Cad iyo Caano
( Ex. Nabad iyo Caano)
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Nin reer
baadiye ahaa baa mar wuxuu laasimay oo sanado badan agfadhiyey sheekh caalim
ahaa kuna xeeldheeraa axaadiista oo la oran jiray Sufyaan Binu Cuyeynah oo
ahaa shiikha shuyuukh badan ooy lahaayeen Bukhaar iyo Muslimba (RC).
Maalintii dambe ayaa reer baadiyihii goostay inuu dhulkiisii ku noqdo;
markuu sheekha sagootinayey baa sheekhii weydiiyey culuuntii iyo axaadiistii
uu dhagaysan jiray kuwooda cajab geliyey? Reer baadiyihii wuxuu xusay
seddexdan xaddiis:
-
Nabiga (SCW) oo mac-macaanka jeclaa.
-
In
qofka musaafirkaa ay u furantahay inuu Soonka cuntadiisa iska cuno oo
hadhow qalleeyo.
-
Haddii salaadda la aqiimo oo cashada/raashinka la soo dhigo, ku bilaaba
cashada/raashinka.
Seddexda
xaddiisba waa saxiix; labada dambe waxay tusayaan naxariista Ilaahay ee
addoomahiisa laakiin waxaa la yaab leh in ninkaasi, wuxuu axaadiis
qaadanayey kusoo koobay kuwa cunto la xiriira!
Soomaalidii hore waxay oran jireen nabad iyo caano. Adduunyada kale qaar
waxay dhahaan “bread and Peace” oo ah rooti iyo nabad. Haddaan saan u qoray
u kala horreeyaan waxay muujinaysaa in Soomaalidu ay nabadda ka hormariso
cuntada.
Inkastooy
ku fiicnayd in dhulka hooyo loogu yeero ama ugu yaraan Maandeeqdii gabadha
ahayd laakiin aan ka hadalno Hasha Maandeeq. Maxay hal-abuuradu u dhaheen:
aan maalno hasheenna Maandeeq? Inkastoo hal-abuuradu waxay rabaan sheegaan
laakiin oraahdaasi waxay dabo joogtaa: nabad iyo caano. Hal-abuurku wuxuu
leeyahay mar haddii caawa gumaysigii la cayrinayo nabad waan is haynaa marka
waa inaan helnaa caanihii Maandeeq. Hal-abuurku markaas wuxuu wax u cabbiray
sidii ugu saxsanayd. Hal-abuuruhu ma oran, hasha, cadkeenna noo gooya maxaa
yeelay cadow baa laga cad-goostaa ee marka nabad iyo xukun laga hadlayo lama
soo qaato wax dhiig iyo raq ah. Maahmaah Carbeed baa jirta oo Soomaali ahaan
ah: ninka wax waraabinaya (sooraya) wuxuu noqdaa kooda ugu dambeeya ee wax
cabba/cuna. Soomaalidu mid u dhow bay leedahay laakiin waxaa ka muuqata
kalsooni-darro iyo hunguri. Waxay dhahaan: qeybiyaa qad ama qoora weynaa.
Carabta oo xagga dagaalka iyo geela kala mid ahayd Soomaalida ma oran ninkii
hilbo qaybinaya ha noqdo kan hilibka ugu hor cuna; maxaa yeelay kalmadda
dhiigga waxaa la xusaa markii cadow iyo dagaal loo socdo laakiin markii
xukun iyo nabad laga hadlayo lama soo qaato. Cad iyo caano waxaa la xusaa
marka nala weydiiyo cunta Soomaalidu dhaqanka u lahayd. Dadka Ingiriiska
ayaa iyagun cunta ahaan uga dambeeyey “fish and chips” oo ah kalluun iyo
baradho.
Hal-abuurkii
kale markuu ka hadlayey dhibta Xabashidu ku hayso Soomaaliya wuxuu yiri:
-
Hashii gooddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
-
Inaan
gorayo-cawl uga tagaa waa wax soo guraye.
Mid kale wuxuu yiri:
-
Gowraca walaalkey Gaarhayoow gibilkey xanuunee Gaarhayoow.
Mid kale wuxuu
yiri:
Waxaan
xasuustaa dugsiyo Qur’aankii Soomaaliya oo qofkii macallinku u xanaaqo inta
uu arday kusoo diro oo loo duubo lagu qaadi jiray “WASH- SHAMSI WAT-TUXAAHAA”
ilaa hadda ma fahmin falsafaddii macallimiintu uga dan lahaayeen arrintaas
keliya waxaan ogahay inay Suuraddaas lagu xusay qisadii Hashii nabi Saalax
(CS) iyo kuwoodii ugu dhibka badnaa oo hashii feylo gooyeen. Hadday
macallimiintu sidaas ka wadeen haddee iyaga iyo ardayda wax qanjaruufanaysa
ayaa noqonaya “idinbacatha ashqaahaa”. Si kastaba ha ahaatee hashii la yiri:
aan maalno hasheenna Maandeeq waxaa Ilaahay u soo diray dowladdo iyo
dagaal-oogayaal feylo gooyey. Kaaga darane, oraahdii ahayd nabad iyo caano
waxaa bedelay cad iyo caano! Meeshii oo dhan cuntaa qaadatay.
Horay waxaa loo
yiri “kullu fitnah cinda geel” laakiin hadda waxaa lagu daray: kullu fitnah
cinda kursi”. Hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliyeed waxaan gowraca Maandeeq
ahayn iyo kursi waa laga kari la’yahay. Waxay soo saareen oraah kale oo ah:
cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey! Maxay u jirtay inay dhahaan haruubyahow
ku cabbay ama ku daadiyey? Waxay ka raadgadanayaan nabaddii oo waxaan dhiig
la daadsho ahayn uma muuqdo. Haddaad u rumaysan waydaan arka
hogaamiye-kooxeedyada oo leh aan ceeriin wax ku qaybsanno! Maxaa ceeriin
lagu qaybsadaa? Waa cad/hilib. Caqliga Soomaaliyeed ee caafimaadka qaba
wuxuu yaqaan (caano-qayb) oo loo isticmaalo iskaashi iyo wax-wada-qabsasho u
dhaxaysa dadka Soomaaliyeed iyo Hilbo-qayb/cad-goosasho oo ku wajahan cadow.
Oraahdii Carabta soo aragnay; sidoo kale adduunka kale ma xusaan raq markii
doorasho madaxweyne iyo nabad laga hadlayo; waxay meesha soo dhigtaan
doolshe “cake”. Waxay dhahaan rootigaas ama doolshahaan aan qaybsanno. Waxaa
jiray xisbi u tartamayey inuu qabto hogaanka Zambia sanadkii 1991; xisbiga
waxaa magaciisa loo soo gaabin jiray MMD waxaana hal-hays u ahayd “the hour
has come” oo ah waqtigii baa lasoo gaaray ama saacaddii baa timid.
Hogaamiyaha mucaaradkaas oo markaas ku guulaystay doorashadii madaxweynaha
oo Chiluba la oran jiray wuxuu dacaayad-doorasho ka dhigtay isagoo inta
rooti soo qabsaday dabadeedna mindi soo qaatay, dad saf u soo galaya, qofka
gabal rootiya u gooynaya oo siinaya.
Marka hadaynaan hal
magaceed deyneyn waxay ku fiicnayd in dadka madaxweynanimada u tartamayaa ay
dacaayad ka dhigtaan iyagoo Maandeeq haneedaya oo haruub-gaal haysta oo
carruur, dumar iyo rag saf uga soo jira u dhiibaya doobi caano ah oo xoori
afka ka joogto. Waa wax la fahmi karo inuusan qof tartamayaa haddeer sheegi
karin qofka kale ee hasha la lisaya (ra’iisul wasaaraha) maaddaama meesha
qabiil wax lagu qaybsanayo.
Waxaa la
sheegaa in rag jamhad ahaa inta hilib karsadeen uu kariyihii hilibka u
qaybinayo. Waxaa la yiri isagoo qaybinaya baa waxaa ku soo baxay cad qurux
badan markaasuu gacanta bidix ku qabsaday. Gacantii kale buu ku sii watay
inuu hilibka kusii qaybiyo. Cabbaar markuu qaybinayey baa waxaa ku soo baxay
cad kale oo qurux badan markaasu goostay inuusan cadkaas dhaafin dabdeedna
gacantii midig ku haystay isagoo dadkii ku leh: nin walboow cad la bax iley
gacan u bannaan oo uu wax ku qabiyaa ma lahee isagoo kor istaagay si uu isha
ugu hayo sida wax loola baxayo. Markii cabbaar raggii hilibka guranayo ayaa
raggii safka ku jiray ee hilibka la baxbaxayey midkood wuxuu la soo booday
cad kale oo qurux badan; kariyihii oo labada gacmood labo cad oo qurux badan
ku kala haysta baa yiri: ina adeeroow cadkaas afka ii geli!
Waxaan
aamminsanahay doorashada madaxweynanimada ee la leeyahay 10 Oktoobar bay
dhacaysaa haddaanba dib loo dhigin in rag badan haddii laga raayo meesha
looga qaadi doono bareele ama wadnuhu istaagi doono; maxaa yeelay waxaan
naf-jeclaysi iyo macangagnimo ahayn lama barin.
Maaddaama
hashii Maandeeq la feylogoyyey oo horay loo cunay, fiicnaan lahaydaa in la
yiraahdo ugali/soor haloo qaybiyo Soomaali ee waxaan ka baqayaa in naloo
qalo xayawaan la leeyahay waxaa lagu dhaqaa xerada Mbagathi ama meel aan ka
fogeyn dabadeedna la yiraahdo qaybsada hilbihiisa!
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2004