AL XAAJ MUUSE SUUDI YALAXOW OO CASHO SHARAF U
SAMEEYAY KU DHAWAAD 500 OO ISKUGU JIRA XIDHIBAANO, AQOONYAHANO,
SIYAASIYIIN IYO WAX GARAD
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Xafladaas
waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad 500 oo qofood oo isugu jiray
Xilidhibaano, siyaasiyiin, aqoon yahano iyo culumu'aa u diin, oday
dhaqameedyo iyo Salaadiinta ,
Dhinaca
kale xafladani waxa ay uga duwaneed xafladihii kale iyadoo ay goob joog
ka ahaayeen Hogaamiyaasha siyaasada soomaalida intooda badan sida:
Cismaan
Xasan Cali Caato, Xuseen Maxamed Caydiid, C/casiis Sh Yuusuf, Xasan
Abshir Faarax, Loxos, Moowliid Macaane Maxamuud, Sh Jaamac Xaaji Xuseen,
Waldiiro, Faarax Cadow Wehl iyo Sindiko oo musharaxa iyo runtii mas uu
liyiin aad u badan o oo aana ku soo koo bi Karin waxaa kaloo joogay inta
Badan Xubnaha Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed Rag iyo Dumar,
Waxaa
goobta ka hadlay Sh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Xidhibaan soomaaliyeed oo
isagu ka mid ahaa xidhibaanadii 1960kii ayaa mahad balaaran u celiyay
Xidhibaanada soomaaliyeed, dhinaca kale waxa goobta ka hadlay Waldiiri
oo isagu ah Afayeenka badbaadada qaranka Soomaaliyeed waxa uuna ku soo
Dhaweeyay Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo warkiisa Sidan,
Al
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow waxa uu mahad Balaaran u celiyay Beesha
Caalamaka, IGAD Jaamacada Carabta, Midoowga Afrika iyo Xidhibaanadii
Soomaaliyeed Ee Goobta soo camiray, dhinaca Kalle Al Xaaji Muuse Suudi
Yalaxow waxa uu mahad Gaara u celiyay Saxaafada oo aad moodo in uu si
gaara mahad ugu celinayay Saxaafada iyo dhamaan Salaadiintii
Soomaaliyeed ee Goobta Timid, Al Xaaj Muuse Suudi waxa uu sheegay kaliya
in uu doonayo in uu mahad u celiyo mas uu liyiinta Goobta is kugu timid
balse Barnaamishkiisa Siyaasadeed noqon Doono Maalinka Maanta ah isagoo
sheegay in isagu yahay Musharax Madaxwaynme.
Runtii
Xaaji Muuse Suude Yalaxo ayaa u muqday musharax isku kal soon oo aan
ka ganbaneen in uu guulaysan karo, Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow Waxaa
Garbihiisa Fadhiyay Cusmaan Xasan Cali Caato, Xuseen Maxamed Caydiid,
Loxos, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cismaan Maye, Yuusuf Dheeg. Marti
Sharafta Kalle ee shirka ka soo qayb gashay iyadu waxa ay buux
dhaafiyeen qaybaha Hoteelka oo ay u fadhiyeen Kooxkoox iyo intii is
Kaftan taqaanaba Miisas isku dhaw ku Caweeynayeen
Hadaba
waxaa horay loo qaban Jiray Casho Sharaf Qado Sharaf laakiin midani waxa
ay uga duwantahay ku wii hore midaan waxaa soo Camiray Hogaamiyaashii
Siyaasada ee Soomaalida oo iyagu hada ah Xidhibaanada Qaran ee
Soomaalida
WQ.axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi