Xil ma dhibe mise Xil-dhibaan?
Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com
Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo
ahayd “ magac maalin buu baxaa” (micnuhu maaha magac maalin buu
tagaa) ee waxaa weeye maalin ayaa magac la bixiyaa.
Ilaa iyo intii ay belaayadu ku
habsatay Soomaaliya (laga soo bilaabo xukunkii shuuciga ee askarta
1969-1990 muddadaasoo ay Soomaaliya la mid ahayd qisadii “ridii
madaxa gashatay dheriga ama aashuunka ka dibna kala soo bixi waydey;
iyo 1991 ilaa maanta oo ay inagu gaallisaynayaan kuwo aan ku
tilmaami karo “shayaadiin” (evils). Kuwaanna waxaan iyagana matalay
qaybtii labaad ee qisadii rida oo uu odaygii beeshu uu ku taliyey in
rida la gowraco dherigana la jebiyo si uu u xalliyo dhibtaas, ka
dibna oohin qabsaday oo yiri: “waxaan la ooyayaa waa cidda u talin
doonta reerkaan ka dib dhimashadayda” (haddii aad u baahatid in aad
akhrisatid qisada rida oo dhan waxaad ka helaysaa Shabakadaha (Web
Sites) Soomaalida).
Nasiib darrida ku dhacday Soomaaliya
dhammaadkii 1990kii waxay ahayd, markii ay xukunkii dalka isku
qabsadeen shuftadii uu hoggaaminayey Janan Maxamed Faarax Caydiid oo
aan “maskax lahayn” iyo taliskii ku sheeggii Askarta oo uu
hoggaaminayey Janan Maxamed Siyaad Barre oo waqtigaas “ilko belay”,
(Thoughtless Gen. M Faarax Caydiid against toothless Gen. M Siyaad
Barre).
Wixii ay na badeen labadaas janan iyo
kuwii ka farcamay: C/llaahi Yuusuf, Cumar Jees, Barre Hiiraale,
Cabdi-qaasim, Morgan, Caato, Qanyare, Suudi, Riyaale, Cali Mahdi,
Caydiid yare, Maxamed dheere, Shaati-guduud iyo saaxiibbadood iyo
hagardaamooyinkii ay u gaysteen ummadda Soomaaliyeed cidi ma soo
koobi karto oo war dhafoor ayuu ku yaal.
Tixdan hoose waxay ka mid ahayd gabay
uu tiriyey nin Soomaaliyeed oo u qaxay Kenya 1991kii:
-
Inkastuu diktaatoor sannado .....nagu
dekaynaayey
-
Inkastuu dulmiga iyo xaqdigu .....yiilley
degelkeenna
-
Inkastuu nin-door guulwaduhu .....darajo
dheeraaday
-
Dugsiga waxan ahayn .....duul
ku nool dawladnimadiiye
-
Markiise habar-dugaag iyo ibliis ......dacalladuu
laabay
-
Oo qaranki dumay ....waanigii
sii dabayshadaye
-
Doofaar nin qalay .....waanigii
deris la ahaaday
-
Daji iyo ugaali ......waanigii
daafidii cunaye
Laga soo bilaabo 1991kii, murtida iyo
af-Soomaaliga waxaa ku soo siyaaday eray bixinta cusub oo badan;
sidoo kale waxaa ka sii baxaya oo daciifay amaba micno beelay erayo
ama murti badan hase yeeshee qoraalkani kuma saabsana eray bixin.
Haddii aan dib ugu noqdo mowduucii
Xil-dhibaanka, anigu waxaan soo kordhin lahaa oraah kale oo ah “magac
maalin buu dhintaa” waxaana maanta Nairobi ku geeriyoodey
eraygii Soomaaliga ee Xil-dhibaan.
Waa maxay micnaha erayga Xil dhibaan?
Xil wuxuu u dhigmaa Mas’uuliyad,
erayga Xil waxaa mararka qaarkood loo isticmaalaa xumaan ama
wixii xun. Waa marka la yiraahdo: “wixii nin xil moodo ayuu
nin(qof) xarrago moodaa” taasoo micneheedu yahay: wixii qof
la xun ayaa qof la fiican.
Erayga “Xildhibaan” wuxuu ka
kooban yahay labo qaybood oo kala ah: Xil iyo Dhibaan
oo ah: xumaan iyo dhib ama dhibid. Markaas,
qofka loogu yeero Xildhibaan waa iyadoo la yiri qofkaasi waa qof
xilku dhibo ama ay xumuhu dhibaan.
Haddii aynnu si kale u niraahno,
Xildhibaan waa Mas’uul. Waxaynnu haddana is waydiin karnaa:
Waa maxay micnaha erayga Mas’uul?
Maadaama aynnu kor ku soo sheegnay in
ay isku micne yihiin Xildhibaan iyo Mas’uul, dabcan waxaynnu
mas’uulkana siinaynaa sifooyinkii aynu siinnay Xildhibaanka.
Shuruudaha qofnimo
ee laga rabo mas’uulka Soomaaliyeed,
gaar ahaan
waqtigaan xasaasiga ah waxaa agartidayda yar ka mid ah:
-
1. in uu yahay qof Muslim
ah si buuxdana ugu dhaqmaa caqiidada Islaamka waxna ka yaqaan Diinta
Islaamka;
-
2. in uu nadiif ka yahay
khiyaamo qaran iyo/ama xiriir la leeyahay cadowga Soomaaliya
-
3. in uu aqoon fiican u
leeyahay Xeerarka iyo Caadooyinka suubban ee Soomaalida;
-
4. in uu yahay qof loo
doortay xilka ama mas’uuliyadda ee uusan u isticmaalin xoog, xeelad
iyo xoolo si uu u hanto xilkaas ama jagadaas;
-
5. inuu yahay qof u
hoggaansan oo ixtiraamaya dhammaan xeerarka mas’uulnimada isla
markaasna ka degaya xilka haddii ay kalsoonida kala noqdaan dadkii
doortay ama uu dhammaato muddadii xilkaasi;
-
6. in uusan ahayn qof kali
talis ah oo ku xadgudbaya xilka ama mas’uuliyadda hase yeeshee uu
yahay mid la tashanaya dadka doortay kana qaadanaya talooyinka
habboon ee danta guud;
-
7. in uu yahay qof karti
iyo aqoon u leh isla markaana gudan kara hawsha loo doortay;
-
8. in uu yahay qof leh ugu
yaraan heerka aqooneed ee dugsiga sare;
-
9. in cimrigiisu u dhexeeyo
35 ilaa 65 sano;
-
10.
in uusan qabin cudur
halis ah oon dawo lahayn waqtiga loo dooranayo mas’uuliyadda;
-
11.
in aysan ku caddayn
intii uu qaan-gaaray, dambiyada iyo falalka ay ka midka yihiin:
-
b) dil iyo tacaddi kale ee
bani’aadam oo uu ku lug yeeshay si toos ah ama si dadban;
-
t) dhac ama boob/burcadnimo
ama xatooyo hanti guud ama mid gaar oo uu ku lug yeeshay si toos ah
ama si dadban;
-
j) kufsi ama/iyo
gogol-dhaaf (adultry) lagu caddayn karo;
-
x) deyn/amaah guud ama gaar
oo uu inkiray.
-
y)
Laga helo calaamadaha
aabbe ama hooyo fiican ee qoys
-
10.
in uu yahay qof sumcad
fiican ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda;
-
11.
in uu yahay qof jecel
Caddaaladda, Nabadda iyo dhowrista Xuquuqaha dadka kale;
-
12.
in uu ku sifoobo wixii
kale ee an ka soo horjeedin Shareecada Islaamka ee caqliga toosan
iyo caddaaladdu ay raacsiinayaan qodobbada kore.
Dadka Soomaaliyeed oo akhrista
qoraalkaan ayaan waxaan waydiin lahaa su’aalaha ka dhalan kara
qodobbada hoose oo ah murti Soomaaliyeed:
-
HADDII AAN RUN LA SHEEGIN WAXAA LA SHEEGAA WAX
KALE WAANA BEENTA: (burcaddii
ulakaca u burburisey dhammaan qawaaniintii Qarankii Soomaaliya
miyaynu hadda u dirsannaa in ay qawaaniin inoo dejiyaan ka dibna
ixtiraamaan)?
-
nin aan kuu furi doonin yuu kuu rari:
(macquul ma tahay in ad hawshaada u dirsatid
cid aydnaan isku danba ahayn)?
-
DHURWAA(WARAABE) DHOOMO(HAAMO) KU RARO:
(danahaaga ma u dhiiban kartaa cadow ka
dibna uga hari kartaa)?
-
TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA:
(haddii ay maanta faraheenna ka baxdo talada
ku habboon Soomaaliya yaa shaki uga jiraa in aynnu dib uga
shallaayi doonno muddo dheer)?
-
NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA FIIRIYAA:
(aqoon iyo qiimayn miyaa inoogu
harsan dadka aynnu maanta ugu wanqalayno “xildhibaanno”
-
QUR’AAN ALIFKA KA XUMAADAY ALBAQRA KAMA TOOSO:
(ka dib 15 sano oo dawlad la’aan ah,
haddii aynnu dibu aasaaseeda u xilsaarno isla kuwii dumiyey tii
hore, miyaysan taasi ahayn in aynnu meel dheer ka dooni doonno
ama kuba diimi doonno dawladnimo dambe ee Soomaaliya)?
-
WARAABE (DHURWAA) HOOYADIIS NOLOSHA WAA KU NUUGAA
DHIMASHADANA WAA KU CUNAA: (dadka
maanta loo caleemo saaray in ay yihiin “xildhibaanno” miyaysan
ahayn kuwii naxariis la’aanta u xasuuqay dadkeenna, naxariis
la’aanta u burburiyey una kala qaybiyey dalkeennii, naxariis
la’aantana u diirtay wixii yiil nool iyo moodba? Haddana ma
waxyannu u fasaxaynaa in ay dhammaystiraan maatada ku hartay
dalkii iyo wixii lahaansho ah oo ay waayadaan ka unuunufeen
meelaha)?
-
NIN MEELI U CADDAHAY MEELI KA MADOW: (yaa
igu diiddan in sababtii ay u fashileen 14kii shir oo ka
horreeyey midkan
Nairobi ay ahayd “waxaa ii cad kursiga
madaxweynaha” oo kaliya? Waqtigaanna sow arrintu ma joogto isla
meesheedii oo 60 uma safna jagadaas ayagoo u sii diyaarsaday
kuwii u xalaalayn lahaa (xalaaleey i cafi!)
-
NIN KAS KUU DHAAWACAY KUMA DHAYO/NIN CIRID KUGU
DILEY HOOS KUUMA JIIDO: (walaalayaal,
ma waxaynu caddaalad iyo dibu dhis uga fadhinaa nimankii aan
“waxba” inoo hambayn: dhiig, dhaqan, dhaqaale, sharaf, dal,
caqiido)?
-
intaas an soo sheegay oo dhan
dad ku sifoobay miyaynu siin karnaa magaca ama mas’uuliyadda
“xildhibaan”,
miyaynaan Alle ka cabsoonayn
dadkeennana u turayn? Miyaynnu sharaf oo dhan ka samirnay?
Miyaynnuse dawladnimo dambe ka samirnay? Miyaysan inoo ekayn in
aynnu is daba qabanno?
Waxaa jirey nin qaadan waayey arrin la
soo gudboonaatey ayaa waxaa laga sheegay inuu yiri: “maanigaa waalan
mise Cadan baa laga heesayaa?” Dabcan sida ay sheekadu u egtahay,
ninku wuxuu joogay Soomaaliya hase yeeshee xaajada uu la
dheg-ka-faaray ayuu ku meteley in ay la mid tahay qof ka heesaya
Cadan lagana maqlayo Soomaaliya, taasoo uu ninku ula jeedey in waxa
ka yaabiyey aysan sina u ahayn suurtogal.
Haddaba, aniga sidaas oo kale ayaan u
yaabbanahay una qaadan la’ahay in ay maanta dagaal-oogayaashii
Soomaaliya u xuub-siibteen “xildhibaanno”.
Sidaas darted, shir ku sheegga Nairobi
wuxuu aragtidayda yar la mid yahay: “in ay Soomaalidu ku
heshiisey in aysan waligeed heshiin” waa haddii aynnu
oggolaanno, u sacabinno, ama xitaa ka aammusno, waayo aammus waa
oggolaansho.
Waxaan ku soo xirayaa, dadka
dagaal-oogayaasha la fadhiya gole ceebaadka Nairobi, waxaan ku
meteley sidaan: “haddii aynnu fuusto ka
buuxinno najaaso (sida kaadi), markaana aynnu ku darno hal galas oo
biyo saafi ah, fuustadaasi waxa ku jiraa ma waxay noqonayaan nadiif?
Haddiise aynnu doonno in aynnu dib u kala soocno ama u kala saarno
wixii aynnu isku darnay, ma inoosoo bixi karaa galaaskii biyaha
nadiifka ahi? Qofkii iigu soo jawaaba HAA waxay ila tahay inuu
fasiri doono hawl falgal kiimiya ah”.
Waxaan halka idiinku soo lifaaqayaa
tix gabay ah ookaaga digaya dagaal-oogayaasha
- T – Shirka dib
isugu diridda ee Nairobi
-
- Qaybta 1aad
- Darxumadan ku
raagnaan Bulshooy kaaga digayaaye
- Dawlad li’ida
raagtaan Bulshow kaaga digayaaye
- Shirka lagugu
dagayaan Bulshooy kaaga digayaaye
- Kuwa doodda joogaan
Walaal kaaga digayaaye
-
- Qaybta 2aad
- Dillaallada
shisheeyaan Walaal kaaga digayaaye
- Kuwa darinta
fidiyaan Bulshooy kaaga digayaaye
- Munaafaqiin la soo
diray Ayaan kaaga digayaaye
- Dan nimaan inoo
hayn Ayaan kaaga digayaaye
- Dibno
malaba Carrab dalableh baan
kaaga digayaaye
- Waji
diirran Qalbi daxala baan
kaaga digayaaye
- Dulmiga
huri Xaqana duudsibaan kaaga
digayaaye
- Dastuur
beena Xeer dool ahbaan kaaga
digayaaye
-
- Qaybta 3aad
- Kuway duubayaan
baan Walaal kaaga digayaaye
- Dawladnimada
beentaan Walaal kaaga digayaaye
- Dagaal
labokacleeyaan Misana kaaga digayaaye
- Dib waxay ka noqon
baan Walaal kaaga digayaaye
- Diktatoor
ibliisaan Walaal kaaga digayaaye
- Qaybta 4aad
- Kuwii qaranki
dumiyaan Bulshow kaaga diyayaaye
- Sow kuwii dorraad
gubay Dalka gabi ahaantiis?
- Sow-tay ina
duqeeyeen Shaniyo toban diraacood?
- Sow-tay dirir
colaadeed Dalka oo dhan galiyeen?
- Hubka daran
dabbaabado Sow-tay nala duljoogeen?
- Madaafiic diryaan
culus Sow-taan looba meel dayin?
- Dambas miyaanay
kaba dhigin Dhammaan degelladeennii?
- Dadiyo duunyo wixi
yiil Dukun-daakun kama dhigin?
- Aaway daafihii
Xamar Aaway daarihiisii?
- Miyaanay dalkii
qaybin Dariiqyadiisi kala xirin?
- Daymo qurux
Hargaysana Dal kaleeto kama dhigin?
- Dekeddii
Kismaayana Lama degaanba kama dhigin?
- Deexdii Markaad
iyo Baraawana warkood daa
- Bandarqaasimkii
bari Degaan xabashi muu noqon
- Beledweyne kaba
daran Dajiday ku quutaan
- Dooyow dareer
faylleh Baydhabaan ku diinnaa
- Booramo daleel
noqoy Barbarana dabayl raacday
- Bililiqo
daldalashada Sow kama diqoodaan?
- Dalka duunyo wixi
yiil Miyaanay uguba dabo tirin?
- Aqallada
dushoodii Miyaanay diiran gabigood?
- Maxajabo
daboollayd Miyaanay dukhuulayn?
- Miyaanay dagaag
iyo Dibad wareeg innaga dhigin?
- Miyaanay dambiil
cayra Dusha garabka noo surin?
-
- Qaybta 5aad
- Dagaal ooge
nacabihi Wallaahuna danteen hayn
- Waayagaas na
duudsiyey Dukun-daakun naga dhigay
- Waayaga damiirlaawe
Daadihin amxarada
- Dalkoo idilba
iibsaday Dirham lacaga kala baxay
- Waxaa iga
dardaarana Kuna daayay hadalkaba
- Soomaalaay danteed
moog Dhego uma daloolaay
- Maantay darini kuu
taal Fursad dahaba haysaa
- Waxa aad ku
doodaysid Duniduba maqlaysaa
- Haddaad diiday oran
layd Dagaal oogayaashaas
- Waa labo mid dooree
Amaad doortay oran layd
Wa Billaahi Towfiiq