SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CADOW SIDIISII ARMUU YIRAAHDAA WAA LA IGA EEXDAY!

A.Dirir | burashadley@hotmail.com

Shirkii Carte ayaa waxaa yaab noqotay in tartankii madaxweynaha uu ka dhaxeeyey wasiiradii Siyaad ee dalka dhacay oo waliba isku reer wada ahaa sida Somaaliya ay tahay Lubnaan oo dastuurkeedu  dhigayo in mar walba madaxwenaha uu noqdo Masiixi marooni ah.shirkaasna , aakhirkii waxaa lagu magacaabay C/qasim oo ay Jabuti wadatay inkastoo Jabuutina ay sheegi doonto in xulistoodii ay ku khaldaneyd.Markaasna , waxaa dhacday in Gen. Cadow uu shaaciyey in cod aan looga adkaanine calaf loo adeegsaday.

 
Calaacalkaasna , waxaan ku soo xasuustay arrin kale oo dhacday inteeyan  sarkaalnimada iyo darajaduba  qiimo dhicin  Siyaadna   dalka  qabsan, arrintaasna waxay ku saabsan tahay baratan u dhaxeeysay labo korneel oo isku jiil iyo isku magacba wada ahaa oo ka  tirsanaana ciidamada Booliska .  Korneeladaas midka ku horeeyey darajada ayaa wuxuu ahaa Kor. Abdullahi Faarax Hoolif, kan kale wuxuu ahaa Kor.Abdullahi Nuur Cadow. Waxaana dhacday in taliyaha qaybta ilaalinta canshuuraha loo magacaabo Hoolif, Cadowna ku-xigeenkisa laga dhigo inkastoo magcaabistaas uu hadal ka keenay.
 
Ka dibna , markuu suuqa ka maqlay  hadaladii  Cadoow, ayaa wuxuu goostay Hoolif in aanu xilkaas qabanin ilaa ay isaga & Cadow ay imtixaan ku kala baxayaan.
Xiisadaasna waxay ku dhamaatay imtixaan oo ay qaadeen khubaro ajaanib ah , guushana waxay raacday Hoolif. Intii ka dambeeyseyna Cadow iyo Hoolif waxay noqdeen asxaab isku kalsoon oo gacal ah inkastoo midna kacaan ahaa, kan kale maxbuus iyo kacaan diid ahaaba.
 
Maantana , waxaad moodaa in Cadow uu mar kale  imtixaan  ay iskaga hor imaan doonaan nin ay ehel yihiin Hoolif labadoodana magacwadaag la ah oo la yiraahdo Abdullahi Yusuf, jawiguna wuxuu u eg yahay kii hore marka aad fiiriso xaaladda ku wareegan Cadow iyo khibradyaridiisa ku saabsan arrimaha khasan ee dalka  oo runtiina u baahan qof bir lab ah oo ka bixi kara.
 
Haddaba , waxaa la hadal hayaa in Abdullahi Yusuf uu ku soo bixi doono madaxweyninimada Somaaliya sababo fara badan awgeed kana mid tahay in fursaddii ay reerka Cadow lahaayeen  uu  dhumiyey C/qasimka wax walba cunay ee markaanna Cadow arboowayaaloow ma wuxuu oran doonaa sidiisi waa la iga eexday mise sidii Hoolif ayuu Yeey xabiib ula noqon doonaa....
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD