SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Xil-dhibaanoow: Qofkaad rabtaan, madax-weyne noogu doora..
Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Kalsooni weyn baa Soomaali badan idin haysaa, runta markaan ka hadalno, shacabkaan dhibtooday mudda dheer, allah ka sokoow, dhibka idinkaa ka saari karo maanta awooda aad leedihiin darteed.

Xil-dhibaanoow, ragga idin hor istaagay ooy gabadhana ku lamaanantahay ee jagadaan madax-weynanimadda isku soo sharxay, aqoon waad u leedihiin oo markeey u liidato, labo sanno ayaad Kenya wada joogteen, sidaad darteed wax badan baad iska barateen dadkiina Soomaalida wakiilka uga ah Baarlamaanka Federalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudanayaal iyo marwooyinoow, talada dadka iyo dalka Soomaali, lagu badbaadin karo 5-ta sanno ee ku meel gaarka ah, yeey noqonin talo aad ka shaleeysaan. Aniga, qof aan ahayoow, waa idinku kalsoonahay in aad qof lala shaqeeyn karo, oo Soomaali dhibka culus ee horyaalo ka saari karo, aad noo dooreeysaan.

Xil-dhibaanoow, ilaa iyo hadeer si fiican oo in badan oo Soomaali ah, ka maqsuudaan ayaad hawsha ku wadaan, doorashada weyn ee soo socotana waxaan rajeeynayaa in aad kala garan doontaan, qofka maanta Soomaali badan eey raali ka noqon karto.

Hab-ku -dhaqanka dimoqoraadiga ah, qasab ma ahan in uu dadka oo dhan raali galiyo, sidaas darteed dhib ma laha oo waa eey dulqaadan doonaan, koox ka mid ah soomaalida, hadeeey ku qanci waayaan doorashadiina soo socota ee jagada madax-weynaha ah.

Waxaan idinka rabi lahaa, in aad mid yeeshaan, wareega u horeeyba in aad codka ugu shubtaan qof aad isleedihiin waa u qalmaa maanta in uu Soomaali hogaanka u qabto oo ra`iisal wasaare baarlamaanka la shaqeeyn karo soo xuli doona, 139 xil-dhibaan oo kaliya aa ku fulin in eey isla gartaan, madax-weynahaas la dooran doono.

Xil-dhibaanoow, weey ku qurxoontahay in tiro cod aad iyo aad u badan uu ku soo baxo qofka aad madax-weyne noogu dooreeysaan, si aan, si fiican ugu ogaano in qofkaas uu yahay, mid aad iyo aad uga maqsuudeen oo ku tilmaanaan doono, qof aad wada shaqeeysi fiican yeelan doontaan hadaad tihiin golihii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

¤ Nin lagu Seexdoow Ha Seexan, Xil-baa, Sidaa ee Ha Seexan.

I may not agree with a word you say, but I shall defend unto my death your right to say it."
-- Voltaire (1694-1778)

Bile Jaamac ( Gaagaale)
Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2004

Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga kusaxiixan

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD