SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

  • DANJIRAHA JARMALKA EE KENYA OO SHEEGAY IN DOWLADDIISU TAAGEERSAN TAHAY DADAALKA LOOGU JIRO NABADDA SOOMAALIYA 
  • MUSHARAXIINTA AAD LOOGA YAQAAN SOOMAALIYA OO MAANTA KA HADLAY BARNAAMIJKOODA SIYAASADEED

DANJIRAHA JARMALKA EE KENYA OO SHEEGAY IN DOWLADDIISU TAAGEERSAN TAHAY DADAALKA LOOGU JIRO NABADDA SOOMAALIYA 

Danjiraha xukuumadda Jarmalka u fadhiya dalka Kenya Mudane Bernd Braun ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageersan tahay dadaalka loogu jiro nabad ka aslaaxda dalka Soomaaliya, wuxuuna dowladda Kenya ku ammaanay kaalinta ay ka ciyaareyso taabba gelinta xasillooni ka dhalata dalalka Soomaaliya iyo Suudaan, kuwaas oo uu sheegay in dib u soo kabashada dhaqaalahooda uu ku xiran yahay nabadgelyadooda.

Danjiraha wuxuu warkaan oo qoraal ah ku soo beegay xuska dabbaaldegga 14 guuradii ka soo wareegtay markii ay midoobeen labadii Jarmal ee la kala oran jirey Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Jarmalka.

Waa maalin weyn oo xusuus badan, qaddarinteedana kuma koobna oo keliya Jarmalka, balse waxaa la wadaaga dalal kale sida kenya oo rafiiq nala ah, xiriirka aan la leenahayna uu sii socon doono ilaa saaxiibtinimo hoose, Jarmalkuna wuxuu qaaday tillaabooyin siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqan oo lagu horumarinayo dalka Kenya” ayuu yiri danjiraha oo intaas raaciyey in booqashadii uu Chancellor-ka Jarmalka Gerhard Schroder ku tagay Kenya bishii Jannaayo ee sanadkaan ay ahayd mid sii iftiimisay xiriirka labada dal, waxayna kordhisay danaha Jarmalka uu ka leeyahay kenya.

Jarmalka iyo Kenya waxay wadaagaan qiimeynta nabadda, degganaanta dimoqraadiyadda Caalamka, Sharciga, Qiimeynta Xuquuqda Aadamiga, aqoonsiga mabaadii’da sharciyada Qaramada Midoobay iyo ciribtirka fakhriga” ayuu yiri danjiraha.

Xaflad lagu maamuusayey munaasibaddaas ayaa dorraat lagu qabtay safaaradda Jarmalku ku leeyahay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki, Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda Kenya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Ururka Saaxiibtinimada Jarmalka iyo Soomaaliya isla markaana safaaradda Jarmalka ee Nayroobi wakiilka uga ah shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Mbagathi Mudane Ibraahim Cali Xasan iyo danjirayaasha dalalka dibadda u joga Nayroobi

MUSHARAXIINTA AAD LOOGA YAQAAN SOOMAALIYA OO MAANTA KA HADLAY BARNAAMIJKOODA SIYAASADEED

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Maanta waxa ay aheed maalinkii sadaxaad oo ay hadlayeen musharaxiinta soomaaliyeed ee u taagan xilka madaxwaynaha soomaaliya.

Waxaa sida caadiga ah shirka baarlamaanka soomaaliyeed Shir gudoomiya Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Adan, 

Hadaba waxaa halkaasi ka hadlay Hogaamiyaasha ama Musharaxiinta kala ah:  

  • Cabdi Cusmaan Kabreeto
  • Cabdulaahi Yuusuf Axmed
  • Cali Cumar Xasan Guuled
  • Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan Madaxwaynaha DKG
  • Jaamac Cali Jaamac
  • Jaylaani Cali Kadiye
  • Mahdi Abuukar
  • Maxamed Cumar Maxameddheere
  • Maxamed Qanyare Afrax
  • Maxamed Xasan Cadow
  • Muuse Suudi Yalaxow
  • Xusseen Maxamed Caydiid

Dhamaan mas'u liyiintan waxa ay soo ban dhigeen ajandahooda siyaasadeed ee ku aadan sidii ay u maarayn lahaayeen ama u maamuli lahaayeen hadaa shacabka Soomaaliyeed ku aamino xilka madaxwayne nimada Soomaaliya.

Ragani waxa ay dhamaantood sheegeen in ay wax ka qaban doonaan Arimaha Amaanka Dhaqaaloaha Caafimaadka Wax barashada iyo Wax ka qabashada arimaha Hooyada iyo Dhalaanka. 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u balamay in ay isku soo laabtaan Maalinka Sabtida Fooda Nagu Soo Haysa. 

Xilibaano badan waxa ay is waydiinayaan hadii lagu guulaysto in Raga manta hadlay ay ka dhabeeyaan amuurta ay sheegeen oo ah in hadii la doorto ay ku dadaali doonaan midnimada umada soomaaliyed iyo horumarkeeda hadii aan la doorana ay la shaqayn doonaan cidii la doorto. 

Hadaba balan qaadkaa oo ay ka sheegeen goob fagaara ah ayaa ah mid taariikhda galaya waxaadna moodaa in hada xaalada Soomaalidu ka soo rayneeyso.

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2004

Al-Xaaji Yalaxow oo Casho Sharaf u Sameeyey 500 Qof oo ay Ka Mid Yihiin Xildhibaano
iyo aqoonyahanno, siyaasiyiin.. Guji... Oct 7

Maxkamad caddeysay siduu u dhintay nin Soomaali ah oo lagu dilay Belgium
Ninkii marxuumka daaqada ka tuuray waa.
Guji..


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD