SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SPR

SOMALI PEACE RALLY

Galkacyo, Somalia, 5tii October 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M10/10/1910/2004

Mudanayaal, Laba Cabdi Calaacal Maran Tusa

Galkacyo, Somali Peace Rally, 5tii October, 2004 - Waxaa soo badanaya in Somalida badankeedu soo fahmayso cidda luggooyo iyo dan gaara ah mooyee aan wax kale u socon. Waxaa hadalkan yahay mid taageeraya maqaallo dhawaan soo baxay oo ka hadlaya inay ku jiraan safka hore ee ragga u sharraxan labo shakhsi oo magacooda la yaqaan aanse dhib mooyee Somaliya xal ku soo kordhin karin. Hore ayaa mawduucaan SPR uga hadashay, waxaase lama huraan noqotay inaan ku soo celinno.

Waxaa dhawaan isa soo sharraxay Cabdiqaasim Salaad oo ahaa ninkii afar sano ka hor Somalidu ku dooratay Jabbuuti, markii la dhisay TNG-da. Innagoo og diiwaanka dawaladdii uu Cabdiqaasim madaxda ka noqday, ayaa waxaa nasiib darro ah in maanta Cabdiqaasim Somali mar kale ku soo noqdo. Cabdiqaasim oo aad Somaalidu uga dharagsantahay ayaad waxaad mooddaa inuu asagu isku markhati furayo oo leeyahay ma kala garan karo marka la i nacay iyo marka la i rabo.

Waa ka dheertahay shiddada Cabdiqaasim bisayl la'aan ama garasho xumo, wuxuuna ku yahay magaca waxgaradka Somaliyeed CAY in mar kale Cabdiqaasim suldad u soo doonto Somaali. Waxaa Cabdiqaasim u ekeyd inuu Somali raalli geliyo, kana raadsado cafis, hadalladii beenta iyo khayaanada ahaa ee uu ku shubay iyo intaa aamintay tusbaxii iyo aayadahii gadaal ka noqday awr ku kacsiga raqiiska ah: "allow mar ii dhiib anaaba dib uga kicine ama dib iibsane". Waa nasiib darro in Cabdiqaasim xogaagii Somali loogu dhiibay la lee yahay lacag badan baan wataa oo wa la I dooran.

Doorasho dambe oo Cabdiqaasim waa reerku yuusan xerada ka guurin. Somaliya waa ha ku jirto dagaal sokeeye, magaca dawladnimadana waa dibedda ha looga tuugsado, Cabdiqaasina hadba shir adduunku leeyahay ha baryo tago. Cabdiqaasinoow tirmirtii hore dab loo waa. Waxaa idiin eg Somalida Nairoobaay inaad walaalkeen tiraahdaan dhabarka na tus.

Cabdiga kale ee u baahan in runta loo sheego waa Cabdillaahi Yuusuf. Waa nin qirtay inuu xoog rabo inuu arrinta murugta ee Somaliya wax ku xallin doono. Waa nin siyaaso iyo dimoqoraaddiyad xagga iska dhigay, markastana ku hadaaqa magac qabiil baan wax ku rabaa. Ceeriinka inoogu qaybsha baa ugu dambaysay hadalladiisi. Cabdullahi taariikhdiisu waa madowdahay. Meel uu tago oon bur-burin lama sheegin, waayo haddii aan tiisa la yeelin xaal waa dubbe-la dhac iyo kala yaac. Ka soo bilow SSDF oo ahayd mucaaradkii hubaysnaa ee 1aad ee Somaliya ka samaysma. Cabdullahi asagaa bur-burshay markii hoggaanka lagu qabsaday. Puntland waa ogtihiin maanta magac ahaan bay u jirtaa, waxaa burburiyey oo weliba ku faanay dhiigga dadkii doortay daadintiisa waa Cabdullahi Yuusuf.

Haddii Somali rabto dilaa qabiil mooyee aan wax kale fahmin maxaa loola diriray marxuumkii Ina Siyaad. Yaa arkay nin leh wax baan dilaa ee ha la i doorto Cabdullahi ka hortow.

Cabdullahi doorashadiis waa dagaal sokeeye oo sii labo kacleeya, waa iyadoo hadba gobol Somaliya ah ciidan lagu siidaayo oo ummad la xasuuqo, waa iyadoo caqli laga doorto xabbad caaradeed, waa iyadoo Somali isu keenideed meel la iska dhigo. Lagama yaabo in Cabdullahi cid inta hortago yiraahdo, waa maxay dhibtaad qabtaan ood ii diiddan tihiin, Caqliga odayga lagu yaqaan, waa soo laaya wixii i diida. Waa Xamar ku duula, waa Hargeysa nabadeey, waa bay iyo bakayl cagta soo mariya waa xujoobeene. Waa xis meel iska dhiga oo raadsha, xabbad, xabashi iyagaa xoogee.

Somaalaay ha lagu khamaaro cid aan la aqoon intii laba Cabdi la kala dooran lahaa. Waa nasiib darro mar 3aad Somali ku habsatay haddii labadaas nin ee diiwaanka madoow mid la doorto. Caadiyan waa inagu adagtahay inaan diiwaan raacno, yeynaan markaan gafin, horaan wax badan u gafnee. Hal-haysku ha ahaado, Cabdi sida gacantaas " hungo.

Somali Peace Rally <sprally@hotmail.com>

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD