WEERAR
LALA BEEGSADAY YUHUUD KU RAXAYSANAYSAY XEEBTA
BEDDA CAS EE DALKA MASA
VIDEO:::
DAAWO HALKAN...... [cbc]
TABA MASAR:
Seddex Jasiiradood oo loogu tallo-gellay in
wakhtiga fasaxyada lagu raaxaysto kuna yaalla
xeebta bedda cas xuduudka ay wadaagaan Israel
iyo Masar, ayaa mar dhawayd saacadda Afrikada
Beri markay tilmaamaysay 10:32 Subaxnimo waxaa
lala beegsaday qaraxyo tallan taali ah, waxaana
sida wararka ugu danbeeyey ee wakaaladaha
Wararku xaqiijinayaan ku naf waayey 26 Qof,
halka dhaawacu kor u dhaafayo boqol qof.

Seddexda
Jasiiradood oo ku caan ahaa in dadka yuhuudu ay
usoo dalxiis tagaan, ayaa seddexdii maalmood ee
ugu danbaysay waxaa si xad dhaaf ah uga soo
gudbaayey xuduudka Labada dal ee Israel iyo
Masar yuhuud dalxisayaal ah oo doonaayey inay
wakhtigooga ku qaatan, Wararka ka soo baxaya
Jasiiradda Taba oo kulmisa seddex jasiiradood oo
yar-yar oo ku caan ah hudheelada lagu raaxaysto,
goobaha lagu khamaaro iyo dhul xeebeed loo
dalxiis tago ayaa sheegaya in laba gaadhi oo
kuwa xamuulka ah oo u shaqaynaayey
jasiiradahaasi lagu soo rakibay aalado qarxa,
laguna soo hagay qaybta khamaarka ee Hotel-ka
HILTON, halkaasi oo qaraxii koobaad ka dhacay,
halka qarax labaad ka dhacay xeebta TABA oo
wakhtigaasi ay ku sugnaayeen boqolaal Yuhuud iyo
masaari dalxisayaal ahaa, halka qarax
seddexaadna uu cuskaday qaybaha dabaasha ee
Hotel-ka Hilton.
Wasiirka
Gaashandhiga ee Israel Zeev Boim ayaa markiiba
wuxuu shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Televiv
isaga oo ku eedeyey qaraxyadani Ururka Alqaacida,
wuxuu wasiirku yidhi Qaraxyadani oo kale waxaa
ay ku caan-yahiin Al-qaacida, waayo ayuu yidhi "Qaraxyada
tallan taaliga ah waxaa keliya awood u leh inay
qaadan ururka Alqaacida, markaynu tusaale ka soo
qaadano weerarkii loo gaystay safaaradahii
maraykanka ee Nairobi iyo Darasalam, Weeraradii
tallan taaliga ahaa ee loo gaystay bangiga HSBC
iyo safaaradda Ingiriiska ee Magaalada Istanbul
ee dalka turkiga, weeraradii 11 september ee
dalka maraykanka ee sida tallan taaliga ah loogu
qaaday xaruntii ganacsiga adduunka iyo pentagon,
waxaa cad inay markanna tahay markii ugu
horaysay ee ay fursad u helaan dadka yuhuudda
ah", Wasiirku wuxuu kale oo sheegay inaanu
meesha ka saaraynin weerarada naftooda
hurayaasha reer Phalestine.
dhinaca kale
Maamulka Jasiiradda Taba ee dalka masar ayaa
wada dedaal lagu baadhayo qaraxyadani, ma jirto
wax hadal ah oo ka soo baxay xagga Qaahira.
Waxaa
Soo Uruuriyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com