SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk

MADAXWAYNE CABDULAAHI YUUSUF OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47 SI UU 'UMAGACAABO WASIIRKIISA KOOWAAD

  • MAGAYADA HUBNAHA U TAAGAN XILKAAS

Tan& caleemo saarkii madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed 14 Ogtobar waxaa la hadal hayay cida noqonaysa Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya iyadoo madaxwaynuhu waday kulamo is daba jooga iyo wada tashiyo ku aadan cida noqon la heed Wasirka Koowaad , 

Madaxwaynaha waxa uu xaq uleeyahay in uu ka fakaro cida noqonaysa wasiirka koowaad waxa uuna leeyahay bil ka bilaabanaysa Xiliga loo dhaariyo waa jibkiisa qaran, 

Dhinaca kale waxa madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf ka Codsaday Xubnaha Baarlamaanka in ay isi waa fajiyaan Qodobada 46-47 oo iyagu kala qoraya in Wasiirka Koowaad waa in uu ahaadaa Xubnaha baarlamaanka iyo  waa ka imaankaraa banaanka  

Hadaba sida uu sheegay madaxwaynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa wasiirka Koowaad iska leh Beesha Qatan iyadoo beeshaa qatani ay tahay Beesha Hawiyi  

Tusaale ahaan Madaxwaynaha Soomaaliya waa Daarood Gudoomiyaha Baarlamaanka waa Digil&Miriifle Gudoomiye ku xigeenka koowaadna waa Beeshashanaad iyadoo gudoomiye ku xigeenka Labaadna yahay Dir  

Hadaba beesha hawiya ayaa iyadu loolan culus ugu jirta cida noqon laheed Wasiirka Koowaad  waxaana ilaa iyo hada utaagan xubnahan kala ah  

Mudulood  

  • 1-Maxamed Cumar Xabeeb

  • 2-Bashiir Raage Shiiraar

  • 3-Cali Maxamed Geedi

  • 4-Daahir Sh Maxamuud

  • 5-Cumar Cabdulaahi Ahmed

  • 6-Cabdulaahi Axmed Afrax

  • 7-Xuseen Xaaji Bood

  • 8-Xuseen Cali Axmed

  • 9-Maxamed Xusen Cadow

  • 10- Maxamed Sh Gabyoow   

Habargidir  

  • En Xuseen Maxamed Faarax Caydiid

  • Maxamuud Maxamed Gacmo Dheere

  • Maxamed Maxamuud Culusow

  • Cabdulaahi Axmed Cadow                 N.B iima Xaqiiqsana

Mursade

  • Maxamed Qanyare Afrax

Waxaad moodaa in arinka wasiirka koowad aad u sii adkaanayo iyadoo hogaamiyaasha siyaasadu sheegaya in hadii laga soo xulo Xubno aan iyagu ka mid aheen Baarlamaanka xaalku sii Xumaanayo halka qolyaha kale ku doodayaan in aysan soomaaliya aheen 275 Xubnood oo qura balse Aqoonyahankii Siyaasiyiintii ay wali banaanka Ka Joogaan  loona baahanyahay in Soomaaliya oo dhan ay doowladan ka wada muuqdaan

 


WARARKII Oct 30, 2004

Gudoomiyaha baarlamaanka oo baaq Nabadeed u diray Ciidamada  isku haya Xadka Adhi Cadeeye.

  • Xildhibaano la arkay ayaagoo Bisha ramadaan cabaya Sigaar
  • Wasiirka koowaad oo lagu wado in la magacaabo 1da november
  • Madaxweynaha iyo wasiirka kowaad ee uu magacaabi doono oo safar u tagi doona 2da bishan november xarunta Jaamacada Carabta.

Waxaa isku soo dubaridey
Canab Abdule | canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

 

Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee soomaliya shariif Xasan Sh.Aadan oo shirkii saakay ee baarlamaanka shir gudoominayay ayaa baaq nabadeed waxa uu u diray maliishaadka isku haya xadka Maamulada Puntland iyo Somaliland,gudoomiyaha waxa uu ugu baaqay in dadkaasi ay tixgaliyaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado iyo is caffin ayna u naxaan shacabka soomaaliyeed ee u baahan nabada isagoo ku hadlayay magaciisa kan baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya.
 
Gudooomiyaha waxaa kale oo ugu baaqay labada dhinac in ay sameeyaan colaad joojin iyo is dhexgal nabadeed si looga baxo dhibaatada sokeeye ee ka dhalatay dagaaladas,madaxda labada ciidana ay ku dadaalaan sidii aysan markale dagaalo halkaasi uga dhacin loona soo afjari lahaa waxii  dhacay shalay,kuwo cusubna looga digtoonan lahaa.
 
Dhinaca kale baarlamaanka ayaa Maanta soo gabagabeeyay xeer hoosaadka baarlamaanka FKMG ah oo baryahan ay doodaas uga socotay xarunta Ambagthi.
 
Guddiga Nidaaminta mid ka mid ah oo maanta baarlamaanka kala hadlayay in aan lagu xadgudbin anshaha ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah baarlamaanka oo xiligan oo lagu jiro bisha barakaysan lagu arki karo iyagoo cabaya sigaar taasna ay muhiim tahay in ay ka digtoonaadaan baarlamaanka.
 
Qodobadii kale ee laga dooday waxaa ka mid ah shuruudaha Madaxweyne oo ay ka mid ahayd lacag ka qaadista tartamayaasha madaxweyne,waxayna soo jeediyeen qaarkood in laga saaro qodobkaas xeer hoosaadka si aysan u noqon wax dhaqan gala oo soo jireen noqda.
 
Wasiirka koowaad oo lagu wado in la magacaabo 1da november kadib marka laga doodo isniinta Qodobada iska soo horjeeda.
 
Baarlamaanka FKMG ah ayaa ka doodi doona maalinta isniinta ah Qodobada 46/47 ee Axdi Qarameeka FKMG ah oo ku saabsan magaabisya wasiirka kowaad ahna qodobo iska soo horjeeda,Q.46 waxa uu sheegayaa in Ra'iisul wasaaraha laga dhex doorto Baarlamaanka dhexdiisa.halka Q.47 uu sheegayo in baarlamaanka dhexdiisa iyo dibada laga magacaabi karo Ra'iisul wasaaraha waxayna keentay in arrintan ay dib u dhigto magaabista Ra'iisul wasaaraha sida uu sheegay dhawaan madaxweynaha FKMG ah.
 
Qodobadan ayaa dhaliyay buuq badan iyadoo baarlamaanka qaar ka mid ah ayba la yaab ku tahay waxa loogu xirayo qodoban kuna haboon in madaxweynuhu iska magaabo,balse madaxweynaha ayaa soo jeediyay in baarlamaanka uu kala tashanayo magacaabista jagadaas iyo waliba ka doodista labadan qodob.
 
Baarlamaanka ayaa u balansan in ay ka doodaan labadan qodob ayna ansaxiyeen ka dib marka cod loo qaado qodobkii ay isku raacaan in uu shaqeeyo kadibna isla maalinta isniinta ah uu ku dhawaaqi dooni madaxweynaha Ra'iisul wasaaraha oo si wayn loo wada sugayo magacaabistiisa.
 
Waxaa loo badaniyaa in wasiirka kowaad laga soo magacaabi doono dibada,balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in siyaasiyiintii uu ka balan qaaday C/llaahi yuusuf in uu siinayo jagadan ay ka wada warsugayaan cida uu u magaabo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Wasiirka kowaad.
 
Madaxweynaha iyo wasiirka kowaad ee uu magacaabi doono oo safar u tagi doona 2da bishan november xarunta Jaamacada Carabta.
 
Warar aan ka helnay illo xog ogaal ah ayaa sheegaya madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Ra'iisaul wasaaraha ay safar ku tagi doonaan xarunta Jaamacada Carabta ee Qaahira Marka uu ka magacaabo wasiirka kowaad.
 
Kulankan ayaa ku saabsan sidii ay wafdigan taageero dhaqaale uga dalbadan lahaaayeen jaamacada carabta si kor loogu qaado howlaha ay dowladdu u baahan tahay ee dib u dhiska dalka iyo Arrimo la xiriira Xagga amaanka oo wax wayn looga qaban doono sida ay wararkaasi sheegayaan.
 
Safarkan oo ku beegan labada bisha November ee sanadkan 2/11/04, waxaa madaxweynaha ku wehlin doona wasiirka koowaad oo lagu wado in la magacaabo kowda bisha november 1/11/04 ee sanadkan.
 
Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya ayaa horay safar ugu tagay xarunta AU-da ee Addis Ababa,waxa uuna madaxweyne Yuusuf ka dalbaday AU-da in ay siiyaan ciidamo nabad ilaalineed oo gaaraya 20,000 balse wali si rasmi ah aysan Ururka Midnimada Afrika uga soo saarin go'aan kama dambays ah oo ku aadan in ciidamo loo diri doono Somaliya iyo In kale.

Waxaa isku soo dubaridey
Canab Abdule | canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD