Waxaa shir balaadhan isugu yimid dabayaaqadii bishii 9 aad ee
aynu soo dhaafanay aqoonyahanada wadanka Ogadenya ee ku dhaqan
wadanka gudihiisa.
mutacalimiintan oo ka kooban dhamaan gobolada wadanka Ogadenya
ayaa shirkoodan ooga hadlayay xaalada wadanku maanta ku sugan yahay
waxyaabaha keenay iyo sidii loo maarayn lahaaba.
Aqoonyahanada ayaa shirkooda si wayn ugu lafa guray xaalada
amaanka, abaaraha is daba jooga ah iyo adeegyada kale ee muhiinka u
ah Aadamahaba, sida aan wax looga qabanin iyo waliba khilaafka aan
dhamaadka alahayn ee ka dhex jira beelaha ku wada nool wadanka iyo
waliba xaalada guud ee koooxaha macmalka ah ee ay Itoobiya ku
shaqaysato ee degan magaalada jigjiga
aqooonyahaynku waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka hadleen waxaa ka
mid ahaa isla markaana ugu muhiimsanaa:-
NABAD GELYADA
Aqoonyahanadu iyaga oo si wanaagsan uga hadlay isla markaana
falanqayn dheer ka bixiyey ayay cadeeyen sababaha keenay in uu soo
noqnoqdo iska hor imaadka beelaha walaalaha ah ee wadanka wada dega.
Waxa ay falan qayn dheer ka bixiyeen dagaalada soo laab laabanaya
ee wadanka ka dhex dhaca iyaga oo tusaale wayn ka bixiyey midka
kasta iyo sababtiisa, waxa ay tusaale usoo qaateen dagaalkii labada
beelood is ku hardiyeen ee ka dhacay
aagga Nusdariiq ee dhexmaray beelaha walaalaha ah ee deegaankaas
wada dega kaasi bay yidhaahdeen oo ay ka qayb qaateen qaarka mid ah
ciidanka qalabka sida oo Itoobiya isla markaana waxa ay cadeeyeen in
la hayo cadaymo muhiim ah oo ka markhaati ah, sida iyada oo ay
dagaalkaas ku dhinteen qaarka mid ah Askarta Itoobiya.
Sidoo kale waxay ka hadleen sababaha iyo sidi xalwaara looga
gaadhi lahaa dagaalka ka dhacay deegaanka Miirkhaliifa oo ay isna
fooda is dareen laba beelood oo ka tirsan kuwa deegaankaas wada dega,
iyaga oo sheegay in la hayo cadaymo ku filan in ciidanka qalabka
sida ee Itoobiya ka qayb qaateen isla markaana bay yidhaahdeen
maalintii ay warbaahinta kashegeen in ay heshiis dhex dhigayaan
labada beelood ee dagaalamay ay koox kamid ah ciidanka Itoobiya oo
loomalaynayay in loo soo diray wada hadashiinta dadkii halkaas ku
dagaalamay ay halkas ka gaysteen khasaare kiihore aan ka yarayn
iyaga oo halkaas ku dilay 16 kuna dhaawacay 22 ruux oo kale kadib
markii ay rasaas ku fureen gaadhi ay saaraayeen dad shacab ah oo
deegaanka katirsani.
Sidoo kalena waxa y xuseen dagaalada iyaguna ka dhacay meelo
badan oo ka tirsan wadanka islamarkaan ku baaqeen in wada hadal lagu
dhameeyo midka hada kasoconaya deegaanka Dhagax buur kaas oo ay
beelaha halkas ku dagaalamay ugu baaqay in ay shuruud la'aan
joojiyaan dagaalka .
Sdoo kalena waxa ay sheegeen in uu hilaaf balaadhani soo kala
dhex galay dadka ku nool xuduudaha kadib markii ay Itoobiya xidhay
xuduuda wadanka uula leeyahaya Soomaaliyaciidana ku wareejiyey
Waqooyi ilaa koonfur halka ugudanbaysa uguna baaqay in ay xayiraada
qaadaan .
MAAMULKA
Aqoonyahanadu waxa ay qeexeen isla markaana ay ku dhawaaqeen in
uusan wadanka Ogadenya ka jirin wax la odhan ka ro maamul isla
markaana waxa ay sheegeen in uu qas wayn ka dhex waday ninka
federaalka Itoobiya ufadhiya magalada Jigjiga ee Gabre wahid Gorgis,
tusaale ahaanba ay yidhaahdeen 10kii sano ee ugu danbaysa waxaa
xilka magaalada Jigjiga loo dhiibay in ka badan 10 gudoomiye
midkastana markuu mudo gaaban hayay ayaa laga qaaday, tasi oo ay ku
tilaaameen bisayl la'aanta habka lagu tilmaamo in uu yahay
Dimuqraadi ee la sheegay in uu Itoobiya ka jiro iyaga oo intaas
raaciyey in Itoobiya marba ninkii ay u malayso in uudanaheeda fulin
u dhiibato hadiiba ay aragto in uudanaha shacabka ilaaliyana waa la
eryaa eyey yidhaaahdee..
cadeeyeenna in kooxda degan jigjiga aysn faraha ku haynin yihiin
na dad ilaashada dana gaar ah, sidoo kale waxay sheegeen in ay
dadkaasi fuliyaan siyaasado iyo dano ka baxsan dadka deegaanka, ahna
bay yidhaahdeen dad had iyo goor madaxa iskula jiran
WAX BARASHADA
Mutacalimiintan oo ka kala yimid sagaalka gobol ee wadanka
Ogadenya ka kooban yahay ayaa cadeeyay in guud ahaanba aysan wadanka
Ogadenya ka jirin dugsiyo wax barasho isla markaana waxa ay shegeen
in meelo kooban oo kali ah ay ka dhisan yihiin guryo balse ay san
jirin macalimiin iyo adeegii kaleba halka meesha ugu nasiibka badan
ay leedahay dugsi hoose.
waxa ay sheegeen in wadanka si wayn loogala dagaalamay iyaga oo
dhamaan xukumadadihii Itooobiya isaga dandanbeeyey isku fikir ka
aaminsanaa kaasi oo dh bay yidhaahdeen iyaga oo si wayn uwada
rumaysnaa in aqoonyahan ka wadanka u dhashay halis ku yahay danta
Itoobiya kaleedahay wadanka isla markaana ay si isku mid ah uga
ilaaliyeen dhanka aqoonta guud ahaanba dadka wadanka taasi ookeentay
bay yidhaahdeen in wadanka ay isugu soo hadhaahdadka aan wax baran
oo kali ahi.
Aqoon yahanadu waxa ay xaladan dhanka wax barsho ee ka jirta
wadanka ku sheegeen in ay kamid tahay meelaha caalamka ugu hooseeya
iyaga o mas'uliyadeedana dusha ka saaray Itoobiya oo ay sheegen in
ay si wayn ugala dagaalami jirtay dhinaca tacliinta, taas oo
sababtay ayay yidhaahdeen in ay caruurta looqaado dhinaca
jamhuuriyada Soomaliya si ay wax uga soo bartaan.
Aqoonyahanadu waxay ku sheegeen xaalada wax barasho ee wadanka
Ogadenya in ay tahay mid aad loo caadadiyo iyaga oo sheegay in guud
ahaanba 9ka gobol ee Ogadenya oo ka kooban 48 degmo uu ka jiro oo
kali ah hal dugsi sare oo ku yaala Magaalda Jigjiga arintan oo ay
eedeeda.
CAAFIMAADKA
Si lamid ah dhibaatada dhanka wax barasho ee wadanka ka taagan
ayaaa ay sheegeen in wadanka Ogadeny ay ka jirto dhibaato dhanka
adeegyada caafimaadka ah ayna aad ugu yar yihiin wadanka goobaha
caafimaadku, waxayna ku sheegeen guud ahaanba xurumaha ku yaala
wadanka in ay leegyihin inta ku taala hal degmo oo ku taala gobolka
TIGRE leeg fadhi ahaana degmada AWAARE. oo ay ku taalo bay
yidhaahdeen hal goob oo aan lahayn wax daawooyin ah haba yaraatee.
Waxayna ku baaqeen in hadii aan si degdeg ah wax looga qabanin
dhinaca caafimaadka in xaaladu ay faraha ka bixi doonto mustaqbalka
dhow, waxa ayna sheegeen in cudurada ay ka mid ka yihiin TB, MALARIA
iyo cudurada kale oo halista ahiba faro kulul ku hayaan shacabka
loona baahana yahay bay yidhaahdeen in wadanka lakeeno dhakhatiir
aqoon leh iyo daawooyin iyo adeega kale ee la halkmaala caafimaadka
.
Hereri Haji <hereri01@hotmail.com>
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004