Musharaxiinta qaarkood oo maanta ka hor
jeediyay baarlamaanka Qudboyinkooda tartanka madaxweyne kadib markii
ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa
Musharaxiinta soo buuxiyay shuruudihii
laga rabay oo gaarayay 28 musharax ayaa maanta qaar ka mid ah
baarlamaanka ka soo hor jeediyay qudbooyinkooda la xiriira
barnaamijyadooda musharnimo, magacyada musharaxiinta soo gudbisay
shuruudihii ayaa kala ahaa.
- 1) Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo)
- 2) Asha Axmed Cabdalla.
- 3) Cabdi Cusmaan (Kabareeto)
- 4) Cabdi Guuleed Max’ed.
- 5) C/qaasim Salaad Xasan.
- 6) Cabdiraxmaan Cabdi waare.
- 7) C/raxmaan Jaamac Barre.
- 8) C/llaahi Axmed Caddow.
- 9) C/llaahi Yuusuf Axmed.
- 10)C/qaadir Suufi (Muriidi
Golf).
- 11)Cali C/llaahi Max’ed.
- 12)Cali Cumar Xasan Guuleed.
- 13)Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun).
- 14)Cusmaan Max’ed Faarax
- 15)Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)
- 16)Jaamac Cali Jaamac
- 17)Jaamac Xassan Khaliif
- 18)Jeylaani Cali Kediye
- 19)Mahdi Abuukar Max’uud
- 20)Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
- 21)Max’ed Qanyare Afrax
- 22)Max’ed Xuseen Caddow
- 23)Max’ed Yaasiin Ismaaciil
- 24)Muumin Ibraahim Isaaq
- 25)Muuse Suudi Yalaxow
- 26)Sheekh Cumar Cabdiqaasim
- 27)Xasan Max’ed Nuur
Shaatiguduud
- 28)Xuseen Max’ed Ceydiid
Gudoomiyaha baarlamaanka oo furay
furay kulankii maanta ayaa sheegay in tiradan ay tahay inta soo
buuxisay shuruudihii musharax walba laga rabay waxii kale ee soo
gudbiyana ay ka qaban doonaan sidaasn ay uga mid noqdeen
musharaxiinta rasmiga ah ee ka qaybgalaya tartanka madaxweyne
maalinta axadda ah lagu wado in ay dhacdo.
BOOSAASO |
Weriye
cawaale jaamac salaad oo sheegay
in lagu been abuurtay, warka la sheegay in laga soo xigtayna
uu yahay mid aan waxba ka jirin,..
GUJI |
waxaa kale oo uu gudoomiyaha ka
codsaday baarlamaanka in ay si dagan u dhagaystaan musharaxiinta soo
gudbinaya barnaamijyadooda wax qabad ee ay uga qaybgalayaan tartanka
madaxweyne.
Ugu horeyn waxaa baarlamaanka u
gudbiyay taariiqdiisa oo kooban waxyaabihii uu soo qabtay iyo waliba
waxa uu u tala jiro ee barnaamijkiisa musharaxnimo u ah furaha ka
soo jeediyay Axmad Abdi Xaashi Xashara.oo sheegay in uu wax badan ka
qaban Nabadda iyo dib u dhiska dalka,waxaana uu sheegay in soo
qabtay howlo badan oo samafal ah dibada iyo dalka gudahiisaba, xilka
hadii loo doortana uu wax badan qaban doono kana codsaday
baarlamaanka in ay siiyaan codkooda.
Musharaxii ku xigay oo ahaa dhalinyaro
xigeen ka yimid qurbaha oo lagu magacaabo Abdi Guuled Maxamad ayaa
ugu dambayn sheegay in soomaliya ay ku dhiban tahay dalka dibada
isagoo ku gaabsaday in uusan dhahaynin i doorta ee uu ka doonayo
baarlamaanka in ay doortaan qofka leh aqoon kana badbaadin karra
ummadda dhibka ay ku jiraan.
Musharaxa C/raxnmaan Jamac barre waxa
uu yiir"Afar iyo toban sano somaliya waxay ku jirtay dagaal ahli ah
oo keenay aamin darro qoto dheer iyo is nacayb dhex galay qayb kasta
iyo gobol kasta oo soomaaliyeed,saas awgeed khilaafku waa mid qoto
dheer oo balaaran si marka loo sameyo soomaaliya oo caafimaad qabta
loo helo aa in laga biskood iyadoo la marayo jidka dib u heshiinta
lana dhiso dib u hesiisiin heer ka qoys ilaa qabaa'ilka qaybihiisa
kala duwan iyo magaalo min tuulo"
Musharaxa C/llaahi Axmad Caaddow oo
sacab lagu soo dhaweeyay soona bandhigayay barnaamijkiisa
musharaxnimo ayaa ugu horeyn u mahad celiyay guddiga baarlamaanka
sida ay howsha u wadaan iyo dul qaadka ay muujiyeenba.
Intaas ka dib waxa uu soo bandhigay
waxqabadkiisa iyo sida loogu baahan yahay in la helo dowlada
soomaaliyeed oo soo celisa amaankii kala dambayntii,caddow waxa uu
intaasi ku daray in waxqabadkisa ugu horeeya uu ka dhigayo Nabad ku
soo dabaalida dalka iyo hubka dhigista oo xudun u ah jiritaanka
dolwalad ka dhalata dalka soomaaliyeed,waxa uuna xusay in maamulka
somaliland ay diideen in ay yimadaan shirka,balse hadii la doorto ay
dowaladiisu wada xaajood la gali doonto xildhibaanda matala waqooyi
galbeed ee soomaaliya.waxa uun sheegay in uu wada xaajood wanaagsan
la gali doono caalamka si ay soomaaliya u hesho dib u dhis.
Waxaa ka maqnaa musharaxiinta
shuruudaha soo buuxiyay Dr.C/qaasim Salaad Xasan iyo Maxamad
Dheere.mar aan la xiriiray xogahaynta C/qaasim ayay ii sheegeen in
uu ka hadli dooni barnaamijkiisa musharaxnimo maalinta khamiista
ah.
Dhinaca kale musharaxa Col.Cabdullaahi
Yuusuf Axmad oo ka mid ahaa musharaxiinti goob jooga ahaa ayaa ka
cudurdaartay baarlamaanka in uusan maata ka hadli karin balse dib
loogu dhigay waxaana la filyaa in barri uu Musharax C/llahi yuusuf
ka hadli doono waxqabadkiisa iyo barnaamijka uu damacsan yahay in uu
ku maamulo dowladiisa hadii la doorto.
Ugu dambayn waxaa dib loogu balamay in
la isku soo laabto maalinta barri ah si ay halkaas uga socoto
barnaamijda ay wadaan musharaxiinta oo barlaamanka u bandhigayaan.
Baarlamaanka ayaa ayaa wadda dhankoda
si ay u kala ogaan lahaayen kan ay dooran doonaan waxa uu yahay iyo
waxa au ku dooranayaanba.halka qaarna ayba u calaamaydaysan tahay
musharaxa ay siin lahaayen codkooda oo aad arkayso iyagooba uga
dhaga raaracaynin musharaxiinta kale.
Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
Faafin: SomaliTalk.com | Oct
5, 2004
WAXA ISKU SOO HARAY 28 MUSHARAX
MAGACYADA MUSHARAXIINTAAS IYO HADALADOODA MAANTA
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse
Cabbdulle(Idaawaqaca)
Manta lba iyo tobankii
duhirnimo ee saacada Afrikada Bari ee Magaalada Nairobi ee Dalka
Kenya ayeey aheed waqtigi kama Danbeesta aheed ee Baarlamaanka
Soomaaliyeed u qabtay musharaxiinta Soomaaliyeed in ay soo
gudbiyaan Laba Kun oo Doolarka Mareeykanka ahy ,
Hadaba waxaa iyagu shuruudaas
soo buuxiyay 28 Musharax oo kala ah
- 1-Cabdiraxmaan Jaamac
Bare
- 2-Maxamed Qanyare Afrax
- 3-Cabdulaahi Axmed Cadow
- 4-Maxamed Xuseen Cadaawe
- 5-Cismaan Maxamuud Faarax
- 6-Cabdi Cusmaan Sabriye
- 7-Jaylaani Cali Kadiye
- 8-Faarax Wehliye Cadow
Sindiko
- 9-Cabdirixmaan Cabdi
Waraabe
- 10-Cabdi Qaasin Salaad
Xasan
- 11-Cabdulaahi Yuusuf Axmed
- 12Maxamed Yaasin Ismaaciil
- 13-Muuse Suudi Yalaxow
- 14-Warsame Cabdulaahi
- 15-Mahdi Abuukar Maxamed
- 16-C/qadir Muriidi Suufi
Golof
- 17-Jaamac Cali Jaamac
- 18-Cabdi Guuleed Maxamed
- 19-Xasan Maxamed
Nuur(ShaatiGuduud)
- 20-Axmed Cabdi Xaashi
- 21-Xasan Guuled
- 22-Cusmaan Jaamac Cali (Kalun)
- 23-Jan Muumin Ibraahin
- 24-Xuseen Maxamed Caydiid
- 25-Cali Cabdulaahi Maxamed
- 26-Maxamed Cumar Xabeeb(
Maxameddheere)
- 27-Jaamac Xasan Khaliif
- 28-Caasha Axmed Cabdalla
Waqtigii xaadirinta
xildhibaanada ka dib waxaa la guda galay in ay bilaabato soo
jeedinta Musharaxiinta Ajandahooda ku aadan Hadii ay guuleystaan
qaabka ay u dhaqayaan doowladooda ayaa waxaa halkaasi ka hadlay
musharaxiinta kalla ah
- 1-Ahmed Abdi Xaashi
- 2-Cabdi Guuleed Mahamed
- 3-Cabdirixmaan Jaamac Bare
- 4-Cabdulaahi Axmed Cadow
- 5-MuriidiSuufo Golof
- 6-Cali Cabdulaahi Maxamed
- 7-Faarax Cadow Wehliye
Sindiko
- 8-Maxamed Yaasiin
Ismaaciil
- 9-Jan Muumin Ibraahin
Isaaq
Waxaan hadlay oo iyagu cudur
daartay Musharaxiinta kale ah
- Caasho Axmed Cabdalle
- Cabdi Osman Kabreeto
- C/qaasin Salaad Xasan oo
aan isagu soo xaadirin
- Cabdulaahi Yuusuf Axmed
- Cali Cumar Xasan
- Cismaan Jaamac Cali Kaluun
- Cismaan maxamed Faarax
- Jaamac Xasan Khaliif
- Mahdi Abuukar Mahdi
- Maxamed Qanyare Afrax oo
aan Soo Xaadirin
- Maxamed Cumar Xabeeb oo
aan isagu soo xaadirin
Musharaxiintan waxaa la filayaa
in ay Maalinka Barito ah Hadlaan oo ay soo jediyaan ajandahooda
iyo qaabka ay ku doonayaan in ay ku maamulaan Soomaaliya
Dhinaca Kalle musharaxiinta
Maanta hadashay ayaa dhamaantood soo jediyay Qudbooyin aad u
macaan oo runtii la jecleeysan karo soomaaliyana hadii lagu
dhaqo wax ka badali kara laakiin soomaalidu aad ayeey u
sheekeeyaan balse way adagtahay in ay wax ka qabtaan ama ay ka
dhabeeyaan go aamada ay galabta sheegeen hadaba dadka
soomaaliyed waxaa hor yaala Mas uuliyad wayn oo la rabo in ay
uga fiirsaadaan shaqsiga Hogaamin doona Mustaqbalka iyo Masiirka
Soomaaliya