SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

Bismilaahi   raxmaanu  raxiim

      
BAYAAN KA SOO BAXAY BEESHA REER ISMAACIIL(Maxamud Salax) ee ka tirsan Beelaha Maheri
 
 
Ku: Beesha reer Naaleeye
Ku: Beesha reer Xasan Salax
Ku: Beesha reer Cumar Muuse
Ku: Beesha reer Muuse Madobe
Ku: Beesha reer Binjicdi
Ku: Beesha reer Cali Maxamuud
Ku: Beesha reer Faahiye Maxamud
Ku: Beesha reer Cumar Maxamuud
Ku: Beesha reer Ismaaciil Maxamud
Ku: Isimada beelaha Somalideed
Ujeedo: Waxay beesha reer Ismaaciil Kala noqotay  kalsoonidii  oday  dhaqameedkii C/kadir Cumnar Farax

Walaalayaal,

Annagoo ah beesha reer Ismaaciil (Carab Maxamuud salaax) kana tirsan Beesha Maheri, Waxaan idin ku soo gudbinaynaa Bayaan ka soo baxay waxgaradka odoyaasha, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, culumaa’u diinka, Jifida reer ismaaciil ee ka tirsan beelaha carabta maxamuud saalaax(Meheri) shir ay ku qabteen gudaha iyo dibedda, waxay umadda soomaliyeed meel walba ay joogaanba gaar ahaan Isimada ama oday dhaqameedka beelaha aanu wado degno, gaar ahaan kuwa puntland, sida gobalada: Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag iyo Somali inteeda kale. Waxaanu   kalsoonidii ay beeshada (Reer Ismaaciil ee Carab Maxamuud Salax(Maheri)), ku dooratay kala noqotay oday dhaqameed: Cabdulqaadir Cumar Farax oo aanu  suldaanimada kala laabanay . Hada iyo wixii ka dambeeya waxuunu u aragnaa in uu oday(Chief) uu u yahay beesha uu ka dhashay oo ah Reer Muuse Madoobe oo ka tirsan beesha Maheri.
Sababaha keentay in aanu kale noqono kalsoonidii aanu u dooranay oo ah sida hoose ku qoran:
1. Waa nin aan kale goon karin beer bishil
2. Waa nin aan dulqaad uu dad ku maamulo lahayn
3. Waa nin aan kale sooci karin maskarka beesha
4. Waa nin aan wax dadka u kale xoqsoori karin
5. Waa nin aan aqoon wixii loo doortay
6. Waa nin ku shaqeeya ex, laaluul iyo musuq-maasuq
7. Waa nin aan tixgalin siinin cod iyo meesha ay beeshu u     badan tahay
8. Waa nin aan wax la tashi ah siinin beesha     waxgaradkeeda
9. Waa nin la tashada dad yar oo aan codka beeshu ku     qabin kalsooni
10.Waa nin aan fahamsaneyn xilka uu yahay cida uu u     hayo
11.Waa nin abuura isku dhac beesha dhex-deeda
12.Waa nin wax ka aqoon dhaqamada somalida ay ku      dhaqanto.
13.Waa nin aan wax casumaad ah aanan ku joogin shirka   dib u   heshiisiinta Somalida ay casumtay IGAD,oday
     dhaqameedaii somaliyeed, aan ka mid ahan.
14.Waa nin u casumanaa ninka madaxda ka ahaa dawlada      goboleedka PL.
15.Waa nin aan garanin waxaa loo doortay
16. Waa nin wax ka maqlay dhag kaliya
17. Waa nin maskarka beesha matali karin
18. Waa nin aan xurmada laysku leeyahay aanan kale karin    karin.
19. Waa nin aan fikir dheer lahayn
20. Waa nin ku shaqeeya eex,musuq-maasuq iyo       nin jeclaysi.
21. Waa nin ku wanaagsan howlaha bulshadu leedahay.
22. Waa nin aan lahayn dad soo jeedasho iyo isku xir
     intaba .

Sida aad la socotaanba Waxaa dalka Kenya loo qabtay shir dib u heshiisiinta  Somalida lagoogu sameynaayo sidii ay u heli lahay dawlada ay tibta ay ku jirto uga baxdo. Waxaanu ka mid ahaan beesha  Maheri oo wax ku qaadatay  beesha 5aad ee shirka Nairobi, kana  mid beelaha aan hubeysnan.Waxaanu helnay 3 xubnood oo aana helnay garayn meel uu geeyey ilaa iyo hadda waxaa  Nasiib daro waxaa dhacday in uu la  hoos tahay ninka madaxda ka aha Gobalda Puntland, arrintu kaligiis kuma uusan ahayn,Waxaa ku waheliyey Ina Cali Cumar Daad, ka mid ah raga u ololaaya ninka madaxda ka ah maamul goboleedka Puntland oo meel fagaaro ah oo laysugu yimidka dhex yiri(DhITAY ANIGA AYAA KU DHIGTAY KUNA DHAMAAYA).3 Xubnood oo ay beeshu lahayd ay gacanta ku galiyeen beel aan ahayn beeshayada. Waxay ka jabiyeen xeerarkii ay soo qoreen guddiga fududeynta IGAD, oo oranaayey doorashu waxay ka imaanaysaa jifi hoosaadyada qabiilada wax qaybsanaaya. Taas waxay sharaf ka dhac iyo maskab daro ku tahay beesha Maheri siduu u galeen ninkaas isku reerka ah iyo meesha ay dhibeen miisaankii siyaasadeed aanu ku lahayn bulsha weynta Somaliyeed. 
Saas awgeed beesha Maheri waxaa lagu yaqaan in ay ka mid tahay beelaha Somalida kuweeda nabada jecel iyo  samo ka taliniska. Beesha Maheri ugu ma horeyso wax qaybsi shirkaan oo kaliya ee hore ayey wax u qaybsan jireen waxna xumaan iyo isnaceeb iyo fadeexo kama dhex dhici jirin wixii soo dhexmara beesha ninkii ay u garato ayaa lgu qori jiray ama u matali jiray magaca reerka beel kasta oo ay joogaan haddii ay noqon lahayd dalka gudihii ama dibadiisa waxay ahaayeen reer isku xirin xaga maamulka iyo kale dambeynta oo odayayaasha reerka ayaa talada gacanta ku hayey.Waxaa dhici jirtay in odayaasheenii ay qayb lixaax ka qaadan shireen heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.
Bayaankaga waxaan ku soo jeedinaynaa in Beelaha aanu kor ku soo sheegnay ay ka wado arrinsadaa si wadajir ah si loo doorto hogaan cusub oo la jaanqaadi karo kuna sifaysan siyooyinkaan aanu hoos ku soo sheegi doono:
1. Waa in uu yahay nin aan beesha dhexdeeda ku lahayn
     wax xumaan ah
2. Waa in uu yahay nin beesha aan u kale aaxanayn
3. Waa in uu yahay nin dulqaad iyo wanaag ku sifoobay     beesha dhexdeeda
4. Waa in uu yahay nin talada odayaasha reerka wax ka     qaaata
5. Waa in uu yahay nin aan talada beesha aan ku deg-degin
6. Waa in uu yahay nin macaamil wanaagsan la leh Beelaha   kale oo  aanu wado degaanka wada wanaagno.
7. Waa in uu yahay nin had iyo jeer wax ku maamulahaaya     beesha fikirkeeda beel ahaan meeshay u badan tahay
    raaca aanan talada  ka  ligiis aan goosan.
8.Waa in uu yahay nin beesha ku dhaqi kara cadaalad iyo     sinaan
9.Waa in uu yahay nin beesha ku maamuli kara Kitaabka     qur'aanka
10.Waa in uu yahay nin dadka oo dhan u dhexeeya oo    aanan lagu xaglin dhinac ama reer oo ay dadku u siman
    yihiin.
11. Waa in uu yahay nin Beelaha kale kula dhaqmi kara      xeera  hoosaadkooda iyo dhaqamadooda
12. Waa in yahay nin dhallinyarada u abuuri kara       shaqooyin
13. Waa in uu yahay nin magac ku dhexleh beesha      dhexdeeda
14. Waa in uu yahay nin beesha ay ka dhaxli karo waxtar  muhiim ah haddii ay noqon lahayd hadalo murti leh
       iyo garta siduu u galo oo uu u kale saaro bulshada.
15. Waa in uu yahay nin aan maskarka beesha leedahay   aanan ku furay meel aan u qalmin beesha16. Waa in uu yahay nin sameyn kara odayaal ama cuqaal   kale oo  talada wax kale gooyaa beeshu leedahay.  
17. Waa in uu yahay nin aanan u kale eexan reerkiisa iyo  reerkale oo arinta si cadaadal ah u gala.
18. Waa in uu yahay nin aan isticmaalin waxyaabaha
     muqaadaraadka ah sida  Khamriga, Jaadka, daroogada
     iyo Sigaarka Iwm ah.
19. Waa in uu yahay nin garta kale goony kara
20. Waa in uu yahay nin gogaan qaadasho leh.
21. Waa in aan la doonan ninkii isagu yiraahda aniga ha
      lay doonto
22. Waa in aanu doonayaa ninkii kacara xilkaas loo soo    jeediyey.
23. Waa in uu yahay nin aan ka yaqaan tafsiirka quraanka   ama axaadiista ama reerarka somalidu ku dhaqanto.
24. Waa in uu yahay nin aan ku sifoomin laaluush
      qaadasho iyo eex iyo musuq-maasuq reerka dhexdiisa
      ama beelaha kale oo aanu la degno.
25. Waa in uu yahay nin beeshu dooranayso nin reerkiisu
      talada beesha wax ka gayn jiray ee uusan noqon nin
      layska doontay waa baa reerahoodu u talin jiray
      reerka .
 
