Jinni
Shaafici
Xassan Maxamed
Gothenburg Sweden
mi99mosh@chl.chalmers.se
Xasuusin
kooban!:
Qoraalkaan qof ama qabiil ama qaaruun gaar ah lagu xaman mayo, ee waa dan
guud.
Inta aynaan jinniyada ka faalloon ayeynu ereyada ay
jinka iyo insigu in loo adeegsado ku kala duwan yihiin macnaynaynaa, si
looga faa’iidaysto luqadda jinka u gaarka ah. Dadka dhaddig iyo dadka lab
waxaa jira erey ka dhexeeya oo ah ”qof”, kaas oo xagga geela la mid ah
”tulud”, xagga xoolaha oo dhanna la mid ah ”neef”. Xagga jinka markii loo
leexdo waxaa jira magac jinka dhaddig iyo jinka labba lagu ismo, oo ah
”nabsi”, isla markaas waxaa jira magac dhaddigga jinka u gaar ah oo ah
”bilis” iyo magac labka jinka u gooni oo ah ”joohaar”.
Haddaba daraasaddaan jinka ku saabsan dhexdeeda haddii
lagu arko ”nabsi” waxaa looga jeedaa ruux jin ah, isla markaas ”bilis” waa
jin dhaddig oo sida badan xaas ama garoob ah ama la guursan karo oo ay
naasihii u soo baxeen, laakiin jinka gabdhihiisa yaryar oo foodleyada ah
laftooda waxaa lagu magacaabaa ”bilis” oo magac u gooni ah ma ay laha. Jinka
labka ah waxaa la yiraahdaa ”joohaar”, oo markii uu sirqoobo ama uu duqoobo
loo yaqaan ”hunbul”.
Dadka iyo jinku
waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah in uu jinka miisaankiisu
aad u fudud yahay markii kor loo qaado ama uu miisaan ku istaago. Insiga qof
aad u culus oo uu miisaankiisu gaaro labo boqol oo kiilo haddii dheerarkiisa
iyo ballaarkiisa la cabbiro, oo dabadeed ”nabsi” jinka ka mid ah oo qofkaas
dhinac kasta ka la’eg miisaan la saaro waxaa laga yaabaa in uu nabsigaas
miisaankiisu noqdo ugu badnaan nus kiilo!
Haddaba cilmi
ahaan markii loo baaray sababta uu miisaanka jinku u yar yahay waxaa la
ogaadey in uu culays kasta sabab u yahay dhulku, oo uu dhulku wax kasta oo
aan jinka ahayn hoos u jiito, dabadeedna uu miisaankuba yahay jiidashadii
dhulka, taas oo uu macneheedu yahay in uu dhulku yahay waxa qiimeeya culays
walba, oo shay kastaa uu helo intii uu dhulku u garto ee uusan asagu xor u
ahayn in uu miisaankiisa si xor ah u maamusho, taas oo caddaynaysa in uu
dhulku keligitaliye yahay oo uu ka daran yahay jeneraal Maxamed Siyaad
Barre.
Jinku wuxuu
haystaa xorriyad aysan asaga iyo dhulku xagga miisaanka isku saqajaamin, oo
culayskiisa waxaa maamusha maskaxdiisa. Haddaba muxuu yahay culayska yar oo
la dareemo markii ”nabsi” jinka ka mid ah kor loo qaado iyo miisaanka yar oo
markii uu ”nabsi” miisaan ku istaago ku qormaa?
Maaddaama uu
jinku xor yahay wuxuu markii kor loo qaado isu yeelaa xoogaa miisaan ah oo
uu dadka ku maaweeliyo, ee haddii uu rabo wuxuu miisaankiisa ka dhigi lahaa
eber ama inta uu hal malyan oo kiilo iska dhigo ayaa qofkii qaaday ama
miisaankii uu fuulay ayaga oo daqiiq budaysan ah la arki lahaa!
Insiga iyo
dhulku waa isku mid oo markii ay dhintaan dhulka ayey dadku galaan, isla
markaas inta ay nool yihiin waxay ku nool yihiin biyaha iyo baadka dhulka.
Intii aysan insigu dhalan xataa dhulka ayey ka mid ahaayeen, oo waxaa laga
abuuray wasakh uu dhulka tufay, dabadeedna waxay ku koreen dhidid dhulka ka
soo fufay. Sidaas darteed ayuu dhulku u diidey in uu xoreeyo dadka, maxaa
yeelay iskuma ay filna oo asaga ayaa gogol iyo gasiin u ah ama hoyaad iyo
hunguri u ah ama akal iyo arradtir u ah.
Dadku waxay
jinniga kaga horreeyaan xagga ganacsiga, oo dadka badeecaddooda waxaa la
isugu gudbiyaa maraakiib iyo diyaarado waayeyn, iyo weliba qalab badan oo
dhulka hoostiisa iyo korkiisa mara, laakiin jinnigu weli waa garabrarato oo
wuxuu badeecadaha isugu gudbiyaa in uu tunka ku xammaalo ama uu awr jin ama
dibiyo jin ku rarto.
Inta aynaan
gaadiidka jinka ka faalloon ayeynu xoogaa ka taabanaynaa in uu jinku
gaadiidka insiga si qarsoodi ah ugu rarto alaab aan loo jeedin, ayna racaan
nabsiyo badan oo rakaab ahi. Tusaale ahaan tareennada dhulka hoostiisa mara
waxaa raaca jinniyo fara badan oo kuraasta bannaan ku fariista ama
tareennada dushooda sare fuula, maaddaama aysan qabowga iyo kulaylka midna
xanuujin jinka, isla markaas uusan ogsojiin u baahnayn.
Maraakiib badan
oo qaaradaha u kala goosha ayaa waxaa si dhuumasho ah loogu rartaa
alaabooyin qaali ah, oo aysan dadku u jeedin, waxaana alaabooyinkaas ugu
daban waxyaalaha ay dumarka jinku isku qurxiyaan iyo jeegag iyo tanuug ay ka
buuxaan oodkac iyo sixin laga keenay xoolaha jinka ku dhaqan qaaradaha uu ku
badan yahay jinka xooldhaqatada ahi. Xataa maraakiib ay insigu dagaal u
samaysteen buu jinku wuxuu ku fushadaa arrimo ganacsi.
Jinka dhexdiisa
lagama yaqaan alaabo koontarabbaan ah, oo daroogooyinka ugu qaalisan baa
waxaa lagu gadaa suuqyo caalami ah oo jinka ganacsiyadiisa ugu waaweyn lagu
kala fushado, waxaana daroogooyinka ugu muhiisan lagu xanbaaraa diyaaradaha
ugu waaweyn oo u kala goosha qaaradaha insiga, isla markaas dhagxanta
dheemmanta iyo amaroolka oo insiga suuqyadiisa qaaliga ka ah waxaa dalalka
saboolka ka xada ganacsatada ugu waaweyn ee jinniga.
Maddaama aysan
daroogada iyo macdantu suuqyada jinka qaali ka ahayn ayey jinniyada qaarkood
waxay xariir ganacsi la leeyihiin insiga qaarkood, waxaana alaabta kastamada
ka gudbiya khubaro jin ah, oo lacag yar ka qaata dad maafiyo ah oo sida
badan ka soo jeeda qaaradaha Yurub iyo Ameerika.
Badeecadaha
dadka dhexdooda suuqa madow lagu kala gato waxaa si sahlan u kala gudbin
kara jinniyo aad galgal u ah, oo og meel kasta oo laga heli karo
daroogooyinka culculus iyo macdanta fiicfiican, waxaana isla jinniyadaas loo
adeegsan karaa in ay soo jaajuusaan xeryaha ciidamada insiga iyo warshadaha
waaweyn, iyo weliba ganacsiyada halista ah.
”Joohaar” da’
weyn oo ka mid ahaa nabsiyo khubaro ahaa oo loo adeegsadey sirihii
ciidamadii midowgii Sofyeeti ayaa wuxuu rag saaxiibbadiis ah u sheegay in ay
fududdahay in insiga la jaajuuso, laakiin aysan jinniyadu ogayn sidii ay
insiga dhexdiisa ugaga shaqaysan lahaayeen xirfadda jaajuusnimada oo ah
munaafaqnimada ugu weyn oo adduunka ka jirta.
Jinnigu xagga
lacagaha waa uu ka ilbaxsan yahay insiga oo doollarka maraykanku suuqyada
jinka wuxuu la mid yahay lacagaha jinka kuwa ugu caalamisan sida lacagta
”gumaar” loo yaqaan oo wax lagu kala gato inta badan suuqyada jinka. Sidaas
awgeed lacagaha uu jinku ku helo jaajuusnimada iyo suuqa madow waxaa marka
hore lagu mulkiyaa boorsooyin yaryar oo kuwa dukumentiga xoogaa ka gudo
ballaaran, dabadeedna waxaa toos loola abbaaraa bangiyada jinka.
Ganacsiga aan
tuugaysiga ahayn oo aan insiga xariirka la lahayn waxay jinku ka mutaan
dhibaatooyin badan, oo badaha waxaa lagaga gudbiyaa in uu la duulo nabsi
xoog badan oo jinka ka mid ah, wuxuuna ku nastaa jasiiradaha fogfog. Sanad
kasta waxaa la waayaa kumannaan nabsi oo badeeco ula kala duulay qaaradaha
jinka. Sida badan nabsiyada badaha korkooda duulaa waa joohaarro, laakiin
waxaa mudooyinkaan danbe soo badanay biliso qararaf ah oo la duula alaabo
qaali ah.
Awrta jinka
lafteedu waxay duuli karaan xoogaa, oo badaha yaryar waxaa habeen kasta dul
mara awr shixnadan, laakiin dibiyada jinku aad uma ay duulaan, oo waxaa
lagaga ganacsadaa birriyada jinka, waxaana lagu xammaalaa qalabka dhismaha
magaalooyinka jinka iyo cuntooyinka uu jinku jecel yahay sida basasha iyo
gocosada.
Nabsi joohaar
ahaa oo sannaddii 2000 ku geeriyoodey madaxtooyada dalka Jibbuuti agteeda,
oo shil baabuur ku dhintay ayaa intii uusan dhiman waxaa laga duubay
barnaamij xiiso badnaa, oo geeridiisii ka dib laga soo daayey idaacad
caalamka jinka aad looga dhegaysto oo magaceeda la yiraahdo ”Dumaashi”, oo
ah warbaahin maqal iyo muuqaal isugu jirta.
Barnaamijku
wuxuu ku saabsanaa alaab nabsigaasi la duulay oo isugu jirtey qaar ay insi
lahaayeen iyo qayb ay jin lahaayeen, oo uu kula degey jasiirad yar oo ku
taal meel fog oo fog. Qorraxdu markii uu joohaarku jasiiradda ku degtey
waxay dhulka u jirtey labo tillaabo, oo casar gaaban bay ahayd. Markii uu
alaabtii dhulka dhigay buu istaagey, wuxuuna arkay hooskiisii oo asaga ka
dheer oo dhanka qorraxdu ka xigto ma aha ee dhinaca kale ku hurda caws
cagaaran korkiis.
Wuxuu damcay in
uu hooska hurdada ka toosiyo, oo uu madaxa ka taabto, wuxuuna gaari waayey
madaxii hooska. Cabbaar markii uu cayrinayey oo uu hubsaday in uusan hoosku
hurdin buu wuxuu damcay in uu qorraxda u tago si ay hooska isugu celiyaan
asaga iyo qorraxdu oo ay u qabtaan. Markii uu qorraxda xaggeeda cabbaar u
orday buu gadaal soo eegay si uu hooskii in uu libray iyo in kale u fiiriyo,
mase hooskii asaga ayuuba soo dabasocdaa. Inta uu farxay buu hooskii ku
laabtay oo wuxuu moodey in uu hoosku u soo hanuuney, laakiin hoosku daacad
ma uu ahayn oo asaga oo jiifa ayuu orday
Qorraxdii buu
canaantay oo wuxuu rabey in ay hooska madaxiisa soo istaagto si ay asaga iyo
qorraxdu u hareereeyaan hooska fallaagada ah, laakiin qorraxdu ayada oo
aamusan oo sii qaboobaysa ayey biyaha badda in ay quusto rabtey oo tartiib u
socotey.
Wuxuu soo
xasuustay in uu jasiiradda ugu degey in uu ku nasto ee uusan hadafkiisu
ahayn in uu hoos iyo qorrax uu midba dhinac u sii socdo ku dhexdaalo.
Cawshii uu hoosku dul jiifey buu asaguna ku jiifsaday, wuxuuna arkay hooskii
oo intii hore ka gaabtay oo hoostiisa yaal. Xanaaqii uu u qabey buu kula
dhacay, oo feer buu hooska madaxiisa ku daldalay, laakiin feerku wuxuu ku
dhacayey caws cidla ah oo malaha hoosku hoos jin buu ahaa!
Qorraxda
midadkeedii caddaa wuxuu noqday gaduud, waxaana badda ka sokaysa ku waal
wadda cad oo ay ayadu samaysay. Marba marka ka danbaysaa waxaa isku farxaya
ayada iyo badda. Jasiiradda iyo cirka mid waa uu cagaaran yahay, midna waa
baluug. Waa jasiirad dheer oo ay biyaha baddu habeen iyo maalin ku
hareeraysan yihiin, waxaana gees kasta ka garaaca biyo dhanaan oo
haraacinaya.
Markii ay insigu
tagaan magaalo jin waxaa ugu badan oo la dareemaa waa dugsi iyo udgoon
badan. Wax dhaxan ah ma leh magaalooyinka jinku oo jawiga qandac yar baa la
dareemaa, isla markaas kulayn diirran lama dareemo ee waa cimilo laddifan oo
uu jirku jeclaado in uusan weligiis ka baxin. Oogada dadku waxay cimilada
jinka u jeclaataa sida ay isu jecel yihiin habeenka iyo maalintu oo ay isu
dabasocdaan mar kasta ama ay isu jecel yihiin labo xiddigood oo habeen jumce
ah isku aroosay fillo gaduudan oo cirka dhexdiisa ku taal.
Markii uu qofku
jawiga jinka galo waxa uu dareemo qoraal iyo qawl laguma qeexi karo, ee
waxaa dareemi kara qofkii laga furo albaabbada jinka oo lagu soo dhaweeyo
magaalo midabbo badan oo ay leeyihiin walaaleheenna jin oo ah sokeeye uu
qalbigoogu jilicsan yahay. Soodhaweynta jinku wadnaha ayey ka timaaddaa,
waxaana laga dareemaa wadnaha la soodhaweeyey. Waxay deggan yihiin magaalo
ay biyeheedu ka duwan yihiin biyaha ay insigu isticmaalaan. Biyaha jinka
midabkoodu wuxuu u eg yahay qaansoroobaad, waana biyo aan qaboobayn oo aan
kululayn. Qabow iyo kulayl keli ah bay insigu yaqaanniin, laakiin jinnigu
waxyaalo badan buu yaqaan.
Markii biyaha
jinka la kabbado waxaa la dareemaa jacayl badan oo loo qabo in biyaha jinka
aan afka laga qaadin, waxaana indhaha xirribohooda qoysa ilmo jacayl oo uu
wadnuhu u qabo in uu magaalada jinka sii joogo. In uu weheshado walaalaha
jinka ah oo ayaguna jecel uu la joogo, oo biyaha macaan ku keena qof kasta
oo martisharaf u ah.
Carrabka,
maskaxda iyo qalbiga saddexduba waxay biyaha jinka u qabaan caashaq aysan
weligood dareemin, indhuhuna waxay ku doogsadaan midabka biyaha, sankuna
udgoonka biyaha jinka oo saxansaxada ka sii udgoon. Markii ay laabta qofka
biyaha jinku marayaan wuxuu jirka oo dhammi dareemaa in uu ka raystay
gurihii insiga oo uu muddada dheer ku harraadnaa.
Jinku markii
marti loo yahay ma uu yaqaan istutus, ee qalbi furan buu ku soo dhaweeyaa
walaalaha insiga ah oo ku soo daaley dadkii itustuska badnaa, oo wax kasta
ha lagaa sheego u samayn jirey. Wuxuu ka raysanayaa xaasidnimadii iyo
nacaybkii ka jirey magaalooyinka insiga. Qabyaalad ma leh, xan ma leh,
diradire ma leh, cuqdad ma leh, oo niyadda jinku waa saafi.
Marxabba,
marxabba! Qalbi furan, gacno furan iyo albaabbo furan. Wuxuu casuman yahay
magaalo jin, oo ay midabbadeedu badan yihiin. Midabbadii uu hore u yaqiin
waxaa ka badan kuwa laga yaqaan magaalada jinka oo uusan magacyadooda aqoon.
Indhuhu waxay u macaansanayaan fiirada midabbo aan gaduud ahay, oo aan madow
ahayn, oo aan caddaan ahayn. Lama macnayn karo ee waa la dareemi karaa,
waxaana dareemi kara qofkii booqsho gaaban ku gaara magaalada walaalihiisa
jinka ah.
Shaafici
Xassan Maxamed
Gothenburg Sweden
mi99mosh@chl.chalmers.se
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar u tahay
qoraaga kusaxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2004