SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

Doorashadii Ururka ardayda Gobolka Bari oo la Qabtay



Axmad yaasiin

Muna xuseen Gacayte

Kuwani Waaxubnahii loo doortay Gudiga Go'aan Gaarista

Kuwani waa xubna kamida ururka oo codaynaya

Maanta oo ay taariikhdu tahay   08/10/2004  ayaa waxaa ururka Ardayda Gobalka Bari  oo xaruntoodu tahay magaalada Boosaaso  ay usuura gashay inay  doortaan Gudoomiya cusub iyo Gudiga Go,aan gaarista, kadib markii  xafladaas  doorashada ay bilaabatay subaxnimadii hore ayaa waxaa ka soo Qayb galay Goobjoogayaal iyo Dad aad u xiisaynayay Doorashadaa.

Kadib saacadu markii ay ahayd 8:30 Subaxnimo ayaa waxaa bilaabmay doorashadii  gudoomiyaha iyo gudiga go aan gaarista ayadoo ay soo dooranayaan Xubnaha Gudiga Sare ee Ururka, Waxaa isku soo Sharaxay Gudoomiyaha Ururka Axmed Yaasiin salax iyo Muna Xuseen Gacayte Labadaa Xubnood oo ka mid ah Ururka ayaa kala Helay Codad Dhan Axmed Yaasiin saalax 20 Cod iyo Muna Xuseen Gacayte 15 Cod halakaa ayaa waxaa Gudoomiye Nimadii ku guulaystay Axmed Yaasiin oo la sheegay in uu hayn doono Mudo Lix Bilooda ayadoo ay hore u ahaan jirtay Mudo Sanada taas oo ka liftay Markii la sameeyay dastuur Cusub Doorashada ka hor oo ay u Codeeyeen Dhamaan Xubnaha Ururka.

Doorashadii Gudoomiyaha kadib ayaa waxaa aygana la doortay Gudiga Go,aan gaarista (B.O.D) oo loo doortay Shan xubnood kuwaas oo iyagu iska soo doortay Gudoomiyaha Gudigaas una doortay Cabdisalaan Bashiir cabdisalaan.

Xafladaa Doorashda Kadib ayaa Halkaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Cusub Axmed Yaasiin Saalax oo Xusay Xilka loo doortay Culayskiisa iyo Mas,uuliyada uu isku soo Sharaxay aysan ahayn iska doon kaliya ee aan doonayo in aan dhibaatooyinka jira wax ka qabto ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub, ayaguna waxaa halkaa ka hadlay Xubnaha Ururka oo balan Qaaday in ay la Shaqayn doonaan Gudoomiyaha ayna tahay Waajib Qof walba saran.

Abdifatah Jama Mire
Bosaso


Puntland Peace and Life Association
PUNLASS

Phone # +92-21-4522740  Fax # +92-21-4522741
E-mail punlass@yahoo.com

Karachi –Pakastan 

Puntland Peace and life Association (PUNLASS) Oo Xafiis Cusub Ka Furtay Dalka Pakistan Karachi

            Assaska  iyo jirtanka Umadkasta waxaa saldig u ah horumarnta bulshada si ay u helaan Nabad Warta , Nolol iyo Daryeel . 

          Hadaba waa markii ugu horeysay ee ay ka curato Guud ahaan Gayiga Puntland iyo Dunidaba  Urur Goboleed la magac baxay Puntaldn Peace and Live Association (PUNLASS) , Urur Gobleedkan ayaa waxaa la assay Dabyaqadii sandkii aynu soo dhafnay ee tariikhdu ku adanayd October –30-2003,Waxana lagu asaasay Casumuda Dhaqalaha ee Puntland (Bossaso City). 

          Ururkan oo Aqoonsi Buuxa ka haysta Mamul Goboleedka Puntland  iyo Hayadaha  Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland , iyo Gobolada kale ee somaliya. 

          Sidookale Biloowgii sandkan aynu ku jiro ayaa Urur Gobleedku hindisay inuu fidiyo Xafiisyo laameedyo (Branch Offices)  madama ay dad badan oo u dhashay Puntland ay ku noolyihiin dalka dibadiisa ayna jirto  Bahi farabadan oo loo qabo PUNLASS. 

          Maantay oo ay Tariikhdu ku adantahay 04-10-2004 ayaa albaabada loo furay xafiis laameed uu ku leeyahay Ururgoboleedka PUNLASS Dalka Pakistan Magalada Karachi, Madaxa Xafiiska PUNLASS Eng . Mubbarak Ibrahim Said oo mantay shir ku qabtay Xafiiskiisa ayaa u sheegay dadka reer Puntland in looga bahan yahay isku xirnaansho si ay u gaaraan Horumar iyo Wax qabad mira dhal leh , waxa uu Eng. Mubbarak si gar ah ula hadalay Ardayda Wax ka barta Dalka Pakistan oo uu ku shegay in yihiin Kuwa lag doonayo inay Masuul ka ahadaan Nabada Iyo Hurmarka Puntland iyo Guud ahaan Soomaliya. Sidoo kale Mubbarak waxuu si gar ah ugu Mahad celiyey Odaysha, Waxgardka , Culumaa u diinka , Aqoonyahanka , Dhalanyada iyo Haweenkaba oo si Qurxoon uga soo qaybgalay kulankii Mantay. 

          Sidoo kale kulankaas manty waxaa ka hadalay Dr Hassan Said  oo hadalo wano iyo talo soo jeedin ah ka jeediyey halkaas  Dr. Hassan oo carbka ku adkeeyey wad jir ka iyo Waxqabdka oo uu ku sheegay inay wada socdaan loona bahanyhay in laga faa’iidaysto. Dhanka kale waxaa ka hdalay Sheekh Abdinasir Mohamoud oo isaguna hadalo qiiro leh ka soo jeediyey goobtaas ,  Sheekh Abdinasir waxuu mahad balar u jediyey Madaxda Ururka oo uu ku sheegay inay yihiin Kuwo ka sanqariyey Jirtanka iyo isku duubnata dadka reer puntland ,   

          Kulanka mantay oo aahaa kii ugu horeyey ee ay qabtaan PUNLASS iyada oo in muda ahaba la dhowrayey oo dhamaan dadka reer Puntland ee ku Nool Pakistan ay si aad ah u soo dhoweeyeen ayaa mantay ku soo gabagabooy si deganasho iyo Qurxooni ay ku dhehaneeyd. 

          Ma ahan markii ugu horeysay ee Puntland Peace And Life Asscociation (PUNLASS) ay xafiis ku yeeshaan dadlka dibadiisa iyada oo harankii sanadkan ka furtay xafiisyo  dadlka kala ah UK , USA, CANADA ,SWEDEN , NORWAY , MALYSIA, YAMAN IYO INDIA  

The President Office
Phone # +92-21-4522740  Fax # +92-21-4522741
Mob : +92-3002954509
Khi - Pak

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2004


Bishii Febraayo ee 2001 ayey ahayd markii Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar  iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ahaa guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey... [Eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabdulqaadir]. BBC-da laanteed afka Soomaaliga waxaa la asaasay 18kii Luuliyo, 1957kii xilligaas oo Soomaalida oo dhammi ku hoos noolaayeen gumeysi.


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan


BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]

Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Xorrnimo doonka ah ee Ogaadeenya Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD