w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
MAQAAL-
LA BILILIQAYSTAY
|
QORAALKAAN NINKA KU SAXIIXAN OO SAWIRKIISU KA MUUQDO WAXA UU KU
DAABACDAY WEBSITE-KALE LAAKIIN, qoraagii asalka ahaa waxaad ka heli kartaa
HALKAN...GUJI
[NB: Qoraaga bililiqaystay waxa uu qoraalka ku qortay email aan lala xiriir
karayn)
XUSUUS: Markii aan qoraalkan daabacnay kaddib ayaa
waxaa nala soo xiriiray Mustafa waxana uu qoraal ku xusay in
sawirkiisa laga helay Internetka oo qoraalka la iskaga daabacday, oo
uusan asagu qoraalkaas bililiqaysan, waxana uu yiri:
KU: Dhamaan Umaadda Somaaliyeed
Ku: Dhamaan Maamulka Warbaahinta Somalitalk
KU: Dhamaan Cidda Ay Khusayso.
Ujeedo: Been
Abuur Qoraal.Anigoo ah Mustafa kana mid ah Dadka Sida joogtada ah ugu
taxan Barnaamijta Kala duwayn ee ay Noo Soo Bandhigaan Somalitalk,
Waxaa Mucjiso iyo Ama kaag igu noqotey Inaan Arko
Magacayga Iyo Sawir kayga oo Ku jira Bogga Somalitalk la iguna Eedeeyey
Inaan oo Copy Garaystey Qoraal Shaqsi kale,
Hadaba Waxaan Idiin Sheegayaa Inay tahay Been Abuur Cad
Oo la iga Sameeyey, La iguna Been Abuurtey Aniga oo Xayi ah, Qoraal
kaasna Malihi Anigu mana Qorin Cidda iska lehna ma aqaaan,
Mar labaad waxaan Idin leeyahay Idinkoo Xaq Dhawraya
Saxaafadda Iyo Shuruucda Copyright, inaad hubisaan meesha aad wax ka
keenaysaan iyo Cidda aad warka ka qaadanaysaan, Sheekadanna Way
badatey Barigaan Nin walowbana Hubso Meesha aad ka keenayso qoraal kaaga
iyo Cidda aad warka ka qaadanayso.
QORAALKA LAGA HADLAYAANA WAAKAN::::
SIDAAN WUXUU QORAALKANI UGU SOO BAXAY WEBSITE BILILIQO AH:::
Maqaal:
Dhibaatooyinka qurbaha
by
websitekale ayaa bililiqaystay
27.09.04
Mustafa oo sawirka lahaa waxa uu
sheegay in sawirka laga bililiqaystay oo lagu dhegsadey
maqaalka labililiqaystay, sidaas ayaan sawirka ugu
saaray inta baaritaanku socdo..... |
Wuu
ii soo Islaamay !
Qalanjo: Haloo, aabe iska warran?
Aabe: Aluu! Nabad Aabe sidee tihiin?
Qalanjo: Aabe waanu fiicanahaye ka warran reerihii?
Aabe: Aabe dhib ma jiro ee biilkii ma soo dirtay?
Qalanjo: Aabe biilkii ha ii joogee warbaan kuu wadaa! Aabe
Abshir dheh! Waxaa I guursanaya wiil aad u wanaagsan oo hadda
soo Muslimay!
Aabe: Aabe kuma maqlayo, telefoonku wuu googo’ayaa! Ee maxaa
Muslim ah?
Qalanjo: Aabe waa wiilka aanu israbno ee waxaanu doonaynaa in
aad wilaayadda ku soo wareejiso inaadeerkey Ahmed
Aabe: Haa! Waan gartay Aabe. Wiilku waa qoladee?
Qalanjo: Aabe waa Madow!
Aabe: Yaahoo Madow aa! Naa maxaad nagula hadlaysaa? Ma anagaad
Afrikaan iyo Sawaaxili noo keeneysaa waxyahay aan akhlaaqda
lahayn!
Qalanjo: Aabe sug, sug fadlan ha igu dhigin telefoonka! Khalad
baad fahantaye, Aabe ninku waa Mareykanka madow!
Aabe: Yaah Mareykan aa! Waaba Khada r Illaahay keenaye. Aabe dee
lacagta ka soo dhur ninka sidee wax kaa yihiin! Aabe maad sidaa
I tiraahdid. Waa yahay Aabe waan soo wareejiyey wilaayadii,
soona dir lacag fara badan oo aanu aroos la yaqaano kaaga dhigno
Soomaaliya, ma garatay. Waanu idiin soo duceynaynaa, wax khayr
qaba Illaahay ha idin kala siiyo, balaayadana ha idinka xijaabo!
Waxay qoftaa dumar ahi noqon kartaa mid ay kala tageen nin
Soomaaliyeed carruurna leh iyo mid curad ahba. Waxaa halkaa ka
bilaabmaya isbarashadii wacnayd ee dahsoonayd ee kala
duwanaanshaha dhaqanka, fikradaha iyo hab nololeedka. Ninkan oo
markii horeba aysan Muslinimadiisu sii buurnayn ee ay ka ahayd
soo xera gelinta qoftan dumarka ah ee ay niyadiisu jeclaatay
ayaa la soo baxaya dabeecadihiisa rasmiga ah iyo caadooyinkiisa
dhaqameed. Waxaa dhacda in marar badan lays afgaran waayo oo
ereyada maldahan ee luqadu leedahay laysla fahmi waayo amaba ay
gabadhu taqaano fara ka hadalka oo keliya. Markii la damcay in
la weydiiyo sidii ay ruux aysan afgaranayn, dhaqan garanayn guri
ugu tegeyso ayaa waxaa hadalka soo af jaray maahmaahda oranaysa
“ Shan faroodle isma afgaran waayo”.
Ninkii oo careysan baa halkan ka qayliyey Hey, Pitch! Bring your
black ass here! I said, get in now woman! Pitch! Naagtii oo
jahwareersan oo waxay sheegto garan la’ baa ku qaylisay:
“Hayaay, cod weynaa bismilaahiye, balaaya ku qaaday waakan oo
waa gediisii!
Alla ba’ayeey, waa maxay imtixaankani! Hooyo muxuu leeyahay?
Walaale muxuu leeyahay”. Hooyo wuxuu ku leeyahay soo gal guriga!
Kaalay sariirta!, Naa wuxuu ku leeyahay wasakhyahay soo gal
qolka!.
Waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka jira ee ay keeneen
isdhexgalku iyo is afgaran waagu. Waxaa dhacaysa in hooyo ay u
turjumayaan carruurteedu ugana turjumayaan nin aysan af aqoon oo
ay tidhi wuu iqabaa ama gabadh looga turjumayo nin ay keensatay!
Waxaa anfariir iyo argagax ku dhaca carruurtii ay naagtani
wadatay. Intii ay arki lahaayeen hooyadood oo la guhaadayo, la
caayayo , la faraxumeynayo, la
daroogeynayo ama la garaacayo waxay ka doorbidaan in ay cararaan,
dawladu qaadato ama ay ehelo isu dhiibaan ka dibna waayaan
daryeelkii hooyanimo iyo aabanimo oo ay duurkooda galaan
noqdaana kuwo hadhow mujtamicii ku soo laba kacleeya oo waxyeelo
iyo dhibaatooyin u geysta. Ogow noloshu waa meerto isku
noqnoqota! Wixii maanta xumaada haddii aan hadda la toosin oo
layska indho tiro ama maxaa iga galay ay kugu dhaafto isbaaro
ayaa ku sugaysa wakhti aan fogeyn!
Waxaa la arkay dhibaatooyin badan oo ay geesteen ajaanibkii
gabdhahayagu ay raaceen: Dilid joogta ah, Daroogo siin,
Sharmuuteyn, Diin ka saarid!, Xardhid iyo biro ka lulid meel
walba (tattoo), Si kasta iyo meel kasta ka isticmaalid! Hinaasid
iyo maseyr iyo guhaad joogta ah, waalid iyo qaraabo warkeeda daa!
Telefoon sooma dhici karo! iwm.
Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma
xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma
qalab weyn raadisbaa! Ma hab ca sriya raadisbaa! Ma luuqad
barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan
raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa!
Mr. Muslim
Hadal is weydaarsigu waa intii sare oo kale iyo sida waalidku
ugu farxayo in ay gabadhooda siiyaan nin shisheeya ah. Haddii uu
cadaan indha buluugla ah yahayna warba kama taagna oo arooska
kii Madoobaa loo dhigay baa lasii laban laabayaa. Waxaa dhacdaba
in aan aroosba loo dhigin waayo ninkaaba la aroosayaa maadaama
uu yahay nin haybad fiican leh! Markaa arrintu waxay ku
dhamaanaysaa iska xaluulo gurigaaga !
iyo Naa iska aamus adigaaba nasiib leh oo helay nin Cadaan ah oo
Muslim ah!
Markii la gaaray todobaad bixii oo ay gabdha badan oo wardoon
ahi ay soo booqdeen gabadhii aroosada ahayd ayaa mar keliya lagu
dhawaaqay: “Alla walaaley sidaanu anaguna ku helnaa ninkan oo
kale oo sunadu ka muuqato”. Waxay ugu jawaabtay: “ Gabdhow nin
Soomaaliyeed ka raystay! Waayo marka aad debecdid ee meel waliba
huluuq, buluq , buluq ku soo tiraahdo
ayuu naag kale oo giigsan kaa raadsanayaa”. Waxay uga sheekeysay
gabdhihii kale in ninkan Cadi uusan indho aan iyada ahayn uusan
lahayn: markuu guriga ka baxayo iyo markuu soo gelayaba waa
Honey, Darling, Baby, Sugar. Haddaan debco iyo haddi kale waxaan
u ahay Guduudo Carwo!. Aroosadii baa
gabdhihii martida ahaa tustay liis dheer oo sugid ah (waiting
list) oo ay ku qoran yihiin magacyada gabdhaha raadinaya
wiilasha Cadaanka ah ee soo Muslima, waxayna u sheegtay in ay
magacooda dabada ka raaciyaan!
Qosol iyo jaanta oo rago ayaa xigtay, kadibna gabadhii aroosada
ahayd ayaa garba eeg iyo saacad eeg biloowday. Mar keliya ayaa
sidii loo fadhiyey ay ku dhawaaqday: “ Alla nabadeey walaalayaal,
kala carara wiilkii baa xiliyadan oo kale yimaada. Waa ajnabi oo
kama helo buuqa badan, markaa anigu ma rabo in uu arko wuxuu
dhibsanayo. Welibana guri hagaajis, uunsi iyo udgooneyn baa ii
hadhay”. Gabdhihii baa yaabay oo ku yidhi: “ oo kaalay, waa
maxay! Gabadhu waaba tolowdaye! Naa waa yahay hadhow baan ku soo
wacaynaa”. Waxay u sheegtay in ninkeedu dhibsado telefoonka
badan ee soo dhacaya oo aysan doonayn in ay soo wacaan.
Markii ay gabdhihii dibada u baxeen ayay xan bilaabeen: “
Cajaaib! Naayaadheheen, maxaa gabadha si ka ah? Mid kalaa
qabsatay hadalkii oo tidhi: ‘ Gabdhow waxba ma ogidiine I
dhegeysta! Ummada Illaahay waa kala qolo-qolo iyo kala dad.
Intii isku degaan ahiba way is dabci, dhaqan iyo af yaqaanaan.
Waxaan idiin sheegayaa in ay gabadhani qaadatay dhaqankii
ninkeeda oo ay ka dhowrayso wixii uu dhibsanayo, kuna dedaalayso
sidii ay u raali gelin lahayd. Mid kalaa tidhi Bal eeg waa
xaamilo oo 9-keedii baa go’ay haddana har iyo habeen way
shaqaynasaa waayo ma oran karto ninkeeda biil u dir dadkeeyga
waayo dhaqan uu yaqaanaba maaha!. Ma
soo warwareegi karto, telefoon cid uma diri karto, qof ay
qaraabo ama asxaab yihiin ma salaami karto, aroosyada ma aadi
karto si ay cadowgeeda u soo jebiso. Mid kalaa tidhi maxay kuugu
ta alaa waataas oo carruurtaas cad-cad bay dhashaye!
Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma
xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma
qalab weyn raadisbaa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad
barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan
raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa!
Mr. Midgaan
Kulanka Midgaanka iyo gabdhuhu wuu soo gaaban yahay oo dooda
dheer ee xaga sare ku taala ee bixinta gabadha laba gaari maayo
inta badan. Waayo waxaaba yar gabdhaha la sheekeysanaya amaba
dariiq la maraya nin Midgaan ah. Waxaa laga fogaanayaa 5 talaabo
oo sidii in uu cadho qabo ama uu yahay karantiil baa layska
ilaalinayaa. Haddii ay dhacdo in guur dhexmaro Gob isku sheega
iyo dadka la dulmiyey waxaa lagu bilaabaa cadaawad iyo faquuqid.
Waxaa wiilka ama gabadha guursatay Midgaha laga soo qaadaa qof
xijaabtay oo waxaa loo dhigaa tacsi. Ilmahoodu awoow, abti, eedo,
habaryar, ilmaadeer iyo qaybaha kale oo qoysku ka kooban yahay
ma soo dhexgeli karaan. Hasa yeeshee marka uu Midgaanku darajo,
sharaf iyo lacag Eebe ku manaysto wax dhib ah looma arko oo waa
laga lufluftaa. Midgaan miskiin ah uun baa ba’ay!
Marar badan waxaa dhacda in dhamaan dadka ka soo jeeda qowmiyada
la takooro rag iyo dumarba ay sheegtaan qolooyin kale si ay u
helaan ictiraaf iyo in ay bulshada dhex galaan.
Waxaa ka dhacday Magaalada Minniapolis in gabadhi ay reerkooda
aroos uga tumeen Soomaaliya iyadoo looga hambalyeynayo guurka ay
guursatay Nin Mareykanka Madow ah. Muddo markii lays qabay ee
laysu yeeshay ilmo yar ayaa maalin gabadhu ku dheeraatay ku
hadlida telefoonka. Saacado badan ayay tororoklaynasay oo uu
isna soo horfadhiyey. Markii danbe ayuu inta uu is hayn waayey
oo uu is iloobay waxaa uun ka soo baxsatay: “ Yaakhey adiga
Illaahay ka cabso oo telefoonka bes iska dheh”!
Gabadhii baa af labadeed yeedhay: “ Alla ileen wuxu Jareer buu
ahaa! Waryaa Aabahaa was Adoon yahow I fur! Alla ba’ay eey ma
anigaa Jareer I qabi karaa!
Telefoon bay badda de-deg u dul marisay oo la hadashay
waalidkeed. Reerkoodii baa aad u xanaaqay kuna yidhi la socodsii
ehelkaaga iyo qabiilkaaga ku agjooga deg-degna ha lagaaga furo!
Xagee anaga iyo Jareer iska soo galnaa! Waa maxay meeshu wadaada
ma joogaan miyaa! Naa iska fur haddii kale habaar baan kugu
ogahay! Ma la Ba’ay!
Waxaa kaloo aad ka akhrisan kartaa qisada caanka ah ee ku qoran
buuga uu qoray Ahmed Mohamed Diiriye ee lagu magacaabo “Ma abaal
gudee Waan aar gudaa”! ee lagu daabacay Qaahira 1997. Qisadu
waxay ahayd sidan:
Oday Soomaali ah oo ku noolaa Jarmalka ayaa guursaday gabadh
Jarmal ah una dhashay gabadh. Sanooyin kadib oo ay gabadhu
qaangaadhay ayaa nin Soomaaliyeed wadankii waxbarasho uga yimid.
Wuxuu dhiganayey jaamacad ku taala Magaalada uu joogay
qurbaawigii hore. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadii nin
wada kulmeen, mise saaxiibo hore ayay ahaayeen. Waa layku soo
booday, kadibna wuxuu keenay gurigiisi i oo reerkii oo dhan buu
baray una sheegay in uu yahay saaxiibkiis ay hore isu aqoon
jireen.
Wuxuu wiilku iman jiray xaafada marka uu fasaxa yahay oo soo
bariidin jirey. Waxaa dhacday in ay reerkii ka heleen wiilkii
waayo wuxuu ahaa mid asluub iyo akhlaaq badan quruxna Eebe
siiyey. Gabadhii reerka ayaa wiilkii iska caashaqday, kadib
marka uu reerka yimaado ayaa waxaa la arkaa aabihii oo wejiga u
bedelaya wiilkii una careysan!.
Marka la weydiiyey waxa iska bedelayna wuxuu hadalka ku jaraa
waxba. Maalintii danbe ayuu u adkeysan waayey gabadhiisa oo
wiilka aad ugu sii dheereynasa, markaasuu ku yidhi gabadhii: “
ka har wiilkan oo dib danbe ha ula
qoslin, ha ula socon, kugumana arki karo agtiisa”!. Reerkii baa
garan waayey meesha ciladu ka jirto. Waxaa loo sheegay in
wiilkani aad uu u akhlaaq wacan yahay ayna ku qanacsan yihiin in
uu gabadhooda la socdo. Mida kale ayay yiraahdeen waxaad wada
tihiin isku dad iyo isku jinsi oo horena waabad isku taqaaneen!
Maxaa ku haya? B al wuxuun noo sheeg!
Aabihii baa afka furtay oo iska ooyey: “ Naa ninku waa Midgaan,
Waa Midgaan! Waa nasab dhiman! Isma guursano! Ma geeyo
hablahayaga!. Gabadhiisii iyo
Xaaskiisii baa Illaahay yaab u keenay waxayna fahmi waayeen
waxan uu ka hadlayo. Waxaa soo shiray haweentiisa reerkoodii bal
si ay u ogaadaan, una xaliyaan mucjisadan aysan weligood arag.
Waxaa Aabihii la xasuusiyey in uu caqli yar yahay oo uu qabo
naag ka dhalatay qowmiyada Jarmalka oo dadka madowba u taqaana
Daanyeero! Waxaa la xasuusiyey in ay u hayaan ixtiraam oo ay
tixgeliyeen jacaylka walaashood markii ay isaga guursanaysay!
Waxaa loo sheegay in wiilkan ay isku jinsi, diin iyo dalba
yihiin! Waxaa lagu soo afjaray gabadhaada haddii ay jeclaatay
ninka ha ka hor istaagin sidii aanu anaguba aanan kuugu diidin
walaasheen!. Aabihii oo aad moodid in
geeriyi ku timid ayaa meeshii looga dhaqaaqay isagoo ku
qaylinaya: “ Ma fahmaysaan waxa I gubaya! Bal Midgaan ha kula
xidido oo gabadhaada ha guursado!
Haddaba maxaa ku kelifay Ajiga dhibaateynta walaalahood?
Ma jinsi kalaa! Ma diintaa faraysa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma
ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa!
Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! Ma
jaahilnimaa!
Mr. Soomaali
Hadalkii bay gabdhihii sii wateen iyagoo wadooyinka waaweyn
marba gees u goynaya qayladoodana laga maqlayo futa biciid! --
Qayla iyo bulaan dheeraa Yaahoo!. Mid
baa lahayd dumaroow waxaan filayaa in ay khaldan tahay sida aanu
ula dhaqano ragga Soomaaliyeed oo haddii aanu sida gabadhaas oo
kale aanu ha dhicin ha jabin aanu odhan lahayn in ay nacnac
ahaan lahaayeen. Laakiin Subxaanalaahiye maxaynu ku sameynaa:
Carruuta garaac si aad u daandaansatid, markuu kula hadlana
kasha xawaashka soo qaado oo kuleetiga ku dheg adigoo firimbiga
ka ci’ dheerna dhowr goor ku celceli warqadii dhig! Madaxayga
dhig! I fur right now!. Haddii uu kaa
aamuso oo uu far kuu qaadi waayana sii wad bulaanka, dagaalka
ilaa derisku maqlaan oo ay u yeedhaan booliska ama uu xanaaqo oo
gacani kaa soo gaadho ka dibna waa la yaqaan 3-dii xaraf-- 911!
iyo catowga: Ma nin baa la waayey! Yaa raba belaayadan qombobsan
ee caloosha dheer oo weyda ah! Waxaa la helayaa mid maroodiya oo
kor iyo hoosba ka weyn! Foori waryaa!
Mid kalaa gabadhii hadalkii ka boobtay oo tidhi: “ Naa hooy
cagta dhig! Nin Soomaaliyeed waa la yaqaan oo intuu booyaaso kaa
dhigto, sanad walbana mijini gashay mijini baxday uu kaa dhigo
buu hadhowna mid kale kaa raacayaa. Hala ogaado in dhaqaalaha
laga curyaamiyo oo hogaanka loo hayo si uusan u qooqinba. Anigu
kolay naag baan ahaye ninkaygu xataa kor iima soo eegi karo oo
tababar fiican buu qabaa: Habeenkii markay tahay saqda dhexe
baan aroos iyo Baadhi(Party) aadaa oo marka uu waagu walalac
yiraahdo baan ka soo noqdaa iyadoo cashadeydii iyo cabitaankii
isu kay dulsaaran yihiin. Isagaa carruuta haya, u qubeeya,
Xafaayada ama Dheebarka(Diaper) ka nadiifiya, cuntada kariya.
Nin Soomaaliyeed waa sidaas mudankiisu! Waa in uusan hawoon oo
sidaa xiniinyaha loo hayaa!
Gabadh ka mid ahayd gabdhaha oo dhaqan wanaag ka muuqday ayaa u
jawaabtay oo tidhi: Walaashey soo dhowoow, war lagu sii. Horta
ogow ninka alaabtiisa uurka hooyadiis buu kala soo dhacay ee
adigu umaadan samayn. Ta kale, maxaad uga cararaysaa oo aad u
khilaafaysaa kitaabkaaga sharafta leh ee aad fikrado kale oo
dadka amraya in ay naag keliya guursadaan aad ugu riyaaqaysaa.
Kutub Eebe soo dejiyey oo dhigaya ragow naag keliya ku ekaada ma
jiro sow ma ogidiin! Dadyowga aad fikirkaa ka qaadateen waxay
leeyihiin naag keliya iyo 100 naagood oo saaxiibo ah markaa ma
waxaad leedahay ninyahow saaxiibo badan yeelo oo keligay I qab!.
Mase ogtahay in dumarka qurbaha joogaa ay naftii ka baxday oo
buufis, kaadi macaan, kaadi sokorow, murqo iyo lafo xanuun laga
saari waayey! Wallaahay waa runtaa walaaley bay hal mar wada
yiraahdeen!
Haddaba waxaan idiin sheegayaa bay tidhi sirta nolosha ee dh
egta ii soo dhoweeya: “Ogow gabadh kale oo walaalshaa ah oo aad
isfahmaysaan hadday wax kula qaybsato oo aad isku meel degtaan
in aad raaxo iyo nolol wanaagsan ku noolaanaysaan”!.
Ilmo wada korsi, wada xoogsasho, Buufis iyo cudur la’aan, soo
warwareeg iyo dalxiis badan, dhaqaale iyo lacag urursi fiican!
Maxaad ka weydeen oon raaxo ahayn!.
Mar keliya ayay cirkaa ka dhawaaqeen: “ Alla ku hooji! Bal eeg
waxay nagula talinayso! Allow ha I joojin dhacdadaas oo kale saa
madaxaaba iskay daba mari lahaaye.
Gabadhii baa hadalkeeda sii wadatay oo xasuusisay kuwii kale in
ragga Soomaaliyeed yihiin ragga keliya ee dunidan ku nool ee ay
naaguhu guhaadiyaan(abuse) oo sidey doonaan ka yeelaan marka
laga reebo Ragga reer guuraaga iyo Geeljiraha Soomaaliyeed oo
iyagu adadeyga, garaaca, iyo ku shaqaynta dumarka u arka
raganimo! Dumarka reer guuraagu iih iyo aah midna ma leh: way
kariyaan, koriyaan, dhisaan, raraan, xoolaha raacaan inta
qowsaarkii qabay uu tuulooyinka qaad la fadhiyo ama uu
harqoodaalka jiifo! Kaasi waa nin la mood, kuwa la nooc ahna
qurbaha waa laga helaa. Laakiin guud ahaan nimanka Soomaaliyeed
xajista yaan laydinka fahmine ayay ku soo gabagabeysay.
Meel dhexe markii la marayo oo loo dhow yahay xaafadii la
deganaa ayaa waxaa ku soo lug
darsatay naag Cadaan ah. Kadib markii lays bariidiyey ayay
naagtii cadeyd weydiisay in ay shaqo ka yimaadeen. Waxay
gabdhihii ugu jawaabeen in ay maanta fasax yihiin, qaarna ay
saaka soo shaqeeyeen. Waa laysa sii wareystay oo dhaqanka
Soomaaliga laga sheekeystay. Waxay u sheegeen in aysan dumarku
badanaa aysan shaqayn oo raggu ay soo shaqeeyaan-- kirada,
cuntada, biilka reeraha wadankii jooga, dahabka iyo aradka iyo
wax ka sii badanba ay ragga dushiis tahay. Naagtii baa hadli
kari weyday yaab dartii markaasay weydiisay in ay daacad ugu
waramaan oo ay joojiyaan kaftanka. Kadib markii lays dhaarsaday
ayaa wuxuu noqday hadalkii ka soo yeedhay: “ Alla maxaan nin
Soomaaliyeed u guursan waayey!” Gabdhihii baa qosol gariir ku
dhuftay Ihiiii, IhiiIhiii!!!
Haddaba maxaa ku kelifay dumarka Soomaaliyeed dhibaateynta
ragooda? Ma rag Soomaliyeed nacaybaa! Ma jinsi kale jacayl baa!
Ma xoola raadisbaa! Ma diin nacayb baa! Ma Eebe ka fogaanshaa!
Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid
baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa!
CAJABAYEEY YAA SOOMAALI U CIIDAMIYA!
EEG
HADABA QORAALKII ASALAK AHAA::
WUU
II SOO ISLAAMAY!Oct 6, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com |
|
|
|