Shirka Soomaalida ee Muddada 24-ka bilood ah ka socda Mbgathi Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay oo ah doorashada Madaxweynaha maamuli doona Soomaaliya muddada 5-ta sano ah ee soo socota, waxaana lagu wadaa inay xafladda doorashadu ka dhacdo dalka Kenya maalinta Axadda ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-October-2004, iyadoo ay jagadaas isku soo sharraxeen in ka badan 70-xubnood ayaa haddana waxa uu baarlamaanka federalka Soomaaliya soo saaray shuruud uu ku xiray tartamayaasha taasoo ahayd in ruuxa musharraxa uu keeno laba kun oo Doollar ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada iyo inuu sidoo kale soo gudbiyo taariikh nololeedkiisa, waxaase nasiib u yeelatay inay ka soo baxaan shuruudahaas 28-musharrax oo iyagu u tartami doona Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo uu shalay ka baaqday inuu khubaddiisii akhriyo Mudane Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud, oo isagu buuxiyay shuruudihii lagu xiray, iyagoo la sheegay inuu ka tanaasulay doonistiisa jagada Madaxweynenimada Soomaaliya.
Waxaana musharraxiinta isugu soo haray doorashada jagada Madaxweynenimada ay magacyadoo kala yihiin sidan hoose ku cad:
1. C/laahi Yuusuf Axmed.
2. Xuseen Maxamed Caydiid
3. C/qaasim Salaad Xasan
4. C/laahi Axmed Caddow
5. Jeylaani Cali Kadiye
6. Maxamed Yaasiin Ismaaciil
7. Muuse Suudi Yalaxow
8. Eng. Maxamed Xuseen Caddow
9. C/raxmaan Jaamac Barre
10. Muumin Ibraahim Isaaq
11. Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)
12. C/qaadir Suufi (Muriidi Golf)
13. Xasan Max’ed Nuur Shaatiguduud
14. Sheekh Cumar Cabdiqaasim
15. Caasha Axmed Cabdalla
16. Cabdi Cusmaan (Kabareeto)
17. Jaamac Cali Jaamac
18. Jaamac Xassan Khaliif
19. Mahdi Abuukar Max’uud
20. Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
21. Max’ed Qanyare Afrax
22. Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo)
23. Cabdi Guuleed Max’ed
24. Cabdiraxmaan Cabdi waare
25. Cali C/llaahi Max’ed
26. Cali Cumar Xasan Guuleed
27. Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun)
28. Cusmaan Max’ed Faarax
Sidoo kale shirkii kan ka horreeyay ee lagu qabtay Tuulada Carte ee Dalka aynu dariska nahay ee Jabuuti ayaa waxaa isku soo sharraxay jagada Madaxweynenimada Soomaaliya xubno ay tiradoodu gaarayso 45-xubnood iyadoo shuruuidhii looga baahnaa ay soo buuxiyeen 29-xubnood oo qura, halka 16-xubnood ay soo buuxin waayeen shuruudihii lagu xiray Shirka, xubnihii isku soo taagay jagadaan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:
1. Axmed Ibraahim Maxamed
2. Axmed Jaamac Ibraahim
3. Bile Rafle Guuleed
4. Cabdi Cusmaan Faarax
5. Cabdi Guuleed Maxamed
6. Cabdi Maxamed Fiidoow
7. C/casiis Sheekh Cusmaan Cabdi
8. Cabdilaahi Axmed Caddow
9. Cabdilaahi Boqor Muuse
10.Cabdilaahi Cosoble Siyaad
11.Cabdiqaasim Salaad Xasan
12.Cali Khaliif Galaydh
13.Cali Mahdi Maxamed
14.Cumar Xaaji Maxamed Xirsi
15.Cusman Maxamed Jeele
16.Ibraahim Xasan Xaaji Jimcaale
17.Maxamed Aamiin Cabdulaahi
18.Max’ed Cali Xaashi Max’ud
19.Maxamed Isaaq Idow
20.Max’ed Max’ud Guuleed (Gacma-dheere)
21.Maxamed Sheekh Gabyow
22.Maxamuud Cabdi Gaad
23.Maxamuud Maxamed Guuleed
24.Maxamed Sheekh Cusmaan
25.Shire Suudi Maxamuud
26.Warsame Cabdi Shirwac
27.Xasan Abshir Faarax
28.Xasan Max’ed Nuur (Shaati-guduud)
29.Xuseen Ceellaabe Faahiye
Xubnahaan ayaa waxaa soo wada xaadireen madashii ay ka dhacaysay Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, marka laga reebo 5-xubnood oo iyagu soo xaadiri waayay Madasha shirka, waxayna xildibaannadii noqdeen 24-xildhibaan, iyadoo intii aysan billaaban doorashada ay ka tanaasuleen hamigoodii ahaa inay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya xubno tiradoodu gaarayso 8-xubnood, iyagoo cudurdaar uga dhigay inay badan yihiin ragga isku soo sharraxaya Jagadan, waxaana 8-deeddaas xubnood ee tanaasushay ay Magacyadoodu kala yihiin:
1. Bile Rafle Guuleed
2. Cabdi Guuleed Maxamed
3. Cabdi Maxamed Fiidow
4. Cabdilaahi Cosoble Siyaad
5. Cumar Xaaji Maxamed Xirsi
6. Maxamed Cali Xaashi Maxamuud
7. Maxamed Sheekh Cusmaan
8. Xasan Abshir Faarax
Waxaana isku soo haray 16-xubnood oo qura iyadoo xubnahaasina ay u tartameen jagada Madaxweynenimada Soomaaliya oo uu markii dambe ku soo baxay Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxay magacyadoodu iyo weliba codadkii ay heleen qaybtii koowaad ee doorashooyinka kala ahaayeen sidan:
# |
Magaca Murasharraxa |
Codka |
1 |
Axmad Ibraahim Maxamad |
02 |
2 |
Cabdi Cusmaan Faarax |
02 |
3 |
Cabdicasiis Sheekh Cusmaan Cabdi |
00 |
4 |
Cabdilaahi Axmad Caddow |
83 |
5 |
Cabdiqaasim Salaad Xasan |
78 |
6 |
Cali Khaliif Galaydh |
35 |
7 |
Cali Mahdi Maxamad |
12 |
8 |
Cusmaan Maxamad Jeele |
03 |
9 |
Ibraahim Xasan Cali Jimcaale |
00 |
10 |
Maxamad Isaaq Idow |
00 |
11 |
Maxamad Maxamuud Guuleed |
03 |
12 |
Maxamad Sheekh Gabyow |
02 |
13 |
Maxamuud Cabdi Gaab |
03 |
14 |
Maxamuud Maxamad Guuleed |
08 |
15 |
Warsame Cabdi Shirwac |
00 |
16 |
Xuseen Ceellaabe Faahiye |
04 |
Wareegii kan xiray ayaa waxaa ka tanaasulay inay tartanka sii wataan dhammaan tartamayaashii marka laga reebo C/qaasim Salaad Xasan, C/llaahi Axmed Caddow iyo Cali Khaliif Galayr, waxayna codadka u kala heleen sidan hoos ku cad:
# |
Magaca Murasharraxa |
Codka |
1 |
C/qaasim Salaad Xasan |
124 |
2 |
C/llaahi Axmed Caddow |
110 |
3 |
Cali Khaliif Galaydh |
002 |
Qaybtii saddexaad ee doorashada waxaa isaga hor yimid labadii nin ee ugu horreeyay labadii qaybood ee hore C/qaasim Salaad Xasan iyo C/llaahi Axmed Caddow waxayna codadkii u kala heleen sidan:
# |
Magaca Murasharraxa |
Codka |
1 |
Cabdiqaasim Salaad Xasan |
145 |
2 |
C/llaahi Axmed Caddow |
92 |
Waxaana ku soo baxay doorashada C/qaasim Salaad Xasan oo noqday madaxweynihii KMG-ka ahaa ee mudadii 3-da sano ahayd ee aynu soo dhaafnay.
Doorashadaan ayaa waxaa codkooda dhiibtay oo soo xaadiray xildhibaannadii golaha baarlamaanka tiro gaaraysa 238-xubnood iyadoo ay ka maqnaayeen madasha shirka 7-xubnood oo qura, waxa uuna baarlamaanku ka koobnaa 245-xubnood.
»XILKA BADBAADADA SHACABKA SOOMALIYEED WUXUU..