SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

SIXUN WAX U SHEEG SIXIROOL WAA KA DARANYAHAY 

W.Q. Axmed Sahid 
asaahid@yahoo.com

Waxaa maalmahan hawlgal wayn oo wacyi gelin ah ka waday gobollada kala duwan ee Puntland koox culumo ah oo u dhashay gobolladan kana kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddisaba, barnaamijta ay culumadaasi ka hadlayeen waxaa u badnaa:-

  1. Muxaadarooyin kala duwan oo ka dhacaysay masaajidda.
  2. Siminaaro kor loogu qaadayay aqoonta iyo wacyiga ardayda dugsiyada.
  3. Kulamo kala duwan oo ay la yeelanayeen qaybaha bulshada sida: - Maamulka dawladda, Isimada, Odayaasha, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada.
  4. Tabarrucaad (Fund Raising) ay ka aruurinyeen dadwaynaha degan magaalooyinka ay marayeen kaasoo ku salaysnaa baahida hadba haysata deegaankaas.

Waxaa waxaa xusid mudan in wafdiga culimadu meel kasta iyo maaglo kastaba ay kula kulmayeen maamulka dawladda laga bilaabo Madaxwayne ku xigeenka D. G. Puntland Mudane : Maxamed Cabdi Xaashi, Golaha Wasiirada qaarkood , qaybo ka mida Golaha wakiillada iyo waliba qaybaha kale ee dawladda sida: Hay’adaha amniga, Booliska,  Saraakiil ka mida Ciidamada daraawiishta, iyo maamulada dagmooyinka ay marayeen. 

Dhammaan goobahaas wax si diiran culumada ugu soo dhawaynayay madaxda kala duwan ee deegaanadaas iyagoo uga xog waramayay maamulladaas ujeedada safarkooda oo ahaa sara u qaadida wacyiga bulshada reer puntland, iyo in ay wax wada qabsadaan iskuna duubnaadaan, arrintaas oo maamulkuna la qaatay. 

Safarkii culumada ayaa markii uu soo gaaray magaalada bosaso waxa ay la kulmeen baahi wayn oo ka jirta jaamacadda Bariga Afrika oo u baahan lacag dhan $ 216, 000 oo ay ku ballaarinayaan wax qabadka jaamacadda sida dhismayaal cusub oo lagu soo kordhinayo, laboratory ay jaamaccaddu leedahay, jidad laami ah oo jaamacadda soo gala, macallimiin cusub oo dibadda laga dalbayo iyo baahiyo kale oo aad u fara badan oo jaamacaddu dabooli wayday. 

JAAMACADA BARIGA AFRIKA
Safaradii waftiga waxbarasha Buntland ay kutageen Australia sannadkii hore.. Guji

Sidaas awgeed waxay culumadu isu xilsaareen inay sameeyaan lacaga aruurin ballaaran oo ay ka qabteen goobo kala gedisan oo ka tirsan magaalada Boosaso ayna goob joog ahaayeen qaar ka mida maamulka gobolka bari. 

Ilaa hadda lacagta la yaboohiyay waxay dhantahay $100,000 taasoo aan dhammayn 50% lacagtii ay jaamacaddu ka codsatay dadwaynaha reer Punland. 

Haddaba anigoo tixraacaya maaqaal ku soo baxay bog kamid ah Internetka oo ay ka soo xigteen wariye lasheegay in uu jooga magaalada Boosaaso, kuna sheegay arrrimo aad iyo aad xaqiiqada uga fog, sawir khaldanna ka bixiyay ujeedada safarka culumadaas iyo dareenka dadka degan magaalada Boosaso labadaba.

Warbixintaan ayaa sheegaysay, in lacagtaas loo aruurinayay nin la yiraahdo Xasan Turki oo dagaallo ka sameeyay dooxada Jubba waxaa kale oo ay ku tilmaantay bulshada inay walaac ka muujiyeen lacag aruurinta ay culumada sameeyeen, dawladdana ka codsadeen inay si taxaddar leh u baarto. 

Hadaba waxaa la yaab leh horumarka itaas le’eg in laga turjumay khalad lagana baxshay sawir kale oo lid ku ah si loo lumiyo kalsoonida ay dadka deegaankan degan ku qaabileen culumaddii safarka ugu timid. 

Waxaa mucjiso in laamihii dawladda oo safarka culumada la socday ilaa maalintii ay soo galeen magaalada Laas caanood goob kasta oo ay shir iyo lacag arruurin ka qabanayaan xaadir ahaa ay cid kale oo aan alif iyo ba’ toona ahayn isu xilsaarto inay dadka iyo dawladdaba u fasirto fartana ugu fiiqdo ujeedooyinka beenta ah ee ka turjumeen safarka culumada. 

Sidoo kale waxaan layaabay sawirka laga baxyshay dareenka bulshada bixisay kuna yaboohday wixii ay hanti mid socota, mid maguurtaa iyo dahab ay lahayd ilaa ay bulshadaasi bixisay lacagtaa aan kor ku xusnay oo aanay bixin kari cid walaacsan ama shaki kalsooni xumo qabta. 

Ugu dambayntii maqaalkaas wuxuu meel uga dhacay dhammaan Wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adaha amniga ee dawladda, Ciidamada Booliska, kuwa daraawiishta oo dhammaantood meesha joogay iyo dadwaynaha khayrka jecel ee ku nool goboladdan. 

Waxaan ku dhaleecaynayaa bogga ama websiteka soo daabacay maqaalkan aan raadka iyo salka toona lahayn inay iska soo daabaceen iyagoo aan ka fiirsan waxay qorayaan ama aan kala xiriirin jihooyinka ay khusayso.

Waxaan leeyahay in ciddii ka dambaysay ee soo daabacday iyo kuwii soo tifaftirayba lala xisaabtamo si loo ilaaliyo misdaaqiyada bogga. 

W.Q. Axmed Sahid 
asaahid@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD