SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

DHIB UMA ARKO IN AAN MARAYKANKA ISKAASHANNO SIDII LOO TIRITIRI LAHAA ARGAGIXISADA.  WAAYO AYAGOO BADANNA AYEY JOOGAAN DHULKEENNA. 

Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa waraysi siiyey jariiddada Dar-Al-hayat intii uu joogay Adis Ababa. Wuxuu bixiyey waraysi dhinacyo badan taabanaya. Mar wax la weydiiyey Muqdisho matagaysaa? Wuxu ku jawaabay. Hawlo adag ayaa nahoryaala, anagoo banaanka joognana waxba kama qaban karno. Xamarna suuragal nooma'ahan inaan tango iyadoon la xaqiijiyo xasilooni iyo nabadgalyo. Waxaan awoodnaa inaan gobol kale ka bilowno hawlaheenna, maxaa yeelay Soomaaliya Muqdisho kaliya ma'ahan.

Waxaa la weydiiyey ma Puntland ayaad geyneysaa maamulka dowlada? Wuxuu yiri. Suuragal ma'ahan inaan dowladda u raro halka aan ka soo jeedo, laakiin meel kale ayaan dooran doonnaa.

Mar wax laga weeydiiyey xiriirka uu la yeelanayo Somaliland wuxuu yiri. Wax qulqulato dagaal ah lama gali doonno, wakhtiga ay munaasab noqoto ayaanna lasugaynaa inaan wadahadal toos ah la galno. Wuxuu intaas raaciyey, marna uma isticmaali doonno awood kuwa naga soo horjeeda iyo kuwa markaan tartamayeyba  imucaaradasanaa. Wax kasta oo suuragal ah ayaan samayn doonaa si aan shacabka taageero buuxda uga helo. Waxaana rabaa inaan usoo celiyo wixii ay waayeen 14.sano oo ah nabad iyo daganaasho.

Mar uu ka hadlayey xiriirka uu la leeyahay dowaladda Maraykanka wuxuu yiri. Wuu wanaagsan yahay, waana la shaqayn doonaa cid kasta oo Soomaaliya wax ka dhisaysa. Isaga oo Argagixisa ka hadlaya wuxuu yiri. Waxaanu nahay dadka uu dhibka ugu badan ka soo gaaro Argagixisada, gaar ahaan iyadoo ay dhulkayaga joogaan tiro aad u badan oo Argagixiso ah. Waxaana dareensahay ayuu yiri. In Maraykanku uu hogaaminayo weerarka lagu hayo ladagaalanka Argagixisada Caalamka. Mana jiraan wax noo diidaya inaan iska kaalmeysanno sidii aan uwada tir-tiri lahayn argagixisada handadaada ku haya gobolka iyo dunida oo dhanba.

ISHA: http://www.daralhayat.com/

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


SomaliTalk oo Doorashada USA ka Waraysatay  Wardheere : Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Maxamuud Nuur Wardheere sheegay in... Guji..

 


USA: November 2deedu Waa Maalintii Codbixinta : Waxaa aad muhiim u ah in aad ogaatid waxa lagaaga baahanayahay si aad codkaaga u bixisid iyo goobaha codbixinta... Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD