasha, hayeyaalashii
, xarfaantii qalin ku
dhagrayaashii hantidii
dadweynaha, kuwaasoo ilaa Lagos
caasimada Neyjeriya keligii
taliyihii lacago culus ugu
geeyey. Yaa lahaa lacagtaas ?
halkey ka keeneen? yaase leh
lacagaha haatan ay wataan iyo
jeegaga sida fudud loo
saxiixayo.
Aniga muwaadinka ah yaa lahaa
adigaa lahaa xildhibaan,
ganacsatadan haatan soo baxday ,
warshadaha fudud ee faraha badan
ee sameysmay kadib burburkii ,
xukunkii kali tashadka ee
dalkeena maamulayey ayaa leh ,
islaanta cowska ka keenta iyo
xaabada miyiga muqdisho ayaa
lahaa. Kuwaasoo canshuur
bixiyeyaashii ahaa qalinka
wasiirada maaliyada iyo
ganacsiga aaney marnaba u nixin
una naxariisan !!!
Ma
kuwaasaad xildhibaan codkaaga
siin, ma waxaad codka siineysaa
maskax daxaleysatay , mirirtay
goor hore oon haatan aheyn
naxariistii ka guurtay ? maya
xildhibaan maantu kuwii heeryada
kelitashadka, dulmiga iyo
daalimiinta hertii cadeyd eryey
ayay codka siinayaan, waa hadii
aaney la ceynad aheyn kuwii "jeegu"
maskaxda iyo miyirkaka qaadi
jirey.
Xildhibaan badbaadi saxaafada
xorta ah.
Ku
dheeraan maayo qoraalkan maanta
codkaagu yuu sababin maskaxihii
daxaleystay ee xukunkii keli
tashadka ahaa ee 21kii Oktoobar
iney markale dib usoo noqdaan.
Kuwaano waa cadowgii saaxaafada
waayo saxaafada xorta ah ee ka
dul dhisantay burburkii xukunkii
milliteriga ahaa sidii qoraagii
ruushka ahaa yir "TOLOSTOJ" waa
Saxaafadu waa buunkii nabada,
waa codkii ummada, waa seeftii
xaqa ee DAALINKA kala jareysay,
waa meeshii qofka dulman soo
magan galayey, carshiyadii
kelitashidka ayay gilgishaa,
raadadkii keligood tashadayaasha
ayay dudumisaa.
TOLOSTOJ
Umaleynmaayo in maskaxdaas
daxaleystay Shabeele Times iyo
saxxafad la mid ah ee jid toosan
haysta u dulqaadan kareyso ee
xildhibaan maskax cusub , feker
cusub dad leh dad qoyan oon
qalalin dooro.
wq.
qoraa sare SICIID CABDISALAAN
<ahmedliban15@yahoo.com>