Hadaba, qodabada aanu kor ku soo sheegayn qofkii leh ayaan dooran karaa ama qaar ka mid ah. Doorashadu inta aan lagu dhaqaaqin waa in la sameeyaa guddi ka soo baaran degan cidii la dooran rabo oo lagu heshiiyo in ay cida uu maamuli karo. Guddigaas oo ka kooban doona Beelaha ay ka kooban tahay Beesha Maheri Ismaaciil ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Waana in aan lagu deg-degin sidii hore u dhacday oo kale.
Waxaan Bayaankana u soo gudbinay fikirkayaga aanu ka qabno odaygii dhaqameedka aanu beeshu hore ugu kale qaysanayd meesha aanu hada ka taaganay iyo wixii u sameeyey hadda kana sameeyey wax qaybintii 3dii xubnihii la dooranaayey Baarlamanka ay yeelan doonto dawlad lagu wado in lagu dhisi doono madasha shirkii ee Nairobi dalka Kenya. dhammaan beelaha aanu kor ku xusnay oo dhan. Waxaad naga laha soo xirir kartaa cinwaan kayaga oo ah:Reerismail7@hotmail.com. Idinkood noo soo gudbinaaya wixii aanu ka yeeli lahayn ciddii la dooran lahaa hogaanka beesha Maheri meelkasta oo ay joogto.
Waxaad laga soo xiriri kartaan cinwaanka ah:e-mail:reerismail7@hotmail.com. oo aad noogu soo diri kartaa fikirkiina aad ka qabtaan bayaankayaga ama aad wax ku daraysaan .
 
Waxaa soo saaray  bayaanka waxgaradka beesha Reer Ismaaciil  ee ka tirsan Carab maxamuud Salax ee beelaha Maheri.

Qoraalkan kakla xiriir: siyo2004@yahoo.co.uk

 
 
N.B:
Afeef: Qoraalkaani xuquudiisa waxaa iska leh cida soo qortay

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2004

Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga kusaxiixan

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD