SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO

XILKA BADBAADADA SHACABKA SOOMALIYEED WUXUU SAARAN YAHAY DIBUTAATIGA

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Waxaa muddo haatan laga joogo 19-Maalmood la dhameystiray dhismihii golaha baarlamaanka KMG-ka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliyeed, waxaana ka mid noqday xildhibaanno gaaraya 275-xildhibaan ama dibutaati oo ay 21-xubnood oo ka mid ahi yihiin Dumar, halka inta soo hartayna ay yihiin Rag, iyadoo dhammaantood lagu dhaarshay inay dalka iyo dadka Soomaaliyeedba daacad u ahaadaan muddada shanta sano ah ee loo dhaariyay inay ka mid ahaadaan baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku meel gaarka ah.

Dibutaati ama xildhibaan waa xubin dusha laga saaray mas’uuliyadda dalka iyo tan dadka oo dhan, waxaana marag madoonto ah in xildhibaannada dhaartay ay u dhaarteen inay si daacadnimo ah u fulin doonaan xilka ay u qabteen shacabkooda Soomaaliyeed oo aysan khiyaami doonin howshooda iyo shacabkooda labadaba, waxaase wax lala yaabo ah in xildhibaan ILAAHAY magaciisa ku dhaartay uu haddana ka baxo xilkii uu EEBBE magaciisa ugu dhaartay inuu u gudan doono si daacad ah, isagoo weliba ku hor dhaartay shacabka Soomaaliyeed.

Xilka shacabka wuxuu dusha ka saaran yahay Dibutaatiga, waayo xildhibaanku waxaa gacanta u galay guud ahaan umuurihii shacabka, haddii ay ahaan lahayd doorshooyinka oo ay ugu weyn tahay tan madaxdweynaha oo beryahaan la wado ololaheeda, iyadoo xubnaha u sharraxan jagada Madaxweynenimada ay shirar gaar-gaar ah la leeyihiin xubnaha ka tirsan golaha baarlamaanka ama dibutaatiyada iyagu dooranaya madaxweynaha dalka maamuli doona muddada 5-ta shano ah ee ku meel gaarka ah ee soo socota, waxaana wax lala fajaco ah in Xubnaha u tartamaya doorshada jagada madaxweynaha Soomaaliya ay lacago ku kala iibsanayaan xubnaha baarlamaanka si ay isaga u doortaan, waayo Xubnaha baarlamaanka waa kuwa dooranaya madaxweynaha, waxayna wakiil u yihiin shacabkii iyaga u doortay inay fariistaan kuraasta Baarlamaanka.

Musharrax kasta oo isku soo taagay jagada madaxweynenimada Soomaaliya wuxuu xildhibaannada golaha baarlamaanka ku xod-xotaa haddii uu siiyo codkiisa inuu siin doono lacago u dhexeeya 70-kun illaa 100-kun oo Dollar, waxaana intaa u dheer dibutaatiga in cod kasta oo uu ka soo helo ruux beeshiisa ah ama ay asxaab yihiinna uu ku leeyahay kala bar lacagta isaga la siiyay; oo u dhigmaysa 35-kun ama 50-kun oo Dollar. Haddaba, waxaa is weydiin leh in ruux lagu soo doortay lacag uu xajin karo ama uu si daacad ah u gudan karo jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, amaba uu noqdo hoggaamiye lagu kalsoonaan karo wax u qabashadiisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa jira nux-nux hoose oo sheegay in xubno kala duwan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuna kala tiirsan kooxo siyaasadeed ay wadaan olole ay ku doonayaan in koox weliba ay doorato ruuxa ka tirsan isbahaysigooda, waxayna taasi keeni karaysaa in dhibaato weyn ay ka dhalato doorashada madaxweynenimada Soomaaliya, waxay kaloo tani sababi kartaa in aan la isku waafaqin doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo ah barta ugu halista badan ee ay shirarka Soomaalidu ku burburaan, waxaana sidoo kale ka imaan karta in lagu heshiin waayo ruuxa la doorto ama lagu tilmaamo doorashada mid la gacan bidixeeyay ama la khiyaameeyay amaba lagu shubtay, waxayna tanoo kale dhacay doorashadii guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo Sheekh Adan Madoobe oo looga xoog roonaaday doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha ay ka wada tirsan yihiin SRRC ay sheegeen in doorashadii guddoomiyenimada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ay ahayd mid lagu shubtay ama ay soo dhex gashay gacan gurracan.

Ugu dambeyntii waxaan kula dardaarmayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay ogaadaan inay shacabka Soomaaliyeed iyaga doorteen ayna yihiin kuwo wakiil ka ah shacabka isla markaana uu shacabku qaadanayaan wixii ay u keenaan ayna sugayaan, sidaa daraadeed, waa inaysan xildhibaannadu noqon kuwo sameeya ama ku dhaqma qodobbadaaan soo socda:

Waa inaysan sameyn wax hiillo ah kooxeed ah.

Waa inaysan ku dhaqmin eex qabiil.

Waa inaysan ka dooran shacabkooda lacag iyo wixii la mid ah

Waa inay doortaan hoggaamiyihii ay is oran karaan wuu u qalmaa hoggaanka shacabka amaba u qalma.

Waa in xildhibaan kasta uu ogosoonaadaa in uu ILAAHAY hortiisa ugu dhaartay inuu dantiisa ka hormarin doono midda shacabka

Waa in dibutaatigu ogaado in ruuxii uu doorato oo uusan u arkin mid gudan kara waajibaadka dalka iyo dadka, uu isagana wax badan u dhimayo, waayi khiyaamadu waxay ku dhacdaa ruuxii falay ama agaasimay.

Waa inuu dibutaatigu ogaado in ina adeer iyo ina abti uu si gurracan ku doorto aysan waxba u tarayn maalinta aakhiro.

Ogow dibutaatiyoow Ruux walba geedkii uu abuurto ayuu miro ka gurtaa, haddii aad abuurato dacar, waxaad helaysaa waa uun dacar, haddii aad abuurto cambena waxaad helaysaa waa uun mirihii macaanaa ee cambaha.

Ogow dibutaatiyoow dalka iyo dadkuba adigay gacanta kuugu jiraan.

Ogow waxaa jirta xikmad oranaysa: Ka fikir meesha aad seexanayso ka hor inta aadan ka fekerin waxa aad cunayso, waxaana taas ula jeedaa in lacagta aad qaadanayso ka hor aad ka federto dalka aad tagayso iyo waxa aad mudan doonto haddii dhibaato dhacdo.

Haddaba; waxaan arki doonnaa doorashada Madaxweynaha iyo kaalnita ay xildhibaannadu ku yeeshaan, waxaanan rajeynaynaa in ay xildhibaannadu u gudan doonaan waajibaadkooda si daacad ah.

»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]

»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004

Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga kusaxiixan

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 1, 125
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD