RA'ISAL WASAARE INGIRIISKA TONY BLAIR OO
SOCDAAL KU JOOGA AFRIKA
ADDIS ABABA ETHIOPIA:
Ra'isal Wasaaraha Great Britain Tony Blair
ayaa socdaal wuxuu ku jooga wadamo afrika
ah, wuxuu ugu horayntii booqasho ku tegay
Jamhuuriyadda Federaliga ah ee Ethiopia,
wuxuuna kulan halkaasi kula soo yeeshay
Madax ka tirsan ururka Midnimada Afrika
(OA), Tony Blair waxaa kale oo uu kulan la
yeeshay Ra'isal Wasaaraha Ethiopia
Melezanawi, arrimaha ugu muhiimsan ee uu
Blair xoogga saari doono intuu ku jiro
Socdaalkiisani Afrika waxaa ka mid ah sidii
uu xogogaal ugu noqon lahaa dhibaatooyinka
Darfur, colaadaha ragaaday ee ka jira Afrika
sida wadamada Brundi, Sriliyoon, Somalia,
iyo gaajada iyo macaluusha haysata malayiin
afrikaan ah oo ku dhaqan Qaaradda.

Blair oo
qudbad ka jeediyey hoolka taariikhda ee
ururka Midnimada Afrika wuxuu u sheegay
masuuliyiintii ka soo qayb gashay
dhegaysigii qudbadiisa in la gaadhay
wakhtigii ay beesha caalamku gacan ka gaysan
lahayd waddamada afrika, wuxuu yidhi blair "afrikay
waxaa idin ag yaalla illo kasta oo dabiici
ah ee waxaa loo baahanyahay in loo hello
muskhkiladaha iyo dhibaatooyinka xal waara"
waxaa kale oo uu Blair u sheegay
Masuuliyintaasi in uu beesha

caalamka
cadaadis ku saaray in si dhakhso ah ay
jeebka ururka midnimada afrika ugu soo
dhacdo lacag gaadhaysa $$150 Milyan oo
dollar oo badankeed wax lagaga qabto
qaxoontiga Darfur, Blair wuxuu u sheegay
Prime Minister Zanawi inuu dalkiisu gacan
weyn ka gaysan doono horumarinta waddanka
Ethiopia.