SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ODOROS: Musharax Muriidigolf oo u muqda in u ku guleysandoono jagada madaxweynaha soomaaliya

Ushaada nimaad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa


Muriidi Golf

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa ,Talo nin kuma filna labana ku hishiin weyday, Sida Beelaha Jaalle Daaroodka iyo Jaalle Hawiye oo ku loolamaayo hogaanka dalka. hadaba isqabqabsiga ka dhaxeeya dhexdooda waxa kasii daran isqabqabsiga jufooyinkooda Hoose hadaba yay faaido u leedahay kala daadsanaantooda ?. jawaabtu waa iska caddahay waxay faaido u tahay beelaha kale ee Soomaaliyeed ...

Waxaa si aad ah beryahaaba loo war hayaa oo si aad ah ba loo odorosayaa yaa u qalmo Xilka madaxweynaha soomaaliya iyo raisal wasaaraha DFKMG isa soo rashxan ,kuwa hada la hadal haayo oo kala ah Cabdulahi Yusuf, Cabdulahi Caddow,Cabdulqadir Xaaji Suufi (muriidigolf), Cabdiqaasim Salaad iyo alxaaji Maxamed Yasiin.

Hadaba waxaan firineynaa oo odoroseynaa kala daad sanaanta ka dhex jira Beelaha waa weyn Sida darood iyo Hawiye. Oo Beel walba dhexdeeda ku yimid Burbur iyo colaad aan weli Dawo loo helin oo jufa jufa hoose u kala fur furmay.

Aan ka bilawno Jaalle Darood oo ka kooban 61 xubnood oo ka mid noqday member BFKMG, Hadaba muxuu musharax Cabdulahi Yuusuf ka heli kara Darood isku soo duuboo ugu yaran 13 ugu badnaan 15, sidoo kale hawiyena wxuu ka heli karaa ugu yaraan 4 ugu badnaan 5 .. dirta wuxuu ka heli karaa ugu yaran 5 ugu badnaan 6.. Digil & mirifle ugu yaran 3 ugu badnaan 6 .. isbahaysiga ugu yaran 8 ugu badnaan 6..

Sidoo kale Cabdulahi Cadow hawiye wuxuu ka helaya doonaa ugu yaran 9 ugu badnaan 11.. daarood 5 ugu badnaan 8 .. Digil & mirifle 4 ugu badnaan 8.. Dirta ugu yaran 7 ugu badnaan 15…isbahaysiga ugu yaran 3 ugu badnaan 4..

Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad hawiye wuxuu ka heli doonaa 4 ugu badnaan 7, Darood ugu yaran 9 ugu badnaan 18 .. digigil iyo mirifle ugu yaran 3 ugu badnaan 5.. Dirta ugu yaran 1 ugu badnaan 2.., isbahaysiga ugu yaran 4 ugu badnaan 7.

Sidoo kale waxaa asagana Qarsoon Musharax Muriidi golf oo ka fa’ideysanaaya kala daadsanaanta Da’rood iyo hawiyaha dhexdooda Dagaaladooda oo gaaray heer gacan ka hadal oo aad iyo aad u fool xun .sidaasi awadeeda waxaa u furan fursada maanta Beelaha kale ee aan hubeysneen fursad dahabi sineysa in ay u codeyaan Dhamaan inta aan cidna tabacsaneen musharaxiintaas kor ku soo xusnay, tasina guusha ku raci doonta Beelahaasi kale oo uu ka dhexmuuqda wiilka dhalinta yar ee Siyaasadiisu dhexdhxaadka ka ah arrimaha Soomaaliya. .....

Dhowr usbuuc ka hor markii la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa dhacay horudhacyo yar yar oo muujinaya in damaca dalalkaas uu noqon doono mid xasaasi ah marka la dooranayo Madaxweynaha soo socda iyo xukuumadda ka dambeysa.

Wadamada ku bahoway IGAD waxay wafdi heer sare ah oo ay arrinta Soomaaliya u dhiibeen si loogu beecgeeyo Newyork oo xarun u ah Qaramada Midoobay iyo Mareykankana ayaa, kulamo ay la yeesheen wafdigaasi Qaramada Midoobay ah durba waxay dareemeen in guux iyo tuhun ka baxayo oo dhoolacadeyn wada hadal ah kaddib ayey u gudbeen maamulayaasha Mareykanka si ay ugala hadlaan arrinta Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulayaasha Mareykanka oo wafdigaan la kulmay ayaa u sheegay erayo wareeriyey oo ay kala saari waayeen waxa loola jeedo, waxayna ahayd "Waa in miraha ka soo baxaya shirka Kenya ee Soomaalida aysan lugta la gelin argagixisada".

Erayadaas wafdiga Dawladahaas IGAD-ka waxay ku wareereen markii ay kala saari waayen fahmi waayeen in waxa ku lug lahaanshaha argagixisada laga ilaalinayo ay tahay waa xoogaaga haddaba dhisan ee dastuurka iyo Baarlamaanka iyo inay tahay Madaxweynaha la dooran doono iyo xukuumadda ay ka madax banaanyahiin argagixiso iyo arrimo la xiriira Dhowrista Xuquuqda Aadamiga ( Human Rights).

Sida la wada ogyahay siyaasiyiinta dalka ee lixdankii, kuwa ka soo jeeda maamulkii Siyad Barre iyo hogaamiyeyaasha koxeedka maleeshooynka; burburka Soomaalida midna uma muuqdo inuu xal u yahay danta dalka Soomaalida. Dalka waxaa ka saari kara dhibaatada maanta heysata siyaasi ka yimaada jiilalkii dambe ee dhalin yarada ah oo waliba fir fircoon .

Waayo waxaan ognahay Caalamka waxaa ka dhacay isbadelo siyaasadeed sida dawladaha ugu waaweyn Caalamka oo ay ka midyahay Mareeykanka ,Ruushka,Ingariiska sida aan ognahay waxaa hogaanka u hayaa madaxweeynayaal Dhalin yaro ah sida BUSH,(amerika)Butunka (Ruushka)Baleerka (Engariisks),IWM oo dhamaantooda ka soo jeeda jiilka Cusub ee Dhalinta Yar. sanadkan waxaan rajeyneyna Soomaalida madax loo doorto Dhalinyarada, waxaa aad loo rajeynayaa inuu wax weyn ka badalo arrimaha murugsan ee ka jira gudaha, ka miro dhaliyo difaaca danaha Soomaalida. Waxaase Shaki ku jirin muuqata in dadaalka uu noqonayo mida dibeda iyo gudahaba wax badan ka tari doonta, waxaan ka dhawrna 5ta sanadood ee soo socota gaarsiindoona horumar, una hoorseedi doonta Dariiqa Dimaquraadiga ee xorta ah doorashada dambe, awooduna ay u wareegto si sharaf leh,ee wax lagu doorto mustaqbalka soomaaliya oo ku yimaado hogaamiyaha cusubna jiilkii xoriyada ka dambeeyey.............

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa :: ( Ushaada nimaad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa ) ee maanta aynu u dayno madaxweynnimada Soomaaliya 5 ta sanadood ee soo socota Beelaha aan hubeysneen si dalka xasilooni iyo deganaan looga abuuro ka dibna loo dareero doorasho guud ee xorta ah ( One man ONE Vote ) Dalka laga hirgaliyo...

Wa bilahi towfiiq

safay cabdulqaadir 
safay11@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD