FAALLO: SOMALILAND
DAL DHISAN IYO DAD JIHAYSAN
Ilaahay ayaa Mahadleh, Naxariis
iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena Suuban maxamed (C.S.W).
Marka xigta waxaan ka xumahay
inaan arko rag macnaha xorriyada iyo madaxbanaanida si qalafsan
u fahmay, kollayna waxaan aaminsanahay inaanay Somaliland ku
burburi doonin shan daba-dhilif oo ka qayb gallay shir aan
shacabkoogu ka raali ahayn, shantaasi daba dhilifna kow kama aha
oo laba kama aha oo Seddex kama ah inay khiyaameyaan shacabkooda,
300 dollar oo afka si saqajaanimo ah loogu qabto waa mid ay ab
iyo isir u lahaayeen.
Somaliland iyo jiritaankeedu
dabcan maaha wax gorgortan la gelinaayo oo cid lagala hadlaayo,
Somaliland qaranimadeedu waxay la mid tahay mid ay malaayiin qof
u dhinteen, maaliyiin hooyoyinna ay u goblomeen, Somaliland waa
fikrad xor ah oo nadiif ah oo ku dhisan caqli iyo aqoon la
darsay lagana munaqashooday, Bishii May sannadkii 1991, markii
ay beelaha iyo waxgaradka somaliland ku arrinsanayeen magaalada
Burco hal dollar beesha caalamku waxba kuma ay tarin qaranimada
Somaliland, hogaamiyayaashii usoo jihaaday xornimada iyo
hogaamiyayaashii Beelaha Somaliland-na kuma ay ceeboobin
adduunka oo inta boqolaal hudheel looga kireeyey magaalooyinka
adduunka kuma ay khasaarin ee geed hoostii ayey ku gooyeen,
shacabkooduna waa ayideen, taasi oo kale ayaa loogu mahad naqa
Ilaahay subxanahu watacalaya (Alxamdulilah), dabcan waa ta ka
dhigtay shacabka Somaliland qaar xor ah oo ka xaaran ah
xaasidnimo iyo calool xumo.
hadaba akhristow Tee ayaa u eg
Mansab faqiir ah (poor Decisions) laga soo bilaabo 1990-kii
boqolaal calooshooda u shaqaystayaal ah, Boqolaal waxma garato
iyo hogaamiye Kooxeed iskugu jira boqolaal caydh qatayaal ah oo
europe iyo north america soo tureen ayaa ugu yaraan tobanaan
shir loogu qabtay Nairobi, Cairo, Addis ababa, Soodare, Carta,
Djibouti, Tripoli, Sanca, waxaasi oo dhami waxay noqdeen hal
bacaad lagu lisay, kursi u carar, jahli iyo aqoon xumo waa ta
hadhaysay Soomaaliya, maatidoodii iyo caruurtoodii ayaa habeen
iyo maalin u magan ah Somaliland, Masab Faqiir ah waxa weeyaan
ta lagu kala saari waayey qiimaha dhiigga qofka iyo xayawaanka
ee habeen iyo maalin dadka aan waxba galabsan loogu dilaayo
garoowe, boosaaso, muqdisho, baydhabo iyo magaalooyinka la midka
ah, caqli faqiir ah (poor idea) waa ta habeen iyo maalin kursiga
la iskugu haysto ee beesha caalamku khaatiyaan ka istaagtay
xalkooga, ayaandarrada iyo fikradda qaloocani waa ta ay
hogaamiye kooxeedkooda iyo kuwooga siyaasaddu habeen iyo maalin
gacmaha hoos haystaan dawlada adduunka, hadaba qoraalkaygani
ayaan jecelahay inaan laba dhinac u kala qaado oo aan ugu
jawaabayo laba nin oo aan ka adkaysan waayey waxshinimad iyo
fikradooda ay ku dhisantahay xasadka iyo qabiil u cararku, ma
jecli inaan magacyadooda sheego balse mid kasta qoraalkiisa
ayaan hoos ku qoraya aniga oo jawaab ka bixinaya
HIMILADA HARGEYSA WAA
HILACAYSA
Hargeysa waa xudunta xornimada,
ilbaxnimada, ifafalaha, xorriyadda, qaranimada, aqoonyahanka,
xilkasnimada, iyo wax isku sheega, Hargeysa waa xarunta is
dhegaysiga is qadarinta, isfahamka, iyo himilooyinka, Hargeysa
waa xarunta aqoonta iyo aasaska jiritaanka Mujtmaca, Hargeysa
waa xarun ku sifoowday eexasho la'aan, nabadgelyo, iyo qadarinta
beelaha wada dege Somaliland, Hargeysa dabcan waa halbawlaha
kulmiye qaranimada Somaliland, waana xarunta Jamhuuriyadda
Somaliland, hargeysa waxay ku caano maashay dimuqraadiyad iyo
sinaan ay ugu yaboohdo shacabka Somaliland galbeed ilaa beri,
Sool ilaa Awdal, Togdheer ilaa Saaxiil, Sanaag iyo ilaa
Buhoodleh.
Somaliland dawladeedu waa mid
shacabkeeda dhegaysata haba dhaliilan eh, waa mid garwaaqsata
halka sartu ka qudhuntay waa mid adeegsata taloooyin iyo
firkadaha dadkeeda, waa mid aan awood u lahayn inay ku dhaqaaqdo
wixii mansabka dadkeeda ka hor imanaya, haddii aan salka u dego
gobolada beriga Somaliland waa mid ka go'an shacab iyo dawlad
sidii xukuumadda loo gaadhsiin lahaa wax kasta oo ay Somaliland
ku qaadataba, waanu ognahay walaalahayo reer Laas Canood sida
loola dhaqmo waanu soo socona waxaa walaalayaal la ina dhex
dhigay waa colaad, laakiin waa inaga dhex bixi doonan waxaasi oo
dhami, Somaliland waa dad og kalitalinimada khibrado badanna ka
haysata 30 sanadood oo Siyaad barre ka talinaayey dalka
Somaliland, kali talnimada Cabdilaahi Yuusuf-na dabcan noqon
mayso mid sii shaqaysa haddii ay guulaysan waydo diblomaasiyaddu
waa ogyahay cabdilaahi yey halkuu uu maray saaxiibkii Ina barre.
Cabdilaahi Yey ama ha adeegsado
argagixiso calooshooda u shaqaystayaal ah oo uu isku dayo inuu
ku khal-khal geliyo Madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland
ama ha isku dayo inuu adeegsado beer laxawsi iyo inaga isku ah (Harti)
waxaa la soo gaadhay wakhti aanay waxaasi oo dhami socon doonin,
ninkii rag ahaa wuxuu yidhi
Daanyeerku
laan buu
Weli dacalka haystaa
Bahal ceedhin deyn waa
Anna waxa la ii diray
Daaraanta godobtoo
Nabarrada damqanayaan
Hadba dacar ku noolayn
Ilaa daayin abidkay
Dawankaan ruxruxayaa
Falla waan ku darayaa
Marka doobi buuxsamo
Gaariyow afkaaga caano lagu
qabay, waxaa la soo gaadhay xilligii beenta meel la dhigi lahaa
runta la isku sheegi lahaa, Beesha Caalamku waa ka dheragtay
beenta la iska iibinayo, waxaa hubaal ah oo aan cidna ka
qarsoonayn waxa shirka lagu sheegay ee lagu dhoob dhoobaayo
Tuulada Embigathi inaanay waxba ka duwanaan doonin kuwii hore ee
cairo, Soo-Dare, Jibouti, Carta, Tripoli, Sanca, I.W.M
Somaliland waa dal dhisan
dadkeedu gaadhsiiyeen horumarka, maaha meel beenta la iskaga
iibiyo, qabyaaladana la isku beer laxawsado, Somaliland waa hoy
diiran oo ninkii ayaanleh ilaahay hibo uga dhigo.
Aan ku soo gunaanado uguna
baaqo Saaxiibkayga muraayada Madaw isku dahaadhayow kuwii horaan
uga taag la'ayne bahasha iska bixiyo oo bal dhinacyadaada eeg!!!!!
Wax la yidhi nin dooloo
Beryo dibada
meeroo
Dani baajin weydaa
Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa
Fadalkiyo durduradii
Wuxuu dacal ka soo galay
Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa
Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal
Shitay dogobbo waaweyn
Waxa duunka hoosiyo
Damaciisu kula faqay
Ninkaas daartay xaabada
Wax u dagamsan baa jira
Lugihii degdegayuu
U duwadey dhankiisii
Isla doonasho Illaah
Doobku waa walaakii
Waa ninkuu dad iyo maal
Dummaddiisa kaga tegey
SOMALILAND
WAA DAL KA ONKAMAY XORRIYADA IYO MADAXBANAANI FIKRAD WAADAXA IYO
QAWL TUJAARI AH
Somaliland waa dal dadkiisu
halkaasi gaadhsiiyeen, horumar, ilbaxnimo, isqadarin, aqoon iyo
hufnaan waa Somaliland mid ay ku caano maashay, Somaliland
runtii waa mid ka yakh-yakhsiyoota fikradaha faqriga ah ee ka
jira Soomaliya, waana mid ka weyn kana hanweyn wax loogu yeedho
"midnimo", dabcan kelmadda Midnimo waa mid lagu
dagay shacabka Reer Somaliland, balse waxay Shacabka Somaliland
leeyahiin "Mar i dage alla ha dego mar labaad i dagase
anaa is dagay" oo macnaheedu tahay 1960-kii haddii aan
midnimo ku yaboohay aniga is dagay maantase baabacada cad ee
bini-aadmiga ku taal oo timo lagu arko weeyi Somaliland oo
midnimo danbe la gasha cidhif ka tirsan dawladaha berig africa.
boqolaal aqoonyahan, boqolaal
waxgarad, boqolaal suldaan, boqolaal wadaad iyo diin yaqaan,
boqolaal indheer garad ayaa sannadkii 1991 garwaaqsaday
xornimada iyo madaxbanaanida Somaliland, Somaliland
waxgaradkeedu adduunka kuma uu ceeboobin iskugumuu dhiibin
caruurtooda qoryo, Nairobi iyo carta iyo qaahira muu tegin
kamana uu dawarsan shilimaad gacanta loo saaro, waxgaradka
Somaliland muu badin dadkiisa in wax soo saarkooda dabiiciga ah
uu ka qado oo uu ka ag bakhtiyo, Somaliland waa dal iska daa
qofka afka soomaliga ku hadla eh ay ku hammiyaan dadka aan jinsi
iyo midab aanay wadaagin.
sannadahii u dhexeeyey 1969
ilaa 1990-kii cidhiidhigii la baday Somaliland, boqolaalkii
dhalinyaro ee guryaha lagala baxay ee inta gacmaha iyo lugaha la
isku xidhay lagu xasuuqay, diyaaraddii intay Hargeysa ka kacdo
ila dib u rushaynaysay, waxaasi oo dhan shacabka Somaliland
intay meel iska dhigeen ayey bilaabeen sidii ay dalkooda u
dhisanlahayeen mawqifkoodana u xijisan lahayeen, waxaan
aaminsanahay maanta ninkii Muqdisho wax ka galeen ayaa ayaan
darran oo aan ku tilmaami karaa (poor Idea), bal u fiirso inta
wacad ee ay dadkooda ku fureen, weli lama arag hogaamiye
siyaasadeed oo reer Somaliland oo kitaab ugu dhaartay dalkiisa
oo ku wacad furay, laakiin taasi waxay ka dhacday Soomaaliya
(that is the biggest poor idea),
MAXAAN KU TILMAAMI KARA
POOR IDEA
Sawirka hoos ku yaalla waa
Hooyo Soomaaliya ah oo degen jubbooyinka oo gaajo macaluulaysa
wiilkeedii yaraana dhinac ka quudinaysa
this is the biggest poor Idea
MAXAAN KU
TILMAAMI KARA HORUMAR IYO XORNIMO
duleedka hargeysa
iyo beeraha ay muwaadiniinta somaliland dhulkeeda ka beeranayaan
iyo quruxda ka hilaacaysa oo soo jiitay safiirka ingiriiska u
fadhiya addis ababa.
this is the real worth idea
mid ka mid ah shaqaalaha Somaliland oo nabadda iyo naacawda geed
hoostii ku quracanaya.
amoud university libraries, this is the real and big idea and
best integrity a nation reaches.
sawirada kor ku xusan ayaa runtii si
waadax u kala saari kara waa maxay fikradda fayaw iyo ta
gaajoonaysa aan kusoo gunaanado una sheego ninka lagu magacaabo
Dr. Dahir
Haji Nuur Somaliland waxaa ka mid ahaa qodobadii loo sameeyey.
1. In xornimada
iyo Madaxbanaanida shacabka iyaga dib loogu celiyo.
2. Somaliland
shacabkeedu iyaga ayaa masayrkeeda gooyey waxaanay %97 ugu
codeeyeen in aanay gorgortan gelinayn xornimadooda (somaliland
integrity will not be negotiated in any manner)
3. Somaliland
burburkii ka gaadhay gacantii keli talisnimo inaan cidna loo
qaadin ciddii ka hor timaadana loo aqoonsado Khaayimul qaran
sida adiga oo kale.
4. Somaliland
kuma dhisna awood cid gaar ah ay gacanta ku hayso ee awooddu waa
mid dhex taal u ah shacabka, shacabkuna ugu doortaan si
dimuqraadiyad ah (centralized authority and elected the leaders
for one man one vote)
5. awoodda
ciidmadeed iyo dhaqaale ee Somaliland waxaa gacanta ugu haya waa
xukuumadda ay doorteen (the authority of financial and militery
are the hands of their elected government)
6. Somaliland
shacabkeedu sida Soomaliya kama baqdaan hogaamiye kooxeed ee
iyaga ayey hogaamiyayaashooda siyaasaddu ka baqdaan, hogaamiye
siyaasadeed oo loo doorto si dimuqraadi ahina kuma dhici karo
inuu ka talaabsado wuxuu dastuurku u dhigayo.
gunta iyo
gebo-gebada ayaa ninkii noola waxaa laga haya:-
Wuxu yidhi "
degmadayadu
Dareen way ka siman tahay
Doogna way gudboon tahay
Doorna waw midowdaa
Libna way ku dirirtaa
Xilla way daryeeshaa
Daba gelisyadiisiyo
Dad-qal way ka adag tahay
Danna way wadaagtaa
Duddadaa u kala rogan
Mana kala dab qaataan
Dadab baa ku kala xidhan
Kala durugsanaantiyo
Digadana nin baa shiday
Dawaduu ku huriyaa
Rag inay ku damiyaan
Dannigoodu farayaa
Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd"
Waxes jira Duleedow
Dibirrooti kulul baa
Dingaraaradiisii
Xaska lagula daatee
Dakharrada la geystoo
Waa daanno culusoo
Rag iskaga danbeeyaa"
Malaa wayla durugtee
Aan soo dabbaalee
Tartan laba ku dirireen
Dahab loogu beretamey
In la seexsho dacawada
Danta laga lahaa waa
Inuu diinku guul helo
Dulmarkiyo ujeeddadu
Dadka waxay baraysaa
In dedaalku wacan yahay
Dhanna dulucda sheekada
Duur-xul baa ku yara jira
Iyo dala'si laga wado
Duqu inaanu dheerayn
Sida loogu daran yahay
Iyadoo ka diimmoon
Dayo moog habaarkaas
Awgiis ma daaree
Isna duubka hibada ah
Doomaarta cawskiyo
Daristuu ka jecel yahay.
Doqonniimo lama dhayo!!!
Hedna lama daweyn karo!!!
waa dhab
inaan doqonimo la dawayn karin
Qallinkii
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi,
Pakistan.
Mobile:
00-92-300-2600907
diridhaba2001@hotmail.com