Mudane:
Cali Maxamuud (Cali Xareed) |
Cali Maxamuud
(Cali Xareed) oo Xildhibaanimo Loo Dhaariyey
Maanta oo ay
tahay taariikhdu 6/10/2004. Saacaduna markay
ahayd 4:30 Pm ayaa waxaa lagu dhaariyey
Mudanaha Cusub ee Baarlamaanka Federalka ee
Jamhuuriyada Soomaaliya ee Beesha Meheri
Mudane Cali Maxamuud (Cali Xareed) madasha
Shirka ee Mbagathi – Nairobi.
Mudane Cali
Xareed wuxuu badalay Mudanihii hore ee
Baarlamaanka Federalka “Dr. Faarax Xassan
Maxamed (Faarax Sayid)” oo ku geeriyooday
Magaalada Nairobi.
Wa Billaahi Towfiiq.
Qore: sharmarke yusuf <sharmyusuf@hotmail.com>
Musharaxiinta ugu muuqaalka dheer siyaasada
Somalia oo maanta dib ula noqday
barnaamijkoodi illaa barri.
Maanta oo
ahayd maalintii labaad oo ay tartamayaashu
usoo bandhigayeen baarlamaanka
barnaamijyadooda ku saabsan xag waxqabad iyo
taariiq ee tartanka madaxweyne ayaa maanta
lix ka mid ahi soo soo bandhigeen.
Maalintii
shalay iyadoo ay dhiibteen barnaamijkooda
sagaal musharax oo ka mid ah
sideed iyo labaatanka ee buuxiyay
shuruudihii laga rabay oo ay ugu horeyso
lacagta ayaa maanta la filayay in ay qaar
badani gudbiyaan barnaamijyadooda,balse
waxaa is diiwaan galiya lix ka mid ah
tiradii soo hartay.
Musharaxiinta
aan wali gudbinin waxaa ka mid ah Muuse
Suudi Yalaxow, Maxamad Cumar Xabeeb(dheere),
Col. Maxmamad Nuur Shaati gaduud, Col,C/llaahi
yuusuf Axmad, Dr,C/qaasim Salaad Xasan,
Ing.Xuseen Maxamad Caydiid oo ah dhamaantood
siyaasiyiinta somaliya ka dhex muuqda ama
ugu cadcad, qaarkood oo maanta goob joog
ahaa ayaa ka cudurdaartay in ay gudbiyaan
barnaamijkooda musharaxnimo dibna ugu
dhigatay bari galinka dambe oo ah maalinta
ugu dambeeysa oo waqtiga la siiyay
musharaxiinta in ay baarlamaanka ugu
bandhigaan waxqabadkooda.
Tiradda isku
soo hartay oo ay ka mid yihiin
musharaxiintan ayaa gaaraysa 13 musharax
ayay maanta qaar badan oo ka mid ah
baarlamaanka iyo dadka kale is waydiinayeen
sababta ay dib iskugu dhigeen,balse waxaa
muuqata in musharax walba oo iska jiro kan
kale xagga khudbooyinka oo ay u kuurgalayaan
waxa uu ka hadlo kan kale, si ay markaas wax
ka badalan in uu ka hadlo oo soo jiidan kara
baarlamaanka.
Illaa hadda
waxaan la qiyaasi karin xaaladda doorashadda
ay ku sugan tahay,iyo cidda ku soo baxi
kartaba xilka madaxweyne sababo badan oo
jira awgood,baarlamaanka laf ahaantooda ayaa
ku waramaya in aysan go'aansanin cidda ay
dooranayaan.
Afhayeenka
baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo maanta
la kulmay Madaxweynaha Dowlada Kenya.
Gudoomiyaha
baarlamaanka KMG ah iyo labadiisa ku xigeen
ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dowlada
kenya Mr.Mwai Kibaki.
Shirkan oo ka
dhacay Guriga Madaxweynaha waxa uu kibaki u
mahadceliyay baarlamaanka soomaaliyee oo
doortay afhayeen iyo ku xigeeno,dowladiisa
ay taageersan tahay Baarlamaanka
soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in
baarlamaanka uu haatan ku howlan yahay
soomaaliyeed sidii ay dooran lahaayeen
madaxweyne KMG ah, si ay Soomaaliya u hesho
xasilooni kuna tilmaamay talaabo horumar leh
oo ay gaareen Soomaaliya ka dib shir muddo
dheer uga socday kenya.
Waxaa kale oo
uu intaasi ku daray in uu diyaar u yahay
taageerada dowlad ka dhalata soomaaliya
horayna dowladisa ay u taageertay
baarlamaanka soomaaliyeed casuumaadna ay
baarlamaanka kenya u fidiyeen,haddana mid la
mid ah ay fidin doonaan maadaama ay iyaga
gacanta ku hayaan shirka dib u heshiinta
somaliyeed,waxa uuna ka dalbaday
baarlamaanka in ay ilaaliyaan nidaamka
doorashada si aysan u dhicin qalad.
Afhayeenka
baarlamanka Shariif Xasan Sh.Aadan oo
kulankaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay
Dowlada kenya dadaalka ay ka muujisay shirka
soomaaliyeed intii uu socday,waxa uuna
intaasi ku daray in dowladda kenya ay la
socoto barnaamijyadda deeqaha ah oo ay
Qaramadda Midoobay ugu talagashay
soomaaliya oo ay NGO'yada ku sugan dalkiisa
u isticmaalaan si qalad ah la
socdo,soomaaliyana aysan hay'dahaas waxba la
taaban karo ka qabinin,xiligana ay dad badan
abaaro ku haystaan meelo badan oo ka mid ah
dalka soomaaliya,sida uu iigu waramay
gudoomiye Xigeenka 1aad Prof.Dalxa.
Waxa kale oo
Gudomiyaha baarlamaanka ka dalbaday
madaxweynaha kenya in dowladiisu ay
taageerto madaxweynaha la doorto, maalinta
caleema saarka oo ay ka soo qaybgalayaan
madax badana ay dhacdo bishan 12-keeda,si
loogu beego maalinta calanka Jamhuuriyadda
soomaliyeed la taagay oo la taagay
12/10/1954.si munaasabada caleema saarka
madaxweynaha loogu beego munaasabadaas.
Kulankan waxaa
ka soo qaybgalay qaar ka mid ah madaxda
IGAD,Wasiirka xiriirka iskaashi ee gobolka
iyo wadamada bixiya dhaqaalaha shirka
qaarkood,waxa uuna ku dhamaaday jawi is
afgarad.
Anab Mohamoud
Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 6, 2